Hargeysa, (Himilomedia.com ) Ka dib in ku dhaw 4 0(afartan) sanno oo badhitaan lagu waday hawadda sare gaar ahaan; Daxa iyo suura galnimadda in laga dhigo goob bini’aadamku ku noolan karo sida dhulka.
Saraakiisha ayaa sheegaya in haatan loo diray qalab la shaqaynaya waxaada duulimaadka hawadda sare ee maraykan ee la yidhhado (Nasa).qalabkan ayaa laga ganay saldhig ay haay’adu ku ledahay xeebta Gobolka Verginia ee duleedka magaaladada Washintong,iyadda oo looga danleeyahay in lagu ogaado dhas ama boodh lasoo wariyay in uu ka jiro Dayaxa dushiisa.warkan ayaa waxa soo tabiyay khubaro sayisyahano ah oo hawadda sare loo diray sannadkii 1975-kii gaar ahaana Barnaamijkii loogu magac daray Appolo oo la sameeyay todobaatanaadkii; kuwaas oo sheegay in uu jiro dhas ku hareeraysan dhawr dayax oo uu kaga dahaadhan kana qarinayo habka wareega cadceeda. Risherd Elveak, oo ah caalim ka tirsan xarunta cilmi baadhista mac-hadka Ameas kaas oo taabacsan xarunta maamulka hawada sare ee Nasa ayaa tilmaamay in dayax gacmeedkii ugu horeeyay ee laga diray Gobolka California wakhti haatan laga joogo 40(afartan) ay dhabaha u xaadhay isku dayga in xal loo helo suulinta boodhkaa ku dahaadhmay Dayaxa.wax aan ka badnayn ilaa 50(konton)KLM(kiiloo mitter) ayaa loo asdeeyay in dhaskaa laga soo baadho; iyada oo la adeegsanayo qalabkan oo magaciisa lagu sheegay (Lade) ayaa waxa weheliya raxan canaasiir ama curiyayaal Chemistry ah oo ay ka mid yhiin; Sodium; Potasiam; Argon iyo curiyayaal kale oo aanay ku jirin canaasiirta dilaaga ah iyaga oo ka gali doona daloolo fasiraad ka bixinaaya hanaanka ay ay biyuhu ugu soo shalwadaan gudaha cidhifyadda Dayaxa oo la sheegay in ay yihiin qaar aad u adag. Arintan loolanka hawadda sare ayaa la tilmaamayaa in ay bilaabantay waagii dagaalkii qaboobaa.gaar ahaana; markii uu midawgii soofiyeedka ee hor kacayay Ruushku ay markii ugu horaysay taariikhda hawadda sare u direen dayax gacmeed; sanadku marii uu ahaa 1961-kii.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment