
Sidoo kale habeenka axada “Maanta ay sabti ahayd” Waxaan Soo Bandhigaynaa Qalab iyo Qarash Wixii na soo Gaadhay ee loogu talo galay in lagu fuliyo jidka Ceerigaabo Insha Allahu.
Waxaan si cad u muujin doona qof kasta oo muwaadin ah oo ka qayb-qaatay diyaar garowga loogu jiro hirgalinta jidkan, sida aad ka warqabtaan lacagaha na soo gaadhaya waxaan u diyaarinay afar meelood “accounts” oo kala ah Bangiga dhexe, Dahabshiil, Salaama, Zaad, waxaan muujin doonaa mid kasta intii soo gaadhay iyo muwaadinkii ku deeqay, sidoo kale waxaan soo bandhigi muwaadiniintii balan qaaday “Pledge” waxaanan ka codsanaynaa in ay balantoodii oofiyaan “Bixiyaan”
Hadii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Xukuumadiisu ay balan qaadeen dhismaha waddada Ceeerigaabo, maanan beenin ee waad aragtaan , diyaar garowga aanu ka galnay in aan xaqiijino rumaynta himiladaas.
Hadii aanu horay u sheegnay in qalab waddada loo diray, waad aragtaan oo hortiina ayuu taagan yahay
Hadii ay xukuumadu tidhi Dhaqaale ayaanu bixinaynaa maanan beenin ee Miisaaniyada ka eega inta loogu daray,
Hadii aanu nidhi dhaqaale ayaanu bulshada ka ururinaynaa, habeenkaas aynu balanay ayaanu soo bandhigi doonaa shilin walba iyo muwaadinkii ku deeqay.
Hadii aanu nidhi waanu bilaabaynaa, labada todobaad ee soo socda ayaanu bilaabaynaa ee ku farax Insha Allahu..
Dhamaystirkeeda Illahay ayaa iska leh balse sidii aanu uugu balan qaadnay ayaanu uugu soconaynaa, marnabana joojin mayno
Ka daali mayno in aanu wadankayaga horumarino, ka daali mayno tacabka aanu waddooyinka uugu jirno, waxna noo dhimi mayso ee iyaga ayaa wax isku dhimaya cida wax xun ka sheegta.
Waxaan aaminsanahay qofkasta oo muwaadin ah oo dalkiisa jecel in uu maanta muuqaalkan ku faraxsan yahay, waxaan aaminsanahay qof kasta oo qalbigiisa uu ku jiro xanuun isla markaana aan dalka la jeclayn horumar in uu ka naxayo aragtida dalkeenii iyo dadkeenii oo ay wax u kordheen. Wa Bilaahi Tawfiiq.”
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
XIGASHO:guusha.com
No comments:
Post a Comment