Russia-(Himilomedia.com )Haweenay u dhalatay dalka Ruushka, ayaa lagu soo waramayaa inay Ilmo ay dhashay oo da’diisa lagu sheegay 11 sanno jir ay dishay. sababta ayaa lagu sheegay ka dib markii uu ka Khal-khaliyay Barnaamijkii ay Net-ka ku isticmaalaysay oo ka Xumeeyay.
Wakaaladda wararka u faafisa dalka Ruushka ee Magaceeda la yidhaahdo Nufoseti, ayaa sheegtay in Haweenaydan oo da’deeda lagu sheegay 34,jir ay qiratay inay Ilmaheeda dhawr jeer ku garaacday middi,gaar ahaana nooca Laxooxda lagu dubto oo kale ah,iyada oo ku ciqaabaysa dhalan badal uu ku sameeyay Barnaamijkii ay Internet-ka ku isticmaalaysay.
Waxaanay Saraaakiisha Booliska u sheegtay in markii ay ogaatay in Wiilkeedii uu dhintay ay go’aansatay inay googayso, ka dibna ay ku qariso God ku agyaala Guriga uu Qoysku ku noolaa.
Hasa yeeshee wakhti danbe ayaa ay Boolisku soo faqeen Maydka Wiilka yar.waxaana ay cadeeyaeen inuu u dhintay ka dib markii ay ku jar-jartay Middi ay doonaysay inay intay ku googoyso, ka dibna ay ka qariso Indhaha Qoyska iyo dadka kale jaarka iyo kuwa Qaraabada ahba.
Ugu danbayntiina Xeer-beegti sare oo ka tirsan dalka Ruushka, ayaa waxay ku Xukumeen 12 sano oo Xadhig ah. waxaanay saraakiishu sheegayaan in Ciqaabtu ay intaas ka sii badan karto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment