Wednesday, February 26, 2014

BIRTAA U DUCAYSAY- W/Q Mohamed elmi hassan (Shiine)

Jididka ayaa ah halbawlayaasha uu waddan leeyahay Dalkan Somaliland oo hada saddex iyo labaatan jirsaday waxaa sanadkii 2011 hogaanka dalka qabatay xukuumadd shacbiga Somaliland ay ku soo doorteen gacmahooda uuna hogaamiye ka yahay madaxweynaha qaranka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana markiiba Hay’adda wadooyinka oo tayeedu ahayd mid aad u liidata la hoos geeyey Wasaarada Madaxtooyada oo uu Wasiir ka yahay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah shakhsi jecel horumarka wadankiisa.
Ka dib markii Wakalaada Horumarinta Wadooyinka Somaliland si toos ah loo hoos geeyey Wasaarada Madaxtooyada waxay lasoo baxday dardar cusub iyo horumar soo wada jiitay indhaha dadka caafimaadka qaba, Wasaarada ayaa wadanka ka bilowday Mashaariic aad u badan oo lagu horumarinaayo Jidadka Somaliland.
Dhawaan ayey ahayd markii aan Safar kaga soo kicitinay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer annagoo kusii jeedna Caasimada Somaliland ee hargeysa, waxaan kasoo baxnay burco anniga iyo koox Suxufiyiin ah xilli ku beegan shantii galabnimo, intii u dhaxaysay tuulada Hudisa iyo Magaalada Berbera waxaan kusoo aragnay Waddo xumo jidka oo aad u baaba’ay dayac awgii iyo gaadiidka oo aan u tudhayn ka dib markii aan magaalada Berbera soo gaadhnay fiid horaadkii waxaan si toos ah ula laabanay Wadada hargeysa maadaama uu wakhtigu ahaa habeen safarkayaguna uu dheeraa, waxaanu toos u qabsanay toobiyaha isku xidha hargeysa iyo magaalo xeebeeda berbera.
Intii u dhaxaysay Magaalda berbera iyo Tuulada Xamaas laamigu waxa uu ahaa mid aad ka dareemayso burburka sida uu u googo’ay markii aan woxoogaa dhaafnay Tuulada Lafaruug, baabuurtii aan wadanay waxay noqdeen qaar habaaray ka dib markii ay heleen jid uu gaadhigu gaadhay heer uu sanqadh daayo kiiloomirtirkana xawaarihiisu kor u kacay, waxaana uu ahaa jid cusub oo labeentii leh si hagar-la’aan ahna loo dayactiray islamarkiiba ragga baabuurka ila saarnaa ayaa ku dhawaaqay WAAR KAN BIRTAA U DUCAYSAY, wareysi aan lasoo yeeshay dadkii ku dhaqnaa tuulooyinkaa aan soo marnay ayaa noo sheegay in Laamiga si mucjisada leh loo dayactiray looguna Magacdaray WADO XIRSI taasi oo aad nooga qoslisay, balse waxay ii sheegeen dadkaasi kala duwan ee aan la kulanay inay aad ugu mahad celinayaan Xukuumadda iyo Wasiirka Madaxtooyada iyagoo qiray inaanay waligood soo marin Dawladd sidan oo kale isugu xilqaanta horumarkan Dalkeeda iyo danta Ummadda maankana aanay ku hayn inay dib u soo marayso mid ka danbaysa Xukuumadda Siilaanyo.
Dhankastoo ay ahaataba Xukuumadda Siilaanyo ayaa noqonaysa Xukuumaddii ugu horaysay ee soo Marta Dalka si lama huurana wax uga qabata Jidadka lagu madhay ee 20-ka sano daashatay wado xumido Maanta Wadada Isku Xidha Hargeysa iyo Berbera waa mid aad isku halayn karayso oo aanad kasii werweri doonin wakhtiga aad gelayso taraaga.


Mohamed elmi hassan (Shiine)
Hargeysa/Somaliland
Shiine1433@hotmail.com


 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment