Hargeysa, 20 Feb, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay qasriga Madaxtooyada ku qaabbilay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo Ergada Dhex-dhexaadinta Golaha Guurtida ee soo afjaray khilaafka wakiillada kala qaybiyey oo ay shalay go’aammo ka soo saareen.
Madaxweynuhu waxa uu Ergada Guurtida uga mahad-celiyey go’aannada geesinnimada iyo waddaniyadda leh ee ay ku soo afjareen khilaafka Wakiillada, sidoo kale waxa uu Shirguddoonka Wakiillada uga mahad-celiyey sida ay u aqbaleen go’aannada Ergada Guurtidu ka soo saareen khilaafka u dhexeeyey muddooyinkii u dambeeyey.
Ergada Guurtida ee ku guulaystay inay soo afjaraan khilaafka labada dhinac u kala qaybiyey Golaha Wakiillada oo uu hoggaaminayo Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), ayaa hoggaamiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Labada Guddoomiye Ku-xigeen Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed, kuwaasoo Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay la socodsiiyeen go’aammada lagu heshiiyey laguna soo afgaray khilaafkii u dhexeeyey ee ay isku hayeen labada garab ee Wakiilladu u kala fadhiyeen.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhiniciisa sheegay inuu soo dhawaynayo, kuna faraxsan yahay go’aanka la isla-qaatay. Waxaanu sheegay inuu ka Madaxweyne ahaan soo dhawaynayo wax kasta oo ay isla meel-dhigeen Labada Gole ee Wakiillada iyo Guurtidu, ka Madaxweyne ahaanna uu diyaar mar walba u yahay wixii danta ummadda iyo ta Qaranku-ba ay ku jiraan.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu u mahad-naqayo Guurtida oo uu xusay inay go’aan qiimo badan ku soo afjareen khilaafka u dhexeeyey Golaha Wakiillada iyo weliba dhinacyada Golaha Wakiillada ee ay Shirguddoonku kala hoggaaminayeen oo uu uga mahad-celiyey sida ay u aqbaleen go’aankaas. Waxaana sidaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay shalay kulankaas ka dib xarunta Madaxtooyada Somaliland.
No comments:
Post a Comment