Friday, February 21, 2014

Nin Lagu Dilay Deegaanka Gambaro-Xangeeyo ee gobolka Saraar

Caynaba, 20 Feb, 2014 (Himilo)- Marxuum-Saleebaan Fanax Yaasiin oo ahaa nin xoolo dhaqato ayaa maanta lagu dilay tuullo la yidhaahdo Gambro-xangeeyo oo 180 KM dhinaca Woqooyi kaga beegan degmada Caynabo ee gobolka Saraar.
Sidaasna waxa xaqiijiyey Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka tirsan Golaha deegaanka Caynabo oo u warramayay shabakadda Gudgudenews oo aanu warkan ka soo xigannay.
“Maanta duhurkii (shalay) tuuladda Gambro-xangeeyo ee ka mid ah deegaanadda hoos yimaada degmadda Caynabo ka dhacay dil ka dib markii nin la yidhaahdo Ina Sahal Faarax uu dilay Marxuum-Xoolo dhaqato ah oo la odhan jiray ALLE ha u naxariistee Marxuum-Saleebaan Sahal Yaasiin. Goobta dilku ka dhacay waxay u jirtaa Caynabo illaa 180Km, waxa la sheegay in ninkii uu baxsaday,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in odayaal, maamulka degmadda Caynabo ay u baxayaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ninkii dilkan geystay.
Xildhibaan Abyan waxa uu Taliyaha qeybta Booliska Saraar ku dhaliilay inaanu waxba ka qaban dilalka ka dhaca gobolka, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dilku wuu dhacaa oo waa qadar iyo wax adduunkaba ka dhaca laakiin annaga waxa mushkilad nagu ah in Taliyaha ciidanka Booliska Saraar aanu marka meel dil ama shaqaaqo looga soo sheego aanu uga bixin gurigiisa. Taliyaha waanu u sheegnay hase yeeshee ma jiro wax tallaabo ah oo uu qaaday.”
Xildhibaanku waxa uu Taliska Guud ee ciidanka Booliska ugu baaqay inay Ciidanka Booliska gobolka Saraar ka shaqaysiiyaan, “Waxaanu Taliska Ciidanka Booliska aanu ka codsanaynaa inay madaxda Booliska gobolka ka shaqaysiiyaan oo ay gutaan waajibka ka saaran sugidda ammaanka gobolka. Waxa beryahan dambe soo noqnoqday dilal kala dambeeyay oo gobolka ka dhacay oo aanay ciidanka Booliska Saraar wax gurmad ah iyo tallaabo midna ka qaadin, taasna waxaanu u aragnaa mid ayaan-darro ku ah dawladnimada,” ayuu yidhi Xildhibaan Abyan.

No comments:

Post a Comment