Copenhagen- (Himilomedia.com)- Dalka Denmark ayaa cadeeyey in xuquuqda xoolahu ka muhiimsan tahay diimaha, isla markaana, gebi ahaan mamnuucay xoolaha sida xalaasha ee diinta islaamka waafaqsan loo gawraco wadankaa, sida Wasiirka Arrimaha Cuntada qaabilsan uu sheegay.
Dan Jorgensen, wasiirka Arrimaha Cuntada ee dalka Denmark ayaa mar uu ka hadlayey talaabada xukuumadiisu ku mamnuucday xoolaha sida xalaasha loogu gawraco dalkaa sheegay, “Xuquuqda Xoolaha ayaa ka muhiimsan ta Diimaha,”
Mamnuucida xoolaha sida xalaasha ah loo gawraco ayaa la sheegay in wadankaasi ku waayi doono dhaqaale gaadhaya malaayiin doolar oo ka soo geli jiray ganacsiga iyo dalxiiska.
hilibka lo’da iyo digaaga sida xalaasha ah loo gawraco ayaa la sheegay in dalkaasi u diri jiray wadamadda Barriga Dhexe. Ugu yaraan boqolkiiba 55% badeecadaha uu dibedda u dhoofiyo dalka Denmark ayaa la sheegay inay yihiin cuntada, talaabadanina ku keeni karto in cuna-qabatayn lagu soo rogo, sida wargeyska PowNed ee dalkaasi ka soo baxa qoray maanta.
hogaamiyeyaasha muslimka ee dalkaa ayaa ku tilmaamay talaabadan xukuumada Denmark ku joojisay xoolahii sida xalaasha loogu gawrici jiray dalkaa mid muujinaysa inay ka soo horjeedo madaxbanaanida diimaha.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Normal
0
false
false
false
EN-US
X-NONE
X-NONE
No comments:
Post a Comment