Thursday, February 20, 2014

Suxufiyiin La Guddoonsiiyey Abaal-marin Qaramada Midoobay Bixisay

Hargeysa, 18 February 2014-(Himilo):- Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Somaliland, ayaa shalay Abaal-marinood guddoonsiiyey Afar Weriye oo ka qayb-qaatay Tartan ay u qabteen Suxufiyiinta Somaliland, kuwaasoo barnaamijyo ka diyaariyey dhinacyada Baadhista, Xuquuqal Aadamaha iyo Carruurta.
Afartan Weriye oo qayb ka ahaa Abaal-marinta Qaramada midoobay bixisay ee Suxufiyiinta Soomaalida, ayaa shalay Xaflad ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA soo qaban-qaabiyey lagu guddoonsiiyey Abaal-mariyey mutaysteen oo isugu jiray Laptop iyo Record casri ah.
Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan Somaliland oo goob-joog ka ahaa Abaal-marinnadan, ayaa soo dhaweeyey Suxufiyiinta Somaliland gaar ahaan kuwa ku guulaystay abaal marinadan isagoo kuwa kalena ugu balanqaaday in ay tartamo kale oo ay ku dhiirigalin doonaan u qaban doonaan.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe, Maxamed Cismaan Fadal oo ka tirsan Madaxda Wadani iyo wasiiradda Warfaafinta, Arrimaha Byulshada iyo shaqada, Daladda Nagaad iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraady doorka Saxaafaddu ku leedahay arrimaha Bulshada, waxaanay dhamaantood ku booriyeen in ay iska xil saaraan warar tabinta iyo Horumarka Dalka.
Weriyayaasha la Guddoonsiiyey Abaal-marinaha ayaa kala ah Naasir Maxamed Cabdillaahi oo ka socday Waaheen Media Group, Barkhad Ladiif Cumar oo ka socday Wargeyska Saxafi, Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale (Gobanimonews.com) Khadar oo ka socday wargeyska Yool.
Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay Saxaafadda Somaliland tacaddiyo Xukuumadda talada haysaa ku hayso, hase-yeeshee dagaalka, xadhigga iyo tacaddiyada lagu hayo Warbaahinta aanay ahayn mid uu kula jiro Madaxweyne Siilaanyo balse uu yahay mid ay kula jiraan Raggii Saxaafadda hore uga tirsanaa ee Xukuumadda KULMIYE xilalka looga dhiibay oo uu ugu horreeyo Wasiir Cukuse.
“Aniga arrintani way I xiisa-gelisayoo, waxaan is idhi malaha dan bay idinka leeyihiin Qaramada Midoobay, waanan u mahad-celinayaa UN-ka iyo SOLJA-ba.” Sidaa ayuu yidhi Faysal waxaanu ka warramay heerarka inta uu ka xusuusan yahay ay Saxaafadda Somalialnd soo martay iyo heerka ay maanta taagan tahay.
“Annaga in badan bay Saxaafaddu dhibaatooyin noo geysataa oo dawladdu way iska xidhaaye, annagu iskamana xidhi karno. Wadaadka iyo dawladda waa la kala ilaaliyaa, oo wadaadku hadduu dawladda Galo, Diinta ayuu illaawayaa, wadaadkaba waxa ka sii daran Saxaafaddu markay dawladda gasho. Immika tacaddiga, xadhigga, iyo cabbudhinta warbaahinta madaxa-bannaan maanta lagu hayo, waxaan leeyahay dawladda isma haysaan oo Axmed-Siilaanyo dagaalka idinku socda idinkulama jiree, waxaa is-haysaan oo dagaalka idinkula jira kuwiinnii dawladda galay oo uu ugu horreeyo Wasiirka Warfaafintu Cabdillaahi-Cukuse. Waa nasiib-darro in Cabdillaahi-Cukuse oo shalay idinka mid ahaa maanta idinka dagaal idinku hayo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo isaguna madashaa ka hadlay, ayaa si ba’an u weeraray Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo uu sheegay inuu soo saaray Warbixin uu been-abuur ku tilmaamay oo uu xusay inaanay SOLJA ku midaysnayn, kana turjumaynin Ururka. “Maxamed-rashiid waxa uu soo saaray Buug uu ku sheegayo Report (Warbixin), waxaannu leenahay waxa uu soo saaray maaha warbixin jirta oo run ah ee waa wax aan jirin oo aan dalka ka dhicin oo uu isku-xayeysiinayo oo uu ku soo sawiray sawirkiisa iyo dhalinyaro uu Daaqad Maxamuudi ah (Maryo cadcad) intuu u soo iibiyey indhaha kaga wada xidhay, SOLJANA kuma midaysna...Maxamed-rashiid waxaan leeyahay haddaad doonayso inaad noqoto Faaruuqa (Guddoomiyihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ) Somaliland intaad IT-ga barato qol hoosta ka xidho oo maalin iyo habeen-ba wax daabac,” sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

No comments:

Post a Comment