Tuesday, February 25, 2014

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo Uga Mahad Celiyay Marwada Madaxweynaha jabbuuti Deeqdii Ay Soo Gaadhsiisay Kalabaydh.

“Waxaa kale oo taariikhda u gali doona marwo Khadra Maxamuud Xayd cusbitaalka oo ay baahi…” Xidlhibaan Ibraahim Axmed Haybe

 

Hargeisa (Himilomedia.com)- Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah xidhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Gabiley ayaa maanta isagoo ku sugan magaalada Hargeysa wuxuu dhambaal mahadnaq ah u diray marwada madaxweynaha dalka jabbuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd deeqdii raashinka iyo cusbitaalka ahayd ee ay u fidisay dadka reer gabiley ee doraad   marwada madaxweynaha Somaliland dhagax dhigtay.

 

xildh ibrahinXildhibaanka ayaa ka warbixiyay taakulaynta joogtada ah ee marwada madaxweynaha jabbuuti la garab taagan tahay gobolka uu xildhibaanka u yahay ee Gabiley isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan uga mahad naqayaa marwada madaxweynaha jabbuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, deeqdii wanaagsanayd ee ay soo gaadhsiisay dadka baahan ee walaaleheed ee reer Kalabaydh. Waxaan uga mahad celinayaa raashinkii ay soo gaadhsiisay dadka deegaanka Kalabaydh oo ay ku dhalatay. Waxaa kale oo taariikhda u gali doona marwo Khadra Maxamuud Xayd cusbitaalka oo ay baahi weyn u qabeen dadka deegaanka kalabaydh tani oo aan ahayn deeqdii ugu horaysay ee gobolka kusoo deeqdo. Waxaan kaloo taariikhda gobolka baal  dahab ah noogu qoran madaxweynaha dalka Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geele oo runtii kaalin laxaadka lahayd ee uu kasoo qaatay dhismaha Jaamacada Gabiley iyo Cusbitaalka Guud ee Gabiley. Waxaan halkan uga mahad celinayaa waftiga ay marwada madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Waris hogaaminaysay ee deeqda ay usoo wakiilatay marwada Djibouti ”

 

Xildhibaanada iyo shacabka Gabiley ayaa uga mahad celiyay isla markaana taariikhda ku darsada dadka garabka ka siiya taakulaynta mashaariicda horumarinta ee gobolka Gabiley, maaha markii u horaysay ee xildhibaanku uga mahad celiyo dawladda Djibouti deeqaha muhiimka ah ee lagus oo caawiyo gobolkooda.

 

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment