Thursday, February 20, 2014

“Waxaanu diyaarinaynaa carruur caafimaad qabta oo Mustaqbalka dhaw cudud shaqaale u noqota qaranka” Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimaha Guud Wasaarada Caafimaadka

Hargeysa, 18 Feb, 2014 (Himilo)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa sheegay inuu si habsami ah u socdo talaalkii maalmaha caafimaadka caruurta oo shalay wareegiisa 1-aad soo gabo-gabeebey, isla markaana Wasaaradda caafimaadku qaadi doonto tab-kastoo lagaga dabar-jarayo cududrada dilaaga ee caruurta dalka.
Shir jaraa’id oo shalay wadajir u qabteen Agaasimaha Guud ee W/ Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame iyo agaasimaha waaxda caafimaadka guud wasaaradda caafimaadka Dr Abiib Aadan Nuur, ayey kaga codsadeen bulshadda inay la shaqeeyaan hawl-wadeenadda talaalka maalmaha caruurta ee gobolada iyo degmooyinka dalka ka hawl-galaya.
Madaxa qaboojiyaha gobolka Maroodi-Jeex Mr Saleebaan Yuusuf Cali oo tafaasiil ka bixiyey noocyada talaalada caruurta la siinayo iyo xiliga ay dhacayaan iyo waliba tayadooda, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Saleebaan Yuusuf “Hadii aan waxyar idiinka warbixiyo talaalada iyo tayadooda iyo waliba wakhtiga ay dhacayaan waxa ugu horeeyey talaalka la yidhaahdo Popv oo isagu dhacay 2015 bisha 8-aad ayuu dhacayaa oo waa talaalada imika lagu isticmaalayo kaambaynka, waxa kale oo jira oo halkan yaala talaalka Shanta-beenta la yidhaahdo oo isaguna dhacaya 2015-ka bisha May. Waxa kale oo isaguna halkan ka muuqda talaalka ugu dhaw ee imika la isticmaalayo oo November 2014-ka dhacay, waxa kale oo aanu haynaa mid kale oo ah TT-da la siiyo dumarka oo isna waxa uu dhacayaa 2015-ka bisha October”.
Sidoo kale waxa isaguna halkaas warbixin kooban oo khusaysa talaalka caruurta halkaas ka jeediyey agaasimaha waaxda caafimaadka guud wasaaradda caafimaadka Dr Abiib Aadan Nuur , waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Sidaynu ka war-qabno laga soo bilaabo bishan February ee sanadkan waxaynu ku soo jirnay oo inoo socday wareegii 1-aad ee talaalka maalmaha caafimaadka caruurta kaas oo si habsami ah uga socda dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan. Talaalkan maalmaha caafimaadka caruurta ee dalka socdaa waxa uu ku jiraa maalintii 4-aad oo sida aan sheegay uu si habsami ah uga socdaa dalka oo dhan, waxaanu dhamaan doonaa beri Salaasada markaa ka dib laba maalmood ka dib waxa loo diyaar-garoobi doonaa oo ay wasaaradda caafimaadka Somaliland u diyaar-garoobi doontaa in wareegii 2-aad ay gasho kaas oo isaguna ka bilaabmi doona dhulka ka fog magaalooyinka waawayn ee dalka sida miyiga ama baadiyaha sida aynu u naqoono”.
Abiib Aadan isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana baaq u diraya bulshadda,waxa uu intaas raaciyey “Markaa sida aan hore u xusay waxa uu u socdaa talaalka maalmaha caafimaadka caruurta si habsami ah, waxaananu bulshadda ka codsanaynaa inay soo dhaweeyaan oo ay la shaqeeyaan hawl-wadeenadda talaalka maalmaha caafimaadka caruurta oo meelkasta loogu tagi doono bulshadda muwaadiniinta ah ee ku nool”.
Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo isaguna ka hadlaya talaalka maalmaha caafimaadka caruurta ee dalka ka socda waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan inyar ka odhan doonaa talaalka caruurta oo sida ay madaxdii iga horaysay idiin sheegtay maraya laba wareeg oo ka 1-aad yahay 14-ka bishan ilaa 18-ka bishan February iyo wajiga 2-aad oo ah 21-ka ilaa 25-ka isla-bishan, waxaanu ugu talo-galnay talaalka maalmaha caafimaadka caruurta oo aanu uga gol-leenahay inaynu cuduro halis ah oo aynu kaga hortagayno cuduradaasi inay caruurteena ku dhacaan Ilaahay-baa caafimaadka hayee, markaa waxaan leeyahay waalidiinta reer Somaliland caruurtiina ka talaala cuduradaasi dilaaga ah oo ay ka mid yihiin Jadeecadda, Dabaysha, ka hor-taga shubanka iyo nafaqo daro-da oo aanu doonayno inaanu caruurteena nafaqayno”.
Dr Cismaan isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Sida aad ka warqabtaan waxa ka go’an wasaaradda caafimaadka oo noo qorshaysan inaanu doorkayaga ka qaadano horumarinta qaranka,markaa waxa naga go’an oo aanu ku dadaalaynaa sidii aynu u heli-lahayn bulsho caafimaad qabta, taas oo aanu uga gol-leenahay inaynu helno caruur caafimaad qabta oo mustaqbalka dhaw cudud shaqaale u noqota qaranka”.

No comments:

Post a Comment