Thursday, February 27, 2014

Maxaa Sababa in Ilmaha yari Suulkiisa Nuugo?

Hargeysa (Himilomedia.com )Aalaaba waxa lagu tirayaa Nuugista ay caruurtu nuugto Suulkooda caado xun oo ay aabayaashu ka reebaan Ubadkooda.khabiir ku takhasusay Tarbiyaynta dhalaanka yar yar  oo u dhashay dalka Jarmalka Magaciisana la yidhaa Awlreash Geart,ayaa sheegay in Ilmaha yar ee dhalaanka ahi uu inta badan sameeyo arintan,isaga oo ka dayaaya inuu raaxo iyo farxad dheeri ah ka helo iyo inuu Nafdiisa ka ilaaliyo arimaha Dibadda kaga imanaya ee saamaynta taban ku yeelan kara.

Waxaana uu intaas raacaiyay Mr. Geart in aanu astayn Karin heerka da’ada ee uu Ilmuhu arinta laasimi karo.waxa kale  uu tilamaamay in arintan aanay ilaa hadda aanay isku waafiqin in Dhakhaatiirta iyo dadka Cilmu-Nafsiga ku takhsyusay inay meel ku tiiriyaan oo ay sheegaan wax dhab ahaan sabab u ah arintan.

Waxaana ay Xeel-dheerayaashu ka digayaan in aan loo adeegsan xoog iyo awood si Caruurta looga jaro Caadadan,iyaga oo taas ku sababaynaya inaanay jirin wax ay soo kordhinaysaa.

Taa badalkeeda ayaa ay sheegayaan in Ilmaha la geeyo Goobo raaxo iyo farxad uu ka helo.waxaana ay intaas ay raaciyeen Saynisyahnadu inay muhiim tahay in marka uu Ilmuhu uu Guriga joogo ee uu arinta sameeyo in la ciyaarsiiyo oo la geeyo Furaasha ama sariirto si uu raaxo iyo farxad u helo.iyaga oo rajo fiican ka muujiyay in taasi ay wax ka tari karto in ugu yaraan ay caadadn ka yarayso.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment