Boorama-(Himilomedia.com) Hay’adda Caalamiga ah ee IOM ayaa markale shahaadooyin gudoonsiisay 20 qof oo wax ka bartay kana qalin jabiyay Jaamacadaha ku yaala magaalada Burco, kuwaas oo tababar waayo aragnimo korodhsi ah (Internship) kaga hawl galay hay’addaha dawladda iyo kuwo gaarka ah ee ku yaala magaalada Burco.
Xidhitaankii tababarkan ayaa waxa ka soo qayb galay Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer, Isuduwaha Wasaaradda Cadaalada ee gobolka Togdheer, Xoghaya Gobolka Togdheer, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco, Saraakiil ka socotay hay’adda IOM, arday, waalidiin iyo suxufiyiin.
Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadalay Md. Liibaan Maxamuud Ciise oo ka socday hay’adda IOM, waxana uu u mahad naqay dhamaan laamihii dawladda iyo shirkadihii gaarka ahaa ee qaabilay ardaydan qaadanaysay tababarka Internship-ka, kuwaas oo uu xusay inay ahaayeen lafdhabarta suura galisay in mashruucani tijaabada ahi uu guul ku dhamaado.
Md. Liibaan waxa uu ka warbixiyay mashruucan iyo ahmiyadiisa waxana uu yidhi “ Hay’adda IOM iyada oo dareensan in loo baahan yahay in dhalinta ka soo baxday jaamacadaha dalka la dhiiri galiyo, si loo dhimo Tahriibta dhalinyarada oo loogu badalo shaqo abuur iyo dhalinta oo la barayo waayo aragnimada shaqada loo raadsado ayay hay’adda IOM mashruucan tijaabada ah ka bilawday magaalada Burco, waxa aan qaadanay 20 arday oo jaamacadaha ka baxday kuwaas oo aan ka shaqo galinay laamaha kala duwan ee aan kor ku soo xusnay, ujeedada aan dhalintan u siinaynay tababarkan Internship-ka waxa ay ahayd inuu gogol xaadh u noqdo shaqo taga dhalinta iyo waayo aragnimada goobta shaqada si ay u korodhsadaan”
Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi Md. Liibaan “Waxa aan ka marag kacayaa in mashruucan Internship-ka ah oo socday muddo 7 bilood ah oo ay ku jirto bil tababar ahayd inuu guul ku dhamaaday maantana 80% ardaydii qalinjabisay ee aan Internship-ka u dirnay ay shaqo heleen, taasi oo ah 16 qof, 4ta dhimana waxaan u rajaynaynaa inay shaqo helaan dhawaan haddii Eebe Idmo, waxaan u mahadnaqayaa dhamaan hay’addihii dawliga ahaa iyo kuwii kale ee dhalintan tababarka siiyay, qiimeeyay, waayo aragnimada u kordhiyay sidoo kalena 80% shaqada siiyay”
Xoghayaha Dawlada Hoose ee Boorama Md. Cismaan Sh. Nuur oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa ka marag kacay in muddadii ay dhalintani la joogtay D/Hoose ee Burco ay wax badan soo kordhiyeen waxana uu yidhi “Waa hubaal in aqoon casri ah ay dhalintii noo timid ee tababarka Internship-ka ah ku qaadatay D/Hoose ay nagu soo kordhiyeen, waxana ay wax balaadhan ka badaleen hanaankii shaqada iyo hawlahii kale ee ay u xilsaarnaayeen, waxana aan ka marag kacayaa in muddadaasi ay nala joogeen dhalintaasi ay hawlkarnimo, amaano iyo adeeg hufan ku hawl galeen taasina ay noqotay mid soo jiidatay madaxda D/Hoose ee Burco, caawana waxa aan sheegayaa in D/Hoose ee Burco ay gabi ahaanba 9kii qof ee la joogay ee 6 ka mid ahi ay gabdhaha ahaayeen 3da kalena ay wiilasha ahaateen ay wada shaqaalaysiisay kuna dartay liiska shaqaalaha joogtada ah ee ka hawl gala D/Hoose ee Burco”
Badhasaabka kuxigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Ubaxle oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si wayn ugu mahadnaqay hay’adda IOM, isla markaana ka marag kacay in gobolka Togdheer uu ahaa gobol ay tahriibtu ku badan tahay balse uu tababarkani IBO-FUR u yahay shaqo abuurka iyo habka shaqo raadsiga oo dhalinta labaray, waxana uu ka codsaday hay’adda IOM inay sii joogtayso
Xoghayaha gobolka Togdheer iyo Isuduwaha Wasaarada Cadaalada ee Gobolka Togdheer oo iyaguna hadalka iska daba qaatay ayaa la dardaarmay dhalinta tababarkan qaadatay, waxana ay xuseen in loo baahan yahay inay dhalinta kale ee dhigooda ah wacyogalin u sameeyaan una sheegaan in dalkeena hooyo uu yahay mid dihin oo uu khayraad ka buuxo loona baahan yahay inay dhalintu ka dhawrsato tahriibta oo ay dalkooda hooyo aaminaan isla markaana ogaadaan inay shaqo ka buuxdo, waxaana ay u mahadnaqeen hay’adda IOM oo ay sheegeen in ay tababar faaiido u leh dhalinta ka soo baxaysa jaamacadaha dalka ka hirgalisay Somaliland.
Qaar ka mid ah ardaydii qalinjabsay ee heshay fursadan dahabiga ah ee korodhsiga waayo aragnimaa shaqo ee ay hayada IOM ugu deeqday oo halkaasi ka hadashay ayaa xusay in fursadani ay u ahayd mid qaali ah oo indhaha u kala furtay isla markaana ay ka kordhsadeen waayo aragnimo ka balaadhan tii ay jaamacadaha ku soo qaateen, waxana ay ugu baaqeen hayada IOM in ay sii jogtayso isla markaana balaadhiso mashaariicda noocan oo kale ah.
Gabagabadii xafladan ayaa waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 20kii arday ee tababarku u dhamaaday, shahaadooyinkaasi oo ay bixisay hay’adda IOM ayaa waxay yihiin kuwo ka turjumaya in dhalintaasi ay waayo aragnimo shaqo leeyihiin, waxana xusid mudan in hay’adda IOM oo aalaaba ku hawlan sidii ay dhalinta uga baajin lahayd khatarta aafada Tahriibta uu mashruucani yahay mid ka mid ah mashaariicda tirada badan ee dhaxal galka ah ee ay ka wado Somaliland.
Wabilaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal
+25224456820
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment