Thursday, February 27, 2014

Wasiirka Daakhiliga oo iftiimiyey Aragtida Xukuumadda ee ku Wejahan Hub Itoobiya u ballan-qaadday Maamul-goboleedka Puntland




Hargeysa (Himilomedia.com)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade, ayaa xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya kala shaqeynayaan Somaliland soo qabashada gacan-ku-dhiiglayaashii dilka u geystay taliyihii Saldhigga Booliska degmada Xaaji Saalax, kuwaas oo aan ilaa immika gacanta lagu dhigin.


Mr. Warancade oo khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo wakhti isaga oo ku sii jeeday socdaal uu shalay ugu baxay degmada Xaaji Saalax, waxa uu sheegay inay weli ku daba-jiraan dableydii fulisay dilkaas oo la sheegay inay u tallaaben dhinaca xuduudka Itoobiya, isla markaana ay dawladda dalkaasi gacan ka siinayso soo qabashadooda.


warancadeWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la weydiiyey sida ay uga hawl-galeen soo-qabashada dhagar-qabayaasha dilka geystay iyo ujeeddooyinka uu socdaalkiisu xambaarsan yahay, ayaa yidhi, “Dhexdaan ku sii jirnaa, Adeer. Waxaan u tegaynaa in gacan-ku-dhiiglayaashii iyo dadkii kula jiray falkan wax looga qabto. Ka dibna waxaan doonaynaa inaan Burco, Oog iyo Laascaanood soo marno, oo hawlahii hore dib-u-heshiisiinta waxii ka dhiman iyo magahii u kala qaadno, insha alaah ayaan rajeynaynaa, kheyrna ilaahay noogu dhameeyo.”


 “Weli lama qaban waa la baadi-doonayaa, baadhistoodii ayaan wadnaa, annaga iyo dawlada Itoobiya-ba,” ayuu yidhi Md Waran-cadde.


Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la weydiiyey inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo noocyada ay yihiin shaqaaqooyin uu sheegay inuu ka daba-tagayo wax laga qabtay, waxa uu yidhi, “Dilkii hore uga dhacay Caynaba hawshiisii way dhamaatay, imikaa magtii la kala qaadanayaa, shaqaaqadii Oog isku dileen beelaha walaalaha ah hawsheedii imikaa la soo gebagebeynayaa, deegaanka Adhi-cadeeye oo hawsheedu sidaa oo kale ahayd, hawlahaa ayaan soo gebagebaynayaa hadii ilaah yidhaahdo waxii ku kala hadhsanaa.”


Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo aanu weydiinnay saamaynta kaga iman karta Somaliland hub ay dawladda Itoobiya u ballan-qaadday maamul-goboleedka Puntland iyo waxa ay kaga jawaabayaan, waxa uu Wasiirku yidhi, “Taasi wax muran ku jira maaha. Somaliland waa la yaqaanaa xuduudaheeda, waana qaar taariikhda iyo juqraafiga ku qoran, wax muran geli karana maaha. Ta kale, maan maqal hub loo ballanqaaday, laakiin waanu hubiyanaa, inaanu daandaansi noola iman.”


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment