Sanadku markuu ahaa 1943, laba sano uun ka hor dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida, ayaa isagaoo hadal ka jeedinaya Jaamacada Harvard uu yidhi ra’iisal wasaarihii hore ee dalka boqortooyada ingriiska, Winston Churchill “Xadaaradaha mustaqbalku waxa ay noqon doonaan xadaaradaha caqaliga iyo fikirka” ula jeedada fikirka ayaa ah mid ku qotoma in gumaysiga mustaqbalku uu noqon doono mid ka caqliga qofka basharka ah. Xadaarada iyo fikirka maanta ugu weyn ee caalamka ka jira ayaa ah mid ka diin-laawenimada ama anigu sidaaan u aqaan baadida “atheisam”.Baadinimadu, sida ay ku qeexan tahay casirigan waa fikirka in qofku ama bulshadu si badheedh ah u dafiraan jiritaanka Illaah, ama wax la barbar dhigo, waxa uu doono ha ahaadee ama rabitaanka iyo u heelanaanta in la cidhib tiro wax kasta oo laga dhadhansado diin iyo dhaqan. Cid kasta oo aaminsan fikirkan ayaa rumaysan jiritaanka Illaahay in uu yahay khayaal iyo mala’awaal ee ibnu’aadamku isu sawiray. Haddaba, waa maxay aassaaska caqliyadan, geedi socodkeeda iyo raadaynta ay ku leedahay shaqsiga, bulshada, diinta, dhaqanka, siyaasada iyo dhaqaaluhu?
Taariikhda caalamka marka dib loo milicsado, basharka ayaa u kala goosha caqiidada diimeed iyo ta baadiyeed.Ummaddihii hore ayaa ka markhaati ah saamaynta ay diintu ku leedahay caqliga iyo garashada qofka, mar kasta oo diinta la fogeeyo garashada wanaaga iyo anshaxa ayaa iyana meesha ka baxda. Si kastaba ha ahaatee, ilbaxnimada iyo fikirka hanti-goosadka ku dhisan ayaa ka soo abuurmay laba arrimood oo taarikhda ku xusan. Waa mida koowaade, burburkii islaamka ku dhacay dhamaadkii qarnigii 13aad oo hakad galiyay dadaalkii khaliifadii Muslimiinta ee dhinac walba lahaa; ha ahaato cilmi diimeedka, sayniska iyo arrimaha bushadaba. Hantidii ummada islaamka ayaa mar qudha faraha u gashay reer galbeedkii boqolaalka sano hurdada dheer iyo abaarta galay. Ta labaadnawaxa ay noqonaysaa, dagaal ba’an oo ay qaadeen jabhadiihii fikirka ku salaysnaa ee dhanka ka ahaa kiniisada. Jabhadahan oo ay hogaaminayeen Francis Bakon, BarujSpinoza, john locke iyo qaar kale ayaa ku adkaystay mudnaanta caqliga iyo shaqsiga iftiimiyayna liidashada diinta iyo caadooyinka.
Kor u kaca fikiradan ayaa waxa sii huriyay, isticmaalka cilimigii laga soo dheegtay culimadii islaamka taasoo horseeday horumarka ku dhisan xisaabta, fiisikiska, handasada iyo bayoolojiga. Fikiradan ayaa assaas u ah nidaamka hanti-goosadka oo dulucdiisu tahay koobida awooda iyo baaxada dawladda, ka soo qaad qofka walax la qiyaasi karo oon is badalin abid. Caqliga aadamahana ka dhigay marjica koowaad ee garashada.
Aragtida adduunka ee nidaamka hanti-goosadka
Aragtida adduunka ee nidaamka hanti-goosadka ayaa ku dhisan xakamynta danta guud, diimaha iyo dhaqanka. Caqliyada guud ee habkan ayaa ah isku dheelitirka danta-guud iyo danta-gaarka ahi inay ku iman karto mudnaansiinta danta-gaarka ah. Sidaa darteed, nidaamkan ayaa hantida kali u aqoonsan in loo yeelan karo si gaar ah, ayna adag tahay in hanti-wadareedku ka badbaado isticmaal xumo. Dhinaca kale, khayraadka dunida ayey u arkaan in uu kooban yahay, loona baahan yahay yaraynta dadka si loo hubiyo sii jiritaanka ummadda.
Si kale hadaan u dhigno, qofku marka uu dantiisa daryeelo ta guudna way toosaysaa. Aragtida in basharka Illaahay u abuuray dunida iyo khaliifadii ayaa daaqada laga tuuray, lana barbar dhigay qofkii, dhigiisa dhirta leh, xayaawaan leh iyo wax kasta oo kawnkan ku abuuran.
Haddaba, habakani ma uu noqon mid aanay ciddi ka hor iman. Dhinacyo baddan ayaa weerar kaga yimid. Ugu horayn, mufakiriin baddan ayaa garawsaday xadidnaanta caqliga aadamaha ee laga xayuubiyay taageerada iyo deeqda waxyiga Illaahay. Mufakiriintan ayaa dalbay in basharka lagu soo celiyo meeshiisii. Dhinacyadaa baddan ee fikirkan ka horyimid, culimada islaamka ayaa laxaad leh kaga jiray, maantana kaga jira.
Aragtida adduunka ee islaamka.
Islaamku waa diin khusaysa caalamka oo dhan. Fahanka iyo ku dhaqanka islaamka ayaa ah mid aad u fudud.Waxaana aasaas u ah tawxiidka. Islaamku waxa uu aqoonsan yahay xornimada shaqsiga iyo kartidiisa wax soo-saar, hasse ahaatee, mudnaanta guud waxa iska leh bulshada. Isla markaana, aragtida caalamka ee Islaamku waa mid habaysan, isku dheelitiran iskuna xidhaysa diinta, bulshada, siyaasada, dhaqaalaha iyo dawladda. Dhinaca kalena, waa mid garawshiiyo u leh jiritaanka ifka iyo aakhiraba.
Fikirkan islaamiga ahi waxa uu u arkaa khayraadka dunida mid ku filan ummadda oo dhan una baahan tashiilasho iyo isticmaal suuban. Xaga dhaqan-dhaqaalaha hanti-goosigu u arko khayraadka dabiiciga mid kooban oo gabaabsi ah.
Haddaba, marka aynu eegno kala duwanaanshaha fog ee labada aragtiyood, waxaaan is weydiin doonaa; ma haboon tahay ama suuro-gal ma tahay in islaamku dhisto nidaam dhaqan-dhaqaale oo ka xor ah dulmiga, ribada iyo khamaarka hantida dadweynaha. Qoraalkeena danbe ayaan ku eegi doonaa mowduuuca dhaqaalaha islaamka.
Warsame Maxamud Axmed
Waxa uu ka tirsan yahay kulliyada dhaqaalaha ee jaamacada hargeysa
Qoraaladani waa fikirkayga gaarka ah mana khuseeyaan Jaamacada Hargeysa
Igala soo xidhiidh wrsmmhd@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment