Tuesday, February 25, 2014

“Waxaanu xoogga saaraynaa Iskuulladii Xirfadaha Gacanta”

Hargeysa,  (Himilomedia.com)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa daboolka ka qaadday in barashada xirfaduhu ay tahay waxyaabaha ay muhiimadda gaarka ah siinayaan ee u qorshaysan wasaaradda waxbarashada inay xoogga saarto.

Wasiirka waxbarashada oo shalay ka qayb-gashay kulan lagu dejinayo qorshaha waxbarashada dalka oo lagu qabtay Hotel Ambassador, ayaa tilmaantay in shaqo la’aanta dalka ay ka mid tahay inay dalka ku yar yihiin dugsiyada lagu barto xirfadaha kala duwan, iyada oo tusaale u soo qaadatay xirfadleyaasha ajaanibka ah ee dalka ka hawl-gala.

Wasiirka oo arrintan ka hadlaysay, waxa ay tidhi, “Immika waxaanu xooga saaraynaa Iskuuladii Xirfadaha gacanta, waxad arkaysaa marka aad eegto Waddooyinka iyo Guryahay waawenyba inay dhisayaan dad Ajnabi ah, taasina waxay muujinaysaa in xirfadda dadkii lahaa ay inaga maqanyihiin. Iskuulada Xirfadahu waxay noqdeen Iskuulo qaali ah oo kharashkooda ay hay’aduhu ka maagaan.”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sheegtay in Wasaarada Waxbarashadu ay tahay meelaha ugu badan ee intii ay Somaliland madax-banaanida la soo noqotay wax weyn laga qabtay, waxaanay tidhi, “Runtii waxa ay Wasaaradda Waxbarshadu ay ku jirtay meelaha intii wadanku xoroobay wax laga qabtay taas oo ay ku ammaanan yihiin dadka Somaliland inay caruurta ka ilaaliyaan waxyaabaha Gobolka ka socda (Geeska Afrika) oo ay ku foognaayeen Caruurteenu oo loo dadaalay inay hesho waxbarasho taya’deedu siday doonto ha noqotee oo Iskuul iyo waxbarsho u dirayeen”.

Wasiirka waxbarashadu waxa ay ka hadashay isbeddel ku yimi heerka waxbarashada Gabdhaha ee dalka, waxaanay tidhi,“Waxaanu ku guulaysanay in waxbarshadda Hablaha runtii si aad ah wax looga qabto.waayo wadankeena waa la ogyahay ilaa markii ay dagaaladu dhaceen Habluhu kaalinta ay ka soo baxeen,wax la qarin karona maaha.”

“Waxa maanta jirta in waalidku Hablaha Dugsiyada ay u soo diraan oo xataa inamada ka horaysiiyaan, maadaama oo ay taasi jirto waxa loo baahanyahay in la dhiso Akhlaaqiyaadka iyo in loo fududeeyo inay  Gabdhuhu  helaan waxyaabaha ka caawin kara in aanay tacliintu kala go’in,” ayey tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment