Wednesday, February 26, 2014

Dawladda Soomaaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi

Muqdisho (Himilomedia.com) Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta ku kala saxeexday magaalada Muqdisho heshiis ay ku xoojinayaan xidhiidhka iyo iskaashiga ay leeyihiin.

Heshiiskan ayaa labada dhinac waxa u kala saxeexay  wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay. Waxaana kulankan goob jog ahaa madaxweynaha dawladda soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska dhex maray labada dhinac, dawladdiisuna ay ka go’an tahay dhaqan-gelinta heshiiska.









Wasiirka arrimaha dibadd ee Soomaaliya, Beyle ayaa isna sheegay in garyaqaannada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay si taxadar leh uga soo shaqeeyeen heshiiskan, oo ah mid labada dhinac ay ku qanacsan yihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka



iyo xuquuqaha labada dhinac.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment