Thursday, February 27, 2014

Xildhibaano Been Abuur Iyo Buunbuunin Ku Tilmaamay Dhacdadii U Dambaysay Ee Dawladda Hoose Ee Boorama

Boorama (Himilomedia.com) Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa waxay been abuur iyo buunbuunin ku tilmaameen dhacdadii u dambaysay ee ka dhacday Dawladda Hoose ee Boorama oo saxaafada haysatay dhawrkii maalmood ee u dambeeyay, waxana ay sheegeen in Wasaarada Arrimaha Gudaha looga baahan yahay in 24 saac gudahood ay u soo faragaliso golaha deegaanka ee Degmada Boorama.

 

Xildhibaan Siciid Muuse Xoosh oo ugu horayn ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxaan sheegaynaa inaan aad uga xunahay sida loo buunbuuniyay arrintii u dambaysa ee ka dhacday gudaha D/Hoose ee Boorama, waxaan sheegaynaa in arrintaasi ay tahay mid la marin habaabiyay oo shirqool ah oo ay soo abaabuleen dad masuuliyiin ah oo masuulka degmada u sareeya uu kow ka yahay, wax caqliga gali kara ma aha wax aan u fadhinayna ma aha,  waxana aan leenahay cida ay khusayso ee ka masuulka ah ha soo faro galiso, waa gaf iyo meel ka dhac in golahii ay dadku soo doorteen lagu sheego Tuug iyo dad wax boobayay, dakhliga D/Hoosana waxa ka masuul ah guddida fulinta ee D/Hoose, wax saxeex ku baxa mooyee wax kale oo si kale ku baxana ma ogolin. Sanadkii 199kii ayaanay Boorama ka dhicin wax boob ahi, waana nasiib daro iyo guuldaro dhaawac ku ah degmada oo uu u keenay masuulkii u sareeyay Degmadu, waxa aan ahaa goobjoog, xildhibaanada lagu eedeeyay arrintanina waxa ay ka yihiin BERI, xildhibaanka baabuurka dhigay albaabka D/Hoosana waxa uu ahaa xidhibaan xaqdaro lagu sameeyay, oo loo diiday inuu galo xeradii uu xaqa u lahaa ee D/Hoose mana jirin sharci aan ka soo saarnay oo aan ognahay oo aan nidhi yaanan lagalin xereda, hadalka ka soo yeedhay ninka qasnajiga ahina waa mid gaf ah oo aakhiro loo soo taagi doono, cida ka masuulka ah iyo hay’addaha baadhitaankana waxaan leenahay ha gutaan waajibkooda, Wasaarada Arrimaha Gudahana waxaan leenahay  sharciga iyo xeerka uu soo saaray baarlamaanku ha shaqeeyo”

 

Xildhibaan Cabdiwahaab Bashiir Sh. Cumar oo hadalka ka daba qaatay ayaa isaguna tilmaamay “Waxaan rabnaa inaan bulshada ka tacsiyayno hadalada foosha xun ee saxaafada la marinayo, waana hadalo deel qaaf ah oo fool xun oo gaf ah, waxana aan sheegaynaa inaanu jirin xildhibaan boob isku dayay oo ay tahay mu’aamaraad uu isku dayay masuulka ugu sareeya degmadu, waa arrin gaf ah oo aan la isaga hadhayn in saxaafada la iska fadeexdeeyo, waxana aan ka dhaqaaqi doonaa haddii aanu nahay golaha arrintaasi wax ka qabashadeeda, haddii ay tahay shaqaale iyo haddii ay tahay maamulka degmadaba waxaan sheegaynaa in la isaga daba tagayo oo aanay beeli soconaynin, dadwaynaha haddii ay naga waayeen wixii ay naga filayeen oo ay mar walba naga arkayaan wax xun waxaan leenahay waa wax xun oo uu masuuliyadeeda leeyahay masuulkii noogu sareeyay, waxana aan leeyahay madaxda dawladda waxa loo baahan yahay in 24 saac gudahoos ay ku soo gaadhaan degmada, waxana aan si wayn ugu canaanaynaa waxa ka socda degmada wasiirka arrimaha gudaha”

 

 

Xildhibaan Maxamed Aadan Muumin Kacab oo hadalka soo afmeeray ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ka tacsiyaynayaa bulshada hadalkii ka soo yeedhay guddoomiyahayaga ee uu ku sheegay inay xildhibaanadu boobayeen qasnada D/Hoose, sharaftanu waxay tahay mid uu Eebe bixiyo ee aanay ahayn mid ay aadamuhu bixiyaan, hadafka ugu wayn ee uu guddoomiyuhu ka leeyahay hadalkaasi gafka ahaana waxa uu yahay inuu ceeb uu isagu leeyahay uu marmariyo xildhibaanada kale oo Beri ka ah waxa la sheegayo. Xildhibaanada cadhooday ee albaabka dhigay baabuurka arrintoodii oo taagan ayaa waxa laga dhigay mid fadeexad ah oo ay xildhibaanadu boobayeen qasnada D/Hoose, xildhibaanada bulsho ayaa soo dooratay oo sharaf iyo karaamo ayay leeyihiin, in la fadeexadeeyana waa ayaan daro, waxaaan leeyahay Wasaarada Arrimaha Gudaha waa inaad arrintan soo faragalisaan sida ugu dhaqso badan, waa masuuliyadeedii, iyada ayaana hawshan masuuliyadeeda leh, shaqaalaha D/hoosana waa shaqaale oo waa la qasbay, saxaafadana dhinicii loo adeegsaday ayay u shaqaysay oo hadalkii la yidhi ayay qaateen, sharciga ayaananu la tiigsanaynaa cidii masuul ah ee gafka gaysatay waxana laga rabaa inay cadaynteedii la yimaadaan”

 

Wabilaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal
+25224456820


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment