Friday, February 21, 2014

Ujeeddada kulan Wasiirka Arrimaha Gudaha la qaatay Qaybaha Warbaahinta dalka

Hargeysa, 19 Feb, 2013 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay kulan balaadhan la qaatay madaxda iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.
Kulanka wasiirku la qaatay warbaahinta, ayaa ayaa lagaga hadlay doorka quman ee warbaahintu ka qaadan karto suulinta dhaqamada liita ee qabyaaladdu ugu horreyso iyo ficillada kala fogeyn kara bulshada.
Kulanka oo laysku waydaarsaday fikrado kala duwan, ayaa sidoo kale waxa lagu soo qaaday diiwaan gelinta lagu samaynayo guud ahaan shacabka Somaliland oo dhawaan dalka laga bilaabi doono iyo sidii ay warbaahintu kaalinteeda uga qaadan lahayd.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa kulankaas ka dib faahfaahin ka bixiyey qodobbada lagu soo qaaday shirka uu la yeeshay warbaahinta, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Waxaanu la kulanay dhamaanba warbaahinta ka shaqaysa Somaliland haday yihiin telefishanada,wargeysada, website-yada iyo guud ahaanba meelaha lagu faafiyo wararka, waxaanan u mahad naqayaa dhalinyarada ka socda hay’addahaas oo aqoon is-waydaarsi aanu kaga tashanayno sidii Somaliland loo bili lahaa ee wanaageeda iyo wixii aynu qabsanay caalamka loogu baahin lahaa, umada Somaliland halka ay ka marayso horumarkana loo baahin lahaa si aynu u iibino qadiyadda Somaliland ee dhabta ah ee caalamku inagu majiiranayo,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Waxaanu ka wada-hadalnay wixii khal-khal gelinaya ama xumaan ku samaynaya horumarka bulshada oo ay ka mid tahay qabyaaladda, wararka aan runta ahayn, kuwa colaadda hurinaya iyo kuwa colaadda isku-gelinaya umadda Somaliland in dhammaanba laga reebo warbaahinta masuuliyadda warbaahineed leh oo runtii qayb weyn kaga jirta horumarka dalka iyo nabad-galyadiisaa, waxaanan mar kale u mahad-naqayaa bahweynta warbaahinta ee sida wanaagsan aanu u naaqishnay ee aanu iskula garanay inuu dalkani u baahan yahay in dhinac walba layska taago oo meel looga soo wada jeedsado horu markiisa iyo wanaagiisa.”
Wasiirku isaga oo ka hadlayey dhinaca Diiwaangelinta Qaranka, waxa uu sheegay in diiwaangelintu noqon doonto labo qaybood oo kala ah Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha, kuwaasoo kala qabsoomi doona laba xilli oo kala dambeeya sannadkan gudihiisa.
Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland shalay la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa waxa uu ka danbeeyey ka dib markii uu hore u balan qaaday inuu qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland kala hadli doono sidii wax looga qaban lahaa wararka la xidhiiidha qabyaalada isla markaana shacabka Somaliland kala fogaynaya.

No comments:

Post a Comment