Friday, February 21, 2014

Madaxweyne xigeenka Puntland oo Ka Hadlay Dagaal Shalay Ka Qarxay Taleex oo uu sheegay inuu imanayo

Taleex, 20 Feb, 2014 (Himilo)- Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa ka hadlay dagaal laba Beelood oo Walaalo ah ku dhex-maray degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee dalka Somaliland, kuwaasoo isku maandhaafay sannadkii hore shir ay Kooxda Khaatumo la baxday doonaysay inay ku qabsadaan Taleex oo ay sheegaan inay u tahay magaalo-madax ku-meel-gaadh ah.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka shalay ka curtay degmada Taleex, ayaa la sheegay inuu isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, hase-yeeshee aan khasaaruhu badnayn marka loo eego nooca rasaasta la isu adeegsaday iyo wakhtiga uu dagaalku socday. Waxaana ka hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul-goboleedka Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar (Camay) oo ku baaqay in dagaalka la joojiyo.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, waxa uu isagoo reer Taleex la hadlaya uu ku baaqay,“Waxaan rabaa inaan halkan uga baaqo degmada Taleex oo maanta (shalay) waxoogaa isku dhac ahi ka dhacay. Waar dagaal horaa loo sheegay oo waxa la yidhi; ‘nin buu dilaaye nin ma dhalo dagaalku, waxaan idinka codsanayaa haddaad tihiin reer Taleex halla joojiyo colaadda,” ayuu yidhi isaga oo kuwaas ula jeeda Kooxda Khaatumo la baxday.
“Shalay bay ahayd markii masiibada wayni ka dhacday Taleex, iyada oo aanay taasoo kale daraawiishtii ka dib aanay ka dhicin, aniga oo aad iyo aad uga xun illaa iyo immikana uga tacsiyadaynaya, immikana waxaan leeyahay waar walaallayaal wixii hore oo kale yaanay dhicin ee halla joojiyo dagaalka. Yaanay noqonnin laab la kacay lugo-se kuma taagni, kuwa fidmada wada ee magaalada jooga waxaan odhan lahaa waar adeerrayaal dadka ka taaya waxaad ku waddaan, xaajadana dhulka halla dhigo,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul-goboleedka Puntland Cabdixakiin Camay.
Madaxweyne Ku-xigeen Camay, waxa uu sheegay in Maamulka Puntland u qorsheeyey dadka reer Taleex inay sameeyaan iskaashi buuxa oo uu xusay inay dawlad-goboleedkoodu doonayso inay iska kaashadaan dhinacyada horumarka, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo waxyaabaha la hal-maala. “Dawladda Cabdiweli-na waxay diyaar u tahay wixii dib u heshiisiin ah iyo inaanu xal ka gaadho wixii halkaa ka dhacay, waxaana noo qorshaysan inaanu halkaa (Taleex) tango oo aannu hawshaa soo dhammayno, ee intaannu imanayna wax dambe yey dhicin ee nala suga,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Dawladda Somaliland, ayaan iyadu weli ka hadal dagaalka shalay ka curtay degmada Taleex ee gobolka Sool. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu wax ka weydiiyo dagaalkaas, ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii aannu la kulannay Taleefanka gacanta ee Wasiirka oo xidhan, halka ay Masuuliyiinta kale qaarkood taleefannada naga qaban-waayeen, qaarkoodna ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaas.
Masuuliyadda dagaal khasaare badan sababay oo daba-yaaqadii sannadkii tagay ee 2013 ka dhacay degmada Taleex, dad badanina ku dhinteen, ayaa lagu eedeeyey Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo Ciidamo uu deegaankaas keenay dagaal kula galeen Maleeshiyada Kooxda Khaatumo oo ay ka saareen magaalada Taleex.

No comments:

Post a Comment