Hargeysa (Himilomedia.com)- Xaflad ay isugu yimaadeen garab-yadii isku hayey xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye ayaa maanta lagu qabtay xarunta xisbiga kulmiye ee magaalada hargeysa.
Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka, hogaanka xisbiga, wasiiro, xildhibaano iyo taageerayaasha xisbiga.
Xafladan oo ujeedadeedu ahayd sidii mar kale xisbiga kulmiye ummadda ugu cadeyn lahaa inuu dhamaaday khilaafkii xisbigu isla markaana xisbiga iyo xukuumadiisa oo is kaashanaya inay si wada jir ah ugu hawlgalayaan hawlaha xisbiga.
Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku-Xigeen JSl,Hogaanka xisbiga, Gudigii Turxaan bixinta ee Xisbiga, wasiiro,xildhibaano iyo taageerayaal.
Xafladan oo masuuliyiin door ahi ka hadleen ayaa ugu horayn Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta md Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed uu ka xogwaramay muhiimadda ay leedahay midnimadda iyo in laga shaqeeyo wada jirka ummadda, waxaanu amaan u soo jeediyey cid kasta oo gacan ka gaysatay in la soo afjaro Khilaafkii muddaba dhex yaalay Xisbiga, isla markaana in halkaa hawsha Xisbiga laga sii wado, lagana fogaado wax kasta oo wax yeelaya midnimadda iyo wadajirka Xisbiga Kulmiye.
Wasiirka Arrimaha Didadda ahna Gudoomiyihii Gudiga turxaan bixinta Xisbiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Guddi ahaan ay u tahay maalin weyn. waxaanu sheegay in guud ahaanba la soo afjaray xurguftii dhex taalay Xisbiga, haatana wax muhiim ah in madaxda iyo Taageerasha xisbiga inay si weyn uga qayb qaataan in Xisbiga la tayeeyo, isla markaana in la garab galo madaxda xisbiga, taageero iyo taakuloba.
Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka waramay sababaha soo celceliya khilaafka Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in xil weyni saaranyahay Xisbiga Kulmiye, dad badan oo hawshaa ka soo bixi karaana ay ku dhex loolamayaan.
Waxaana guddoomiyaha hadaladiisii ka mid ahaa “ in Kulmiye Khilaaf badanyahay waa run, waayo dal baa la dhisayaa, xil weyn baana Kulmiye saaran dadka jooga waxaan odhan karaa waa dadkii hawshaa ka soo bixi lahaa, taasina waxay keenaysaa in dadkaa fikiradahooda iyo Aar’adoodu is jiidho”.
Waxaana uu u mahad naqay Guddigii hawshan ku guulaysatay ee isku keentay dhinacyada Xisbiga.
Waxa Munaasabadaa soo gabagabeeyay Madaxweyne ku-xigeenka JSL,md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo sheegay inay maanta guud ahaanba bah-weynta Kulmiye u tahay maalin taariikhi ah, waxaanu sheegay in meel kasta oo ay talo taalo aragtida lagu kala duwanaan karo, waxaana uu tilmaamay in aanu Kulmiye marnaba ku kala tagin khilaaf dhexdooda ah intii uu xisbigu jiray, Waxaana uu u mahad naqay Guddigii uu Madaxweynhu u saaray daminta khilaafka Xisbiga.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment