Jabuuti, 18, February 2014-(Himilo)- Kulan dhexmaray Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagaga wadahadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xal u helidda iyo soo celinta nabadgelyada dalka Soomaaliya iyo weliba inay dawladda Jabuuti xoojiso Ciidammada ka jooga gobolka Hiiraan oo qayb ka ah kuwa Midawga AMISOM.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho oo booqasho rasmi ah maalintii labaad ku jooga dalka Jabuuti, ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Raysal-wasaarihiisa Cabdiqaadir Kaamil Maxamed; isagoo kala hadlay xoojinta xidhidhka labada dal.
Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa uga mahad-celiyay Xukuumadda Jabuuti dedaalka ay ku garab-taagan tahay Soomaaliya si ay uga soo kabato burburka xoogganaa ee soo gaadhay. isagoo ka war-bixiyay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo qorshaha ay Xukuumaddiisu ku doonayso inay dalka oo dhan uga xorayso Al-shabaab oo uu xusay inay dhibaato ku hayso shacabka Soomaaliyeed.
"Waxaa noo qorshaysan inaan ka guulaysanno kooxaha nabad-diidka ah, waxaan kaashan doonnaa ciidanka AMISOM oo Jabuuti ay ka mid tahay. Marka aan dib u xorayno dalka waxaan ka shaqayn doonnaa in shacabka ku nool magaalooyinkaas ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo dhammaystiran." ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay.
Sidoo kale, Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Xukuumaddiisu inay tahay mid isbeddel muujin doonta, lagana gudbi doono dhammaan caqabadaha jira.
Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa rejo wanaagsan u muujiyey Shacabka Soomaaliyeed iyo inay mustaqbalka ka bixi doonaan dhibaatooyinka iyo dagaallada dalkooda ragaadiyey 23-kii sano ee u dambeeyey. “Soomaaliya dhibaatooyin badan ayay soo martay, waxaa qayb ka ah dhibaatooyinkaas faqriga. Waxaan mar kasta kala qayb qaadanaynaa walaalaha Soomaaliyeed sidii ay sharaftooda u soo ceshan lahaayeen, loogana guulaysan lahaa kuwa dhibaatada ku haya Soomaalida.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, isagoo ku daray hadalkiisa inuu xaqiijinayo in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii saxda ahaa.
Dhanka kale, Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Raysal-wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaair Kaamil iyagoo kawada hadlay fursadaha ay haystaan shacabka Soomaaliyeed iyo ahmiyadda ay leedahay in la sugo amniga si looga faa’iidaysto khayraadka Soomaaliya. Waxa kale oo ay kawada hadleen xooojinta xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa booqasho ku tagay qaar ka mid ah Dekedaha dalka Jabuuti ee hormarka weyn sameeyay. isagoo madaxda dalka Jabuuti ku ammaanay horumarka ay ka samaynayaan dhanka dakadaha, Soomaaliyana ay wax badan ka faa’iidaysan doonto. Waxaana Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Xubnaha Weftigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha dibedda iyo Gaashaandhigga qado-sharaf ku maamuusay Raysal-wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti.
No comments:
Post a Comment