Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ah: agaasimihii guud ee xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indha-case) kana mid ahaa Soomaalida Canada ku noolayd muddada dheer si weynna looga yaqaan dalkaasi, Jen. Nuur Shirbow oo ahaa taliye ku xigeenka hay’adda nabadsugidda.

Waxaa kaloo dhintay askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada, iyadoo dadka ku dhaawacmay weerarkan ay ku jiraan wariyeyaal ka shaqeynayay qaar ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.
Kooxaha weerarka qaaday oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa gudaha u galay madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo muddo kooban haystay masjid ku yaalla gudaha madaxtooyada, halkaasoo ay ku tukanayeen mas’uuliyiinta dowladda qaarkood.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa oo ay Al-shabaab la beegsato xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo aad loo ilaaliyo ayna ku shaqeeyaan madaxda dowladda.
Maydadka kooxaha weerarka ku qaaday madaxtooyada ayaa waxaa jidhkooda ka muuqday dhaawacyo waaweyn, qaarkoodna waxay ka gubteen qaybaha sare ee jidhka.
siday faafisay shabakadda Hiirana oo aanu warkan ka soo xiganay, Wasiirka amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay weerarkan ayaa ku sheegay mid ay Al-shabaab ku khal-khalgelinaysay madaxtooyada; balse ay ka hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka haya xarunta madaxtooyada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment