Hargeysa, 18 Feb, 2014 (Himilo)- Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska, ayaa shalay Deeq Buugaag ah gaadhsiiyey Jaamacadda Alpha University College, Faraceeda Magaalada Hargeysa.
Munaasibad loo sameeyey guddoonka deeqdan Buugaagta ah Oo ku Qabsoontay Xarunta Jaamacdda Alpha ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md Khadar Axmed Diiriye, Guddoomiyaha Jaamacada Alpha University Pro. Cabdiraxmaan Maxamed Maal Iyo Aadan Gooraan Xassan Maal oo la socday Jaaliyada Somaliland ee Deeqdan Buugaagta ah u soo diray Jaamcadda.
Aadan Gooraan Xasan Maal oo ku hadlayey afka Jaaliyada reer Somaliland ee Dalka UK, ayaa sheegay In Deeqdan Buugaagta ah ee uu ku wareejiyey Jaamacadda Alpha ay ku soo deeqeen Jaaliyadda reer Somaliland ee deggan Ingiriiska gaar ahaan magaalada Cardiff, waxaanu sheegay in deeqdan oo kale ay dalka hore u soo gaadhsiiyeen isla markaana aanay tani noqon doonin tii ugu danbaysay.
Mr Aadan Gooraan waxa uu ku dheeraaday sida dadka reer Somaliland ee ku nool Waddamada Dibbada ay ugu taamayaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen Horumarka ka jira dalkooda.
Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Prof Cabdiraxmaan Maxamed Maal Oo Guddoomay deeqda buugaaga ah, ayaa jaaliyadda Somaliland ee magaalada Cardiff uga mahad-celiyey In deeqdan Buugaagta ah ay u gartaan Jaamacada Alpha Isagoo ka Rajeeyey In aanay Noqonin buugaagtani Kuwii Ugu dambeeyey ee ay Jaamacadda Gaadhsiiyaan. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in buugaagtan oo isugu jirta kuwa injineerin, cafimaad, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada ay wax weyn ka tari doonto baahidii jamacaddu u qabtay inay hesho agab waxbarasho oo casri ah.
Ugu Dambayn, Agaasimaha Tacliinta Sare Ee Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland Md Khadar Axmed Diiriye oo Maamulka Jaamacada Alpha Ku Wareejiyey Buugaagtaasi, ayaa Xusay In Aqoontu tahay waxa ugu qiimaha badan ee Adduunka guudkiisa lays taro Sidaasi Awgeedna uu u mahad celinayo Jaaliyada Somaliland ee ku Fikiray In ay Dalka Ka Dhisaan Dhinaca Aqoonta. Agaasimaha ayaa ku tilmaamay jamacadda Alpha University inay qayb libaax ka qaadato kobcinta waxbarashada ka socota guud ahaan Somaliland, gaar ahaan tacliinta sare, wuxuuna ugu danbayntii u kala wareejiyay buugaagtii.
Dhinaca kale, magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi Ethiopia oo ay ku taalo xarunta guud ee Jaamacadda Alpha, waxa si weyn loogu soo dhaweeyey isla markaana lagu qaabilay hormuudka jamacadda Alpha University College ee magaladda Hargeysa oo uu Hogaminayo Pro. Ismail Ibrahim Dualle oo ah Hormuudka kuliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.
Weftigan oo hawlo shaqo u tagay Addis Ababa, waxa soo dhawayntooda ka qayb qaatay Madaxwaynaha Jamacadda Alpha University College Dr. Haileselasie Welde Gerima, Ku-xigeenka Dr. Zawdie Shibre Iyo DiwaanhayaHA guud ee jamacadda Alpha University College Ato. Kumsa. Waxa kale oo iyaguna ka qayb-galay arday hore uga qalin jabisay jamacadda ALPHA University faraceeda Hargeysa oo uu ka mid yahay Mohamed Haruun oo ka tirsanaan jiray Kuliyadda ICT.
Ujeeddada socdaalka weftiga ayaa ku saabsan kulamo sanadle ah oo dhex mara labada jamacaddood ee ALPHA University Ethopia iyo ALPHA University, Somaliland, kaas oo ay kaga wada hadlayaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Waxbarasho ee ay u fidiyaan bulshada ku dhaqan geeska Africa gaar ahaan Somaliland iyo Ethiopia. Waxa kale oo ay kawada hadleen sidii khariiradda ay labada jamcadood kuwada shaqayn doonaan mustaqbalka fog loo diyaarin lahaa, isla markaana kulan kan xiga loogu qaban lahaa Somaliland dhamaadka bishan February, 2014.
Wefdigan ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo noqdaan dalka 20=ka February 2014 oo beegan maalinta Khamiista ee todobaadkan.
Jamacada Alpha University College faraceeda Hargeysa oo la aasaasay 2009, ayaa kamid ah jaamacadaha dalka kuwa ugu waaweyn, muddadii ay jirtayna ay ka qalin jabiyeen, kana aflaxeen kumanaan arday oo reer Somaliland ahi.
Jaamacada Alpha ayaa kamid ah Jaamacadaha ugu kuliyadaha baddan dalka, iyadoo leh in ka badan 10 kuliyood oo kala duwan.
No comments:
Post a Comment