Hargeysa (Himilomedia.com)-Wefti balaadhan oo ay hogaaminayso Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Samsam Cabdi Aadan, Maareeyaha Samafalka, Amina Maxamuud Diiriye Wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa maanta waxa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Kala-baydh yar iyo weynba soo dhawaynta weftigan,
waxaana halkaasi lagu qabtay xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb-galeen Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo masuuliyiinta heer degmo ilaa heer gobol ee Gobolka Gabiley.
Marwada madaxweynaha somaliland oo ka hadashay xafladaasi ayaa waxay u mahadnaqday Marwada koowaad ee Dalka Jabuuti Marwo Khadra waxaanay tidhi:-
“Cusbitaalka aynu maanta Dhagaxa dhignay waa cusbitaal muhiim ah oo loo baahan yahay, waxtar weyna u ah magaaladan iyo guud ahaanba Gobolka gabiley, Illaahay waxa aynu ka baryeynaa inuu noqdo kii anfaca bulshada ee loogu shaqeeyo dadka.
No comments:
Post a Comment