Hargeysa (Himilomedia.com):-musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka la filayo inay somaliland ka dhacaan sanadka soo socda.
Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid waxa uu ka waramay heshiisyo laga gaadhay diwaan gelinta madaniga ah iyo tan cod bixiyayaasha ee dhawaan laga qaban doono guud ahaan waddanka Somaliland.
Ugu horayn musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo ka hadlaya sida loogu baahan yahay inay doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacaan ayaa waxa uu yidhi “wax waliba waxay ku wanaagsan yihiin in wakhtigii loogu tala galay ay ku qabsoomaan, xukuumadda Somaliland-na waxay balan qaaday inaan maalina dib loo dhigin wakhtigii loogu tala galay doorashada, diwaan gelintuna ay ku bilaabanto wakhtigii loo qoondeeyey walina loo dedejin lahaa si ay doorashadu wakhtigeeda ugu dhacdo loogana shaqayn lahaa, mana ah in laga fikiro oo lagu boodo in doorashada dib loo dhigo.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo u waramay hctv
Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid waxa kale oo uu ka waramay heshiisyo laga gaadhay sidii loo hir gelin lahaa diwaan gelinta madaniga ah iyo tan doorashooyinka socda, waxaanu tilmaamay inay saddexda xisbi qaran go’aan ku gaadheen inay la kulmaan deeq bixiyayaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka si ay ugala hadlaan dhaqaalihii ku bixi lahaa diwaan gelinta waxaanu mar kale yidhi “imikana waxa jira heshiis lagu gaadhay in saddexd xisbi ay deeq bixiyayaasha la kulmaan si loo soo xasiliyo ama layskugu soo duba rido dhaqaalihii ku bixi lahaa diwaan gelinta, waxa kale oo jirta in dhawaan heshiis laga gaadhay in la fuliyo diwaan gelinta madaniga ah iyo tan cod bixiyayaasha waxaana laysla gartay in mid waliba si gaar ah ay u socoto wixii labada diwaan gelinood laga kala faa’iidaysan karana laga faa’iidaysto laakiin aan laysku xidhin, annaguna waxaanu mar walba ku talinaynaa inaanay doorashooyinku wakhtigoodii dib uga dhicin madaxweynuhuna wuu balan qaaday inaan maalin loogu dari doonin .” ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment