Friday, February 21, 2014

Madaxweynaha somaliland oo xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska

Hargeysa (Himilo):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismaha susub ee Wasaraadda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland oo dhisme cusub looga dhisay halkii hore ay ugu jiri jirtay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska xilligii Dawladdii Rayaale.
Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiradda Maaliyadda Cabdicasiis Samaale,Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire,Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),iyo Wasiirka martida loo ahaa Cali Siciid Raygal,masuul sare oo ka socda Hayada UNICEF,iyo Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo.
Waxaa kaloo munaasibadda ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabbeeye waxaanu yidhi:-
“Mudanayaal waxa marag madoon ah in Xukuumada uu hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay qaaday dhabbihii wax qabadka taas oo maanta aad aragtaan inay hoos joogno fooqan labada dabaq ah ee laga dhisay Miisaaniyadda Dawladda.”
Guddoomiyaha dalada dhalinyarada somaliland ee sonyo Mabaarig Ismaaciil Taani ayaa isna sheegay in ay maanta u tahay dhalinyarada reer somaliland maalin u suntan xasuusna u baahan iyo in markasta la xuso dhalinyaradii naftooda u hurtay qarannimada somaliland.
“Mudane madaxwayne waxaanu maanta kaaga mahad naqaynaa inaad maalinta taabo gala u noqotay dhalinyarada reer somaliland aad ku maamuusto xadhigana uga jarto wasaaradii dhalinyarada waana maalin tariikhda kuu gali doonta.
Guddoomiyaha dalada dhalinyarada somaliland ee sonyo ayaa waxa uu intaasi ku daray in dhalinyarada reer somaliland ay sharaf wayn u tahay inuu madaxwaynihii qaranku ku dhiirado xadhigana maanta ka jaro sanduuqii dhalinyarada reer somaliland
“Waxa maanta dhalinyarada reer somaliland sharaf u ah inaad madaxwayne ku dhiirato xadhigana ka jarto sanduuqa dhalinyarada reer somaliland oo ay kasoo shaqeyeen wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dalada heer qaran ee sonyo.
Wasiirka hawlaha guud gadiidka iyo guryanta somaliland mudane Cabdi Risaaq Khaliif Axmed oo isna munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha loo dhisay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahu uu ku biiri doonto hantida ma guurtada ah ee uu qaranka somaliland leeyahay.
“Mudane Madaxwayne wax noo sharaf ah inaad nagala soo qayb gasho xadhigana ka jarto dhismaha cusub ee loo dhisay Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland wasaaradan oo ku biiri doonta hanti qaranka somaliland leeyahay ee ma guurtada ah.
Wasiirka dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa sheegay intii uu xilka hayey inay wasaaradu ku talaabsatay horumar lataaban karo kuwaas oo uu ka carab dhabay koobkii gobolada dalka oo markii u horeysay ay kasoo qayb galeen 13gobol ee uu ka kooban yahay dalka jamhuuriyada somaliland.
“madaxwayne waxa inoo wada sharaf ah in dhalinyaradii somaliland meel lagu muujiyey waxqabadkii xukuumaduna uu noqoday mid shacabka reer somaliland tusay dhabaha lagu gaadhi karo guul, mudane madaxwayne wasaarada ciyaaraha intaan xilka hayey waxa suuro galay in 13ka gobol ee ku kooban yahay dalka somaliland ay kasoo qayb galeen tartanka gobolada ee ka dhacay caasimada somaliland ee hargaysa, dhismaha iyo dayac tirka garoonada kubada lagu ciyaaro iyo kuwa foolida ah lagu sameeyey mudane madaxwayne waxay dhan yihii 15 garoon.
Gabo-gabadii waxa soo kunaanada munaasibada madaxwaynaha jamuuriyada somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaas oo sheegay in dhalinyaradu tahay mustaq balka dalka,isla markaana dalka somaliland uu ku faanayo dhalinyaradiisa.
“dhalinyarada iyo horu markeedu waa wax yaabaha asaaska u ah mustaq balka dal ku faano dal waliba waxa uu ku fanaa am hore ugu maraa waa dhalin yaradiisa waxaanu rajaynaynaa am aanu ilaahay ka baryaynaa inuu dalkeenu iyo dhalinyaradiisu ay hano qaado dalka iyo dadkaba anfacdo.
Madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay inuu ahmiyada ugu wayn siinayo wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska somaliland iyo barnaamijyada ay wado mustaqbalna u leh dhalinyarada reer somaliland waxaana uu sanduuqa horumarinaya dhalinyarada reer somaliland ugu deeqay madaxwaynuhu 100kun oo dollar.
“sidaas daraadeed ahmiyada wayn ayaanu siinaynaa barnaamijyada ay wado wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahu si ay dhalinyarada reer somaliland ay u gaadhaan guul waxaana sanduuqa horumarinta dhalinyarada reer somaliland ugu deeqayaa 100kun oo dollar waxaanu jecel nahay ganacsatadan ugu baaqaynaa in ay dhalinyarada reer somaliland garab galaan sanduuqaas horumarinta oo ay ugu deeqaan ganacsatadu.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment