Saturday, February 22, 2014

Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Oo daadifeeyey Inuu Madaxweyne Siilaanyo kala Tashaday Muddo Kordhin Loo Sameeyo

Hargeysa (Himilomedia.com):-Garyaqaanka guud ee qaranka somaliland Ibraahin Iidle Saleebaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu kala tashaday sidii loogu samayn lahaa muddo kordhin.

Garyaqaanka guud ee qaranka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inaanay jirin wararka sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu kala tashaday sidii loogu samayn lahaa muddo kordhin maadaama oo muddadii madaxweynaha la doortay ay ka hadhsan tahay oo kaliya wax ka yar laba sano.

Garyaqaanka guud ee qaranka oo ka hadlaya warkaasi ayaa waxa uu yidhi “sida dhabta ah arrintaas muddo kordhinta ee la sheegayo wax xog ah kama hayo, wax soo hadal qaad ah ama wax is weydiin ahna kama hayo, mana jiro meel aan kulan kula yeeshay” ayuu yidhi garyaqaan Ibraahin Iidle Saleebaan

Garyaqaanka guud ee qaranka waxa kale oo uu sheegay in arrimaha la xidhiidha doorashooyinka ay u xilsaaran yihiin guddida doorashooyinka qaranku, isla markaana iyaga ay masuuliyadeeda leeyihiin sidii doorashooyinka loogu qaban lahaa wakhtigii loogu tala galay waxaanu yidhi “ doorashooyinka kala duwan ee dalka ka dhacaya sida ay sheegayaan xeerarku dalku waxa ku shaqo leh guddida doorashooyinka kuwaas oo cayimaya wakhtiga la qabanayo dooorashooyinka kala duwan ee dalka ka dhici doona.”

Ugu danbayntiina garyaqaanka guud ee qaranku waxa uu sheegay inaan isaga waxba laga waydiin Karin arrimaha la xidhiidha doorashooyinka iyo wakhtiga ay ku qabsoomayaan balse wax laga weydiin karo marka ay timaado talooyinka sharciga ee ku saabsan guud ahaanba qaranka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment