Thursday, February 27, 2014

Faafaahinta Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, (Himilomedia.com)- Ugu yaraan 12 qof oo shacab iyo Askar isugu jira, ayaa ku dhintay in ka badan 15 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay weerar Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka Baar FIAT ee magaalada Muqdisho oo ku dhaw xarunta Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliya oo Sarkaal ka tirsanaa qaraxaas ku dhintay.

Qaraxan oo loo adeegsaday Baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay, ayaa dhintay ku jiray Sarkaal sare oo ka tirsanaa nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed. Goob-joogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa sheegay inay arkeen maydadka 12-qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca dad ka badan illaa 15 qof ah oo ay ku jiraan laba Dumar ah oo iyagu lahaa Makhaayadda lala beegsaday qaraxaas.

“Anigu waxaan ka cabbayay Baarka Koof-shiin waxaanan arkay gaadhi derbiga ku dhacay, dadkii Makhaayadda ku jiray oo tiradoodu ahayd 20-qof ayaan u qaybsamay dhimasho iyo dhaawac.” Sidaa ayuu yidhi mid ka mid ah goob-joogayaasha Warbaahinta u sawiray qaabka qaraxaasi u ay.

Goob-joogaha ayaa sheegay inaanay isaga waxba gaadhin, balse dadkii Makhaayadda ku sugnaa ay gebi ahaantood u qaybsameen dhimasho iyo dhaawac, markaas ka dibna ay yimaaddeen Ciidammo badan iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah. Gaadiid badan oo kuwa gurmadka ah, ayaa ka qaaday goobta dhaawaacyo iyo dhimasho fara badan oo isugu jiray rayid iyo Askar tirsanaa Ciidanka Nabad-sugidda oo midkood Sarkaal ahaa.

Baabuurka qaraxa sameeyay ayaa ahaa kuwa yaryar ee raaxada, waxayna u sheegeen warbaahinta qaar ka mid ah goobjoogayaasha inuu eryayay gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada C/casiis, C/llaahi Xasan Xuseen oo isaguna goobta kula hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in khasaare xooggan uu dhacay ayna weli socdaan baaritaanno ku saabsan dadkii wax ku noqday.

Makhaayadaha uu qaraxa ka dhacay ayaa ka horjeeda hoteelka FIAT ee Muqdisho waxaana goobta yaallay Meydadka shan qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen dad shacab ah Makhaayadda ka cuntaynayey iyo kuwo ka shaahaynayey iyo Askari Ciidammada Nabad-sugidda ka tirsanaa.

Haweeney ka mid ahayd goob-joogayaasha oo qaylinaysay, ayaa sheegtay in kuwa weerarka geystay ay yihiin cadow dadka baabi’Inaya ay ka faa’iideysteen awood la’aanta hay’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarkaas, waxaanay ku hanjabeen inay soo wadaan weerarro kala duwan oo ka culus ka ay maanta ka geysteen Muqdisho. Kuwaasoo ay sheegeen inay ka fulin doonaan goobawladda iyo fadhiisimmada Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM.

Jimcihii inna dhaafay ayay Kooxda Al-Shabaab weerar argagax badan dhaliyey ka geysteen xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo ay qaarkood ahaayeen Saraakiil Madaxtooyada ka tirsanaa.

Dawladda Soomaaliya iyo Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM, ayaa si joogto ah ugu hanjaba inay dagaallo culus ku qaadi doonaan Al-Shabaab, isla maraana ay ammaanka Soomaaliya oo Caasimadda Muqdisho ugu horreyso gacan adag ku qaban doonaan, hase ahaatee, taa beddelkeeda waxa sii khalkhalaya nabadgelyada Muqdisho, iyada oo ay soo badanayaan weerarrada ay Al-Shabaab fulinayso gudaha Muqdisho.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment