Waxa aan nasiib u helay in aan dad hortiiba hantiyo buug aad u qiimo badan oo magaciisu yahay Furaha Farxadda, kaasoo uu qoray suxufiga ruug-cadaaga ah ee MM Kastam, isla markaana qoray, soona saaray buuggaag badan oo arrimaha bulshada ka hadla.
Buugga Furaha Farxadda oo ah mid cusub oo hadda uun suuqa soo galay, waxa ku duuggan qormooyin kala duwan oo aad u xiiso iyo faa’iido badan, dhammaantoodna ka hadlaya farxadda iyo dariiqa loo maro nolol farxad iyo rayn-rayn ku dheehan tahay oo la xidhiidha dhismaha qoyska, kobcinta kartida qofka, kalsoonida nafta iyo sidoo kale qaabka ugu haboon ee qof ama qoys ku heli karo farxad iyo badhaadhe rayn-rayn ku ladhan tahay.
Buugga Furaha Farxadda oo ka kooban saddex qaybood oo kala ah; furaha farxadda, waddada Guusha loo maro iyo lammaanaha guulaysta, waxa marka aad akhridu ama isha la raacdo aad dareemaysaa yidi-diilo farxadeed iyo neecaw deganaansho ah oo qalbigu ku xasilo, iyadoo MM Kastam aad ugu faro-yaraystay soo saarista buug aad u qiimo badan oo qofka gacanta ku dhiga ama akhriskiisa wehel ka dhigtaa uu dareemayo culays jidhkiisa ka fuqay, sababtoo ah buuggu waxa uu xambaarsan yahay yahay qormooyin ku farxad geli doona.
Waxa buugga ku xusan in aaminaada ama shay aad kalsooni buuxda siiso qabashadiisa ay tahay waddada ugu gaaban ee aad guul kasta ku gaadhi karto, iyadoo aanay wanaagsanayn in aad aamintu in maalmihii macaanaa iyo wixii wanaagsanaa oo dhami ku dhaafeen, isla markaana aanad dib u heli doonin wax kale, markaa waxa buugga Farxaddu ku leeyahay, waxa fiican in aad aaminto in waxyaabaha ku dhaafay looga faa’iidaysto dhinaca waayo-aragnimda, waxa markaas taagana laga faa’iidaysto, mustaqbalkana waanag iyo yidi-diilo la hiigsado si aad u gaadho guul iyo horumar, waana inaad markasta doonistaada raaciso ficil si aad baahidaada u haqab-tirto, adigoo farxada iyo dhoola-cadaynta la saaxiibaya.
Waxyaabaha ishaydu macaansatay ee ku jira buugga Furaha Farxadda, waxa ka mid ah in qofkastaaba khariidada iyo qorshaha uu nolosha u dejisto uu ku gaadho guul haddii Ilaahay u rumeeyo, iyadoo MM Kastam uu buuggiisa Furaha Farxadda ku soo bandhigay 11 dariiq ama waddo oo qofku ku gaadhi karo guul u horseeda farxad. Qoddobada kale ee sida faahfaahsan buugga loogu sheegay waxa ka mid ah guurka iyo sida lammaanuhu ugu noolaan karaan farxad iyo rayn-rayn, una dhisi karaan qoys ama reer guul ka gaadha nolosha qoyskooda.
Sida MM Kastam ku sheegay buuggiisa, waa run in aanay macquul ahayn guur la’aantu, isla markaana aanay caqli gal ahayn in qofku iska guursado, iyadoo buugga aad ka faa’iidi doonto sida ugu haboon ee qofku ama guur-maaganuhu ku xulan karo gabadh wanaagsan oo nolosha la wadaagta iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo ilaaliyo jacaylka qoyska si uu u waaro. Waxa kale oo haddii aad buuggan gacanta ku dhigto aad ka faa’iidi doontaa nolosha lammaanaha, masayrka iyo sida looga ilaaliyo inuu isku beddelo cudur galaafka qoyska dhisan, adigoo sidoo kale ka heli doona sida lammaanaha is guursaday u qaybsan karaan farxada nolosha.
Arrinta iyaduna xiisaha gaarka ah leh ee aan isha ku dhuftay muddadii aan akhriyey buugga Furaha Farxadda waxa ay ku kala duwan yihiin iyo sida noloshoodu tahay ninka hal xaas oo qudha qaba, ka labada xaas leh, saddex xaaslaha iyo ninka afar dumar ah guursada….Alla cajiibsanaa arrintani, waxba halkan idiinku sheegi maayo waxay ku kala duwan yihiin, qallinkayguna xilligan diyaar uma aha, balse waxaan u dhaafayaa buugga ee bal orod oo raadso adigaaba mamsuudiye.
Waxa kale oo buugga dhexdiisa aan ka helay waanno 10 qodob ka kooban oo hooyo wanaagsan oo markaas soddoh noqotay ay guntiga ugu xidhay gabadh ay dhashay oo markaas diyaar u ahayn nolol qoys oo cusub, qoddobadaas oo aad u faa’iido badan haddii lagu dhaqmo ama gabadha guur-doonka ahi xafido si ay ula qabsato nolosheeda cusub iyo ninka ay xilihiisa qaaday.
Buugga Furaha Farxadda, waxa kale oo ishaydu ku dhacday farxada iyo sida dadka kala duwan u arkaan, tusaale ahaan, qofka baahin waxa uu farxadda u arkaa xabad roodhi ah uu uu helo, ninka furinka iibiyaana waxa farxadu ugu jirtaa inuu helo dad badan oo baahan, dhakhtarku waxa uu farxadda u arkaa bukaanka oo bata, qofka busaaradaysan waxa uu farxadda u arkaa shaqo joogto ah, halka dadka shaqeeya ama shaqaalaha ahi farxad dareemaan marka fasaxoodu dheeraado. Ruuxa danyarta ahi waxa uu farxadda u arkaa maciishada ama raashinka oo qiimahoodu jabo, iyadoo ganacsaduhuna farxadda ka helo quutal-darruuriga oo qaaliyooba ama sicirka maciishada oo cirka u kaca. Madaxdu waxay farxad helaan marka deganaansho iyo xasilooni jirto, maxaabiistu waxay farxaan marka albaabka laga yara furo, halka askariga maxaabiista ilaaliya farxaddu ugu jirto albaabada jeelka oo la adkeeyo. Arrimahaasi waa caynba-caynka nolosha iyo sheekooyinka faa’iidada leh ee ku duuggan buugga MM Kastam.
Ma dhamayn karo, ama soo koobi karo mawduucyada faa’iidada leh ee uu xambaarsan yahay buugga Furaha Farxadda, balse waxaan akhristayaasha u dhaafayaa inay u kala dheereeyaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen buuggaas qiimaha badan oo aad ka heli kartaan Xarunta Personal Computer Center oo dhinaca bari kaga soo jeeda Garoonka Kubbada Kolayga ee Tima-cadde ee magaalada Hargeysa, wixii faahfaahin ah kala xidhiidha 036-4466375 ama 063-4470818 iyo 518879.
No comments:
Post a Comment