Tuesday, February 25, 2014

Taliyihii Booliska Degmada Xaaji Saalax Oo Toogasho Lagu Dilay iyo Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay

Hargeysa (Himilomedia.com):-Taliyihii Saldhiga degmadda Xaaji Saalax  ee gobolka Daadmadheedh Hurre Sahal, ayaa xalay kowdii habeenimo koox dablay ahi dileen kadib markii ay rasaas ku fureen,iyadoo aan wali la qaban kooxda fulisay dilka Taliyaha Booliska ee degmada Xaaji Saalax Marxuum Hurre Sahal.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo  ka waramay dilka taliyuhu sida uu u  dhacay waxaanu yidhi:-

“Horta dillku Xalay ayuu dhacay kooxdii  geysatayna wali lama qaban oo way baxsadeen laakiin waa lagu raad joogaa, halkan(Burco) gurmad, ayaa ka baxay Oodweyne waa laga baxaya, Hargeysa gurmad, ayaa ka yimi ciidan iyo masuuliyiinba leh, dhanka  kale Gaashaamo  waa laga soo baxay oo xataa xadka degmada deeggaanada ku teedsan oo dhan Itoobiya iyo Somaliland labaduba wey ka hawl galeen oo ma gudbi karaan, inkasta oo aan wali la qaban.”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye Guddoomiyaha gobolka Togdheer.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment