Wednesday, February 26, 2014

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Guurtida oo ka hadlay Fadhigii Shalay ee Golahaas oo Kooram la’aan u furmi waayey




Hargeysa, (Himilomedia.com)- Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland oo shalay furmi lahaa, ayaa baaqday, ka dib markii ay Xayndaabka Aqalkaas ka soo xaadiri waayeen tirada Xildhibaanno ku filan  Kooramka fadhiggaasi ku furmi lahaa, waxaana Shirguddoonku Mudanayaasha Golahaas ku war-geliyeen inay Arbacada Maanta ku dedaalaan fadhiya yimaaddaan.


Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali oo fadhigga shalay guddoomin lahaa, ayaa farriin u diray Xildhibaannada Golahaas ka dib markii fadhiga shalay qabsoomi lahaa u baaqday Tiro yaraanta Mudanayaasha markii Kooramku buuxsami waayey. Waxaanu ugu baaqay inay waqtiga dhawraan, isla markaana aanay ka baaqan fadhiga Arbacada maanta Golahaasi yeelan doono.


Waxa uu Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtidu sheegay in xidhitaanka Kalfadhigga 52-aad ee Golahaas waqtigiisu taagan yahay, isla markaana uu joogo Guddoomiyihii Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan oo Safar uu dalka dibeddiisa ugu maqnaa ka soo laabtay, kaasoo uu sheegay inuu xidhitaanka Kal-fadhiga ka soo qaybgeli doono.


“Mudanayaal shir mar furanayno oo Kooramku ma innoo dhamma, keliya waxaan idinla socodsiinayaa Kalfadhigga xidhitaankiisii wakhtigi hadda wuu taagan yahay oo uu joogaa, innaguna muddo waynu kala maqnayn oo intii hawshii Golaha Wakiillada aan ku jirnay Golohu fasax buu ahaa, Ajandayaasha wixii innoo hadhsan, u yeedhistii Wasiirrada waxa innoo hadhsan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali oo la hadlayey Mudanayaashii ka soo xaadiray fadhiga shalay baaqday.


Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Odayaasha Somaliland Siciid Jaamac Cali oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxa keliya ee innoo yaallay waxay ahayd ururinta hadal-qoraalkii iyo soo jeedimihii Guddiyada oo ay ahayd in la isu soo ururiyo oo Dhukumenti laga soo saaro.”


“Guddoomiyeyaashii Guddi hoosaadyada ayaannu hawshaa u dirnay, way soo dhammeeyeen, Coobbigiina way noo keeneen. Guddoomiyihii Goluhu wuu yimi oo wuu joogaa, kol haddii Guddoomiyuhu joogana waxa lagama maarmaan ah inuu xidhitaanka Kalfadhigga goob-joog ka ahaado.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment