Waagii beryaaba waayo leh! Maantana waa maalin kale iyo gedgedoonka
siyaasadda Somaliland .
markaynu ka hadlayno hogaamiye dal ama siyaasi waddan hogaamin kara waxa laga
eegaa dhawr wax oo la odhan karo ninkaasi waa siyaasi ama hogaamiye dal u horseedi kara horumar iyo barwaaqo.
Sifooyinkaa waxa ka mid ah:-

2- Waayo aragnimo iyo tijaabin la tijaabiyey hab maamulkiisa
3- Daacadnimo iyo u hagar bixid hawl kastuu qabto
4- Ka dhawrsoonaanta musuqmaasuqa
5- Aragti fogaan iyo hiigsi dheeri
6- Naxariis iyo u nuglaanta shacbiga dan yarta ah
Haddaba bal aynu {STANDERD} kaa ama halbeegaa aynu soo qaadanay ku qiyaasno siyaasiinta Somaliland ee hada kursiga waddanka ugu sareeya damacu kaga jiro
Waxba yaanan isku qaadin kuwa kale’e aan soo qaato madaxweynaha hada talda haya ee AXAMED MAXAMED MAXAMUUD.
Haddii aynu u soo qaadano qodob qodob oo aynu ku cabirno MADAXWEYNE SIILAANYO waxa inoo soo baxaysa inuu yahay masuulka kaliyaata ee koobsaday qodobadaas oo dhan oo tusaale ahaan:-
1- Madaxweyne Siilaanyo wuxuu shahaado dhaqaale ka sitaa jaamacada London
2- Wuxuu leeyahay waayo-ragnimo ilaa 50 sano ama ka badanba. Wuxuu soo qabtay xilal kala duwan hawgu mudnaadaan markii uu ahaa guddoomiyaha SNM iyo guddoominimaddii xisbigii KULIMIYE
3- Waxa uu madaxweynaheena lagu yaqaanaa oo dadka yaqaanaa ku sheegaan qof daacad ah oo hadalo cadcad oo aan beenta iyo khiyaamada aqoonin
4- Laguma sheegin lagumana xantu madaxweynaha musuq maasuq iyo eextoona, weligiina intuu wasiirka ahaa iyo guddoomiyaha iyo imika oo madaxweyne yahayba laguma tuhmin arrimahaasi
5- Aragti fogaanta madaxweynaha waxa ka markhaati kacaya arrimaha ay ka midka yihiin hab-socodka wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee aakhirka keeni doona ictiraaf buuxa haddii illaahay idmo iyo aasaaska SANDUUQA HORUMARINTA DHALINYARADA . oo dhalinyaradu waa mustqbalka dalka
6- Madaxweyne SIILAANYO naxariista iyo u nuglaanta dadka danyarta ah waxa marag ma doon u ah aasaaska uu aasaasay ha’adda SAMO FALKA madaxtooyada oo isagu sameeyey markuu xilka qabtay taasoo wax badan tartay dadka danyarta ah ee Somaliland.
Waxa iyana aad loola wada khushuucay maalintii naafada ee uu madaxweynahu booqday dadka naafada ah ee weliba u qaybiyey gawaadhidii naafada loogu talo galay
Haddaba waxaa cadaatay inaanu jirin siyaasi qodobadaa buuxin kara oo la barbar dhigi karo madxweyne AXMED MAXAMED MAXAMUUD.
Sidaa awgeed waxaan usoo jeedin lahaa nimankan siyaasiyiinta sheeganaya ee tartanka ku jira waar waxba haysa soo xayd xaydina SIILAANYO CID KU DOORSAN MAYNEE.
W/QORAY :KHALID MAXAMED AYJEEX
ayjeex@yahoo.com
TEL:0634782392
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment