Gabiley, 20 Feb, 2014 (Himilo)- Waxa shalay dalka soo gaadhay qalabkii loogu talo-galay wejiga koowaad ee dhismaha waddada Ceerigaabo, kaas oo ka soo degay dekedda weyn ee dalka Jabuuti.
Qalabkan oo xukuumaddu ka soo iibisay dalka Shiinaha, isuguna jirto Cagafyo, booyadaha biyaha iyo Iskarogooyin, waxa shalay kaga hortagay tuulada Kala-baydh ee galbeedka magaalada Gabiley, wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan Maareeyaha hay’adda waddooyinka iyo guddiga dhismaha waddadaas, ka dib safar dhulka ah oo gaadiidkaas iyo qalabka lagaga keenay dalka Jabuuti.
Maareeyaha Wakaaladda Waddooyinka Somaliland Prof Xasan Cali Cismaan oo ka hadlay goobta gaadiidkan ay kaga hortageen, ayaa tafasiil ka bixiyey tirada qalabka shalay dalka soo gaadhay, kuwaas oo uu ku kala sheegay inay kala yihiin Afar baabuur oo waaweyn oo kuwa Carrada qaada ah, laba Garaydhar, Laba Sheewal oo kuwa ciidda lagu raro, hal Baaldawsar, booyad iyo Gaadhiga lagu xambaaro gaadiidka waaweyn.
Maareeyuhu waxa uu sheegay inay jiraan qalab kale oo ay kaga yimaaddeen dekedda Jabuuti, “Qalabkani waa wejigii kowaad. Waxa noo soo socda oo aanu Jabuuti kaga nimi kuwa isku Qasa daamurka iyo Jayga oo laba ah iyo isbeer-baartii qalabkaasi lahaa oo dhan iyo laba baaldawsar,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay goobta ay gaadiidka iyo qalabka kaga hortageen, ayaa sheegay in gaadiidka iyo qalabka shalay soo gaadhay dalka loogu talo-galay wejiga koowaad ee dhismaha waddada, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Qalabkani waa intii loogu talo-galay wejiga koowaad ee dhismaha waddada oo ah hadday yihiin Cagafyadii, iskarogooyinkii, booyadihii iyo boldarawsarradii, qalabka intii kalena way soo socotaa oo ilaa Saa-dambe ayaanu sugayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirku waxa uu sheegay inay ku jiraan qalabka aan weli soo gaadhin dalka ee xukuumaddu soo iibisayo qaar loogu talo-galay dayac-tirka waddooyinka burbursan ee dalka, kuwaas oo uu sheegay in loo kala qaybinayo dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Jidadka kale ee dalka.
Wasiirka madaxtooyadu waxa uu balan-qaaday inay bilowga todobaadka dambe soo bandhigayaan lacagtii loo ururiyey jidka Ceerigaabo oo aan waxba laga isticmaalin iyo qofka kasta waxa uu bixiyey. Waxa uu wasiirku sheegay inay xukuumaddu bixisay kharashka ku baxay soo-iibinta qalabkan.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu ballan-qaaday inay xukuumad ahaan sii wadayaan dhismaha iyo dayac-tirka waddooyinka dalka, waxaanu shacabka Somaliland ugu baaqay inay ku garab istaagaan hirgelinta qorshaha xukuumadda ee horumarinta dhinaca waddooyinka.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay xubno ka mid ah guddi madaxweynuhu u magacaabay dar-dargelinta dhismaha waddada Ceerigaabo oo ay ka mid yihiin Maxamuud Aadan Dheri Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyaanle, Xildhibaan Cali Gabiley, Caaqil Axmed Cabdilaahi iyo Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale, kuwaas oo dhammaantood ku bogaadiyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hirgelinta waddada Ceerigaabo.
No comments:
Post a Comment