Kulan-diimeedkaas oo lagaga hadlay kaalinta waayeelku ku leeyihiin wacyi gelinta bulshada iyo doorka ay ka qaadan karaan ka hortaga arrimaha ka soo horjeeda diinta islaamka ee ay ka mid yihiin tahriibka, Waalid caasiga, iyo fahanka khaldan ee ardayda loo fahansiin karo barashada akhlaaqiyaadka wanaagsan.
Kulankaas oo lagu qabtay Hoolka Cuqaasha ee Dawladda Hoose ee Magaalad Laascanood, waxa ka soo qayb galay Wakiilka Machadka Faafinta Islaamka ee Magaalada Laascanood, Cuqaasha Gobolka, Xildhibaano Golaha Deegaanka ah, iyo dhalinyaro, waxaa ugu horayn halkaas ka hadlay Wakiilka Machadka Faafinta Islaamka ee Magaalada Laascanood Cabdirashiid Maxamed Axmed, waxanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan ay u qabteen Cuqaasha iyo waxgaradka Deegaanka ee ka soo qayb galay Xafladaas “Ujeedada kulanka loo qabtay ee loogu yeedhay Cuqaasha iyo waxgaradka Magaalada Laascanood waxa weeye sidii aynu kor ugu qaadi lahayn wacyi gelinta dhalinteena ee barashada Diinta Islaamka waayo inaga ayaa ka masuul ah caruurteena oo waa waajib ina saaran inaynu xooga saaro tarbiyadooda, Machadkani waa mid diini ah oo ka madax banana arrimaha siyaasada ee waxaan idinku boorinayaa madaama oo aad tihiin hal-doorkii ummadda.” Sidaas waxaa yidhi Cabdirashiid.

Sheekh Cabdilaahi Maxamed oo isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si isku duubni ah diinta loogu gargaaro, waxaanu si weyn ugu mahad naqay Machadka Faafinta Islaamka kaas oo uu sheegay inuu qayb ka qaato wacyi gelinta bulshada.
Maayar ku xigeenkii hore ee Magaalada Laascanood Cabdilaahi Maxamuud Cali oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa carabka ku adkeeyay sidii nabadgelyada loo adkayn lahaa isla markaasna dhinac looga soo wada jeesan lahaa wixii nabad gelyada kharibaya, sidoo kale waxa uu kula dardaarmay waxgaradkii halkaas ka soo qayb galay in laga faa’idaysto kulamada noocan oo kale ah “Waa inaynu ka faa’idaysanaa kulamada noocan oo kale ah waayo intan oo haldoor ah ee la kulamaya kulimada ee ka qaadanaya wacdiga diiniga ah waa mid faa’ido iyo horumar keenaysa sababtoo ah idinka laftiinu waad sii gudbinaysaan oo caruurteenii iyo bulshadii ayaad kula noqonaysaan oo aad wax u sheegaysaan.” Sidaas waxa yidhi Cabdilaahi
Gebo gabadii waxa kulan-diimeedkaas muxaadiro diini ah ka jeediyay Sheekh Mustafe Cabdi kushube waxaanu dardaaran u jeediyay waxgaradkii kulankaas ka soo qayb galay “ Nafta muslinka ah waxa laga rabaa in aanay nafteeda haligin waayo illaahay ayaa Quraankiisa ku sheegay in nafta binu’adamku xurmaysan tahay, markaas qofku waa inuu diinta si fiian u bartaan oo aanu noqon qof wax bowsada hadana sameeya ficilo diinta ku xun.” Sidaas waxaa yidhi Sheekh Cabdi, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Bulshadeena waxa looga baahan yahay inay diinta barashadeeda xoojiso oo inaguna aynu ku boorino oo aynu xooga saaro sidii jeelka soo korayaa u noqdaan kuwo diinta u gargaara.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland


No comments:
Post a Comment