Friday, February 21, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo dhagax dhigay dhismaha jidka galbeedka hargeysa

Hargeysa (Himilo):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa dhagax dhigay dhismaha jidka Wadnaha Caasimadda Hageysa qaybtiisa Galbeedka oo saaka laga bilaabay Xaafada Shacabka ee caasimadda Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa maanta balan qaaday in dhamaam dalka magaalo Madaxyada Gobolada oo dhan la dhisi doono Waddooyinkooda dhex mara isla markaana hadda la wado horumarinta Waddooyinka oo ay ugu horrayso Waddooyinka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
jidkaMadaxwynaha Somaliland kor waxaa halkaa ka hadlay Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Caydiid(Cabdiraxmaan Soltelco iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.
Ugu Dambaynna Madaxweyne Siilaanyo ayaa balan qaaday Xukuumad ahaaninay ka go,an tahay in wax kasta laga horu mariyo dhismayaasha waddooyinka dalka isla markaana ay diyaar u yihiin inay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay la mid noqoto dhanka Jidadka Caasimadaha Caalamka kuwa ugu waddooyinka Wanaagsan.
Himilomedia.com
Hargeysa/somaliland.

No comments:

Post a Comment