Saudi Arabia (Himilomedia.com) Maxkamad ku taala Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku riday muwaadin u dhashay Dalkaasi oo lagu eedeeyay in Dumar gaadhaya 100- uu ka qaaday Sawiro kala gadisan xili aaney ka warqabin.
Ninkan lagu eedeeyay in Sawiro uu ka qaaday Dumar guryahooda jooga ayaa markii hore Maxkamad ku taala Magaalada Buraidah waxa ay ku xukuntay xabsi 12-sano ah , 800 oo Karbaash iyo in uu bixiyo lacago gaadheysa 80,000 oo riyaal.
Maxkamadii ku riday Xukunka aan horey u soo xusnay ayaa ka laabatay go’aankii hore waxaana ugu dambeyn ninkan dhalinyarada ah ee Sawirada Qarsoodiga ah ka qaatay Dumar Sacuudiyaan ah lagu xukumay Xukun Dil ah.
Ciidamada Booliiska Dalka Sacuudiga ayaa ninkan soo qabtay kadib markii dumar aad u badan Booliiska u gudbiyeen dacwad la xadhiidha in ninkan uu sawiro qarsoodi ah ka qaaday kadibna uu ku faafiyay Baraha ay bulshadu ku kulanto sida Facebooka.
Ninkan Sacuudiyaanka ah ee Xukunka adag lagu riday ayaan la ogeyn waxa ku kalifay in Swairo qarsoodi ah ka qaado dumar kor u dhaafaya 100- kadibna uu ku faafiyo Baraha ay bulshadu kuwada xadhiidho.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment