Tuesday, February 25, 2014

Shacabka Ingiriiska oo Dawladdooda Culays ku saaraya inay Joojiso taageerada Dhaqaale ee Soomaaliya iyo Sababaha loo Aanaynayo

London, (Himilomedia.com)- Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa cadeeyey inaanu ogolaan doonin khaladkii ka qabsaday Afgaanistaan oo kale inay sameeyaan, isaga oo ula jeeda taageerada uu waddankiisu siiyo Soomaaliya.

Mr Cameron waxa uu carrabka in culays lagu saarayo xukuumadiisa inay joojiso taageerada dhaqaale ee ay siiso dawladda Somaliya iyo halista uu dhaqaalhaasi ugu jiro inuu gacanta u galo kooxda Al-Shabaab.

“Hadii aan iska indha tirno waxaan samaynaynaa khaladkii aynu galay 1990 ee Afgaanistaan. Diyaar uma ihi inay taasi oo kale dhacdo,” ayuu yidhi David Cameroon.

Dawladda Ingiriiska ayaa la sheegay inay sannadkii ku bixiso taageerada Somaliya dhaqaale gaadhaya 90 milyan oo Gini, waxaanay tani ku soo beegmaysaa iyada oo digniino laga bixiyey musuq-maasuqa regaadiyey dawladda Somalia oo warbixin dhowaan la soo saaray ay fashilisay inay masuuliyiinta dalkaasi ay si qarsoodi ah ugu dusiyaan kooxda Al-Shabaab noocyada hubka ee lagu caawiyo milatariga dalkaas.

Culayska lagu saaray raysal-wasaaraha Ingiriisku inuu joojiyo taageerada dhaqaale ee Soomaaliya, ayaa ayaa ka dambaysay dhaleecayn loogu soo jeedinayo xukuumada Ingiriiska inay u leexiso taageerada ay siiso Soomaaliya muwaadiniin Ingiriis ah oo ku tabaaloobay daadad dhowaan dhacay.

In ka badan saddex boqol oo muwaadiniinta Ingiriiska ayaa u soo jeediyey xukuumadda inay u weeciso taageerada ay Soomaaliya siiso dadka waxyeeladu ka soo gaadhay daadadkii iyo fatahaado ka dhacay deegaamo ka tirsan Galbeedka Dalkaas.

Xildhibaan Ian Liddell-Grainger, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka, lagana soo doorto deegaamda daadadku aafeeyeen ayaa jariiradda Daily Mail u sheegayh, “Tani waa caddeynta wixii ay ka digayeen xildhibaano badan in lacagahii deeqdu galaan gacmo khaldan.

Waxa jira wadamo badan oo gargaarka aynu loo diraa aanu gaadhin dadkii loogu talla galay, kuna dambeeyaan gacmo khaladan.”

Xildhibaankan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxa loo baahan yahay in la xusuusnaado in gargaarku ka bilaabmo gudaha, maadama dad baahan joogaan halkan (Ingiriiska).”

Afhayeen u hadlay Waaxda gargaarka dibadda ee Ingiriiska (DfID), ayaa sheegay inaan warbixintii dhowaan Qaramada Midoobay ka soo saareen Soomaaliya wax caddeyn ah ku muujin in deeqaha Ingiriisku Bixiyo ay ku dhacaan gacmaha Kooxda Al-Shabaab.

 

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment