Thursday, February 20, 2014

Ergada Guurtida Oo Muddo-Kordhin Ka Dalbaday Wakiillada iyo Jawaabta Gud. Cirro

Hargeysa, 18, February 2014-(Himilo)- Golaha Guuritda Somaliland, ayaa muddo-kordhin oo ku soo afjaraan khilaafka kala qaybiyey Golaha Wakiillada, ka dib markii ay dhammaatay muddo todobaad oo ay hore uga dalbadeen Wakiillada in fadhiyadooda ay joojiyaan ka dalbaday, taasoo shalay ku dhammaatay.
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali oo ka mid ah Hormuudka Ergada xal-raadinta ee Guurtidu u saaray khilaafka Wakiillada, ayaa Golaha Wakiillada 16-kii bishan, hase ahaatee shalay Warbaahinta soo gaadhay, ayuu ka dalbaday inay fadhiyadooda dib u dhigaan illaa Salaasada toddobaadka dambe oo ku taariikhaysan 25-ka bishan labaad ee aynu ku jirno.
Waxa uu Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtidu qoraalkiisa ku sababeeyey, maaddaama oo muddadii ay hore u dalbadeen maanta ku dhammaatay, dhex-dhexaadinta ay Ergo ahaan ku hawlan yihiin ee ay shalay Guddiyadii Garabyada Wakiilladu dib ugu celiyeen, ka dib markii ay xal ka gaadhi kari waayeen wadahadal afar cisho u socday, iyagauna ay hawshaa weli ku guda jiraan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna Mudanayaasha Golahaas ku war-geliyey in Guddiga dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida Somaliland soo dalbadeen in fadhiyada Wakiillada dib loo dhigo illaa 25-ka bishan.

No comments:

Post a Comment