Hargeysa (Himilomedia.com):-Golaha Guurtida Somaliland,ayaa guddi u saaray dilkii toogashada ahaa ee lagu dilay Taliyihii booliska ee degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daadmadheedh Marxuum Hurre Sahal.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadalay arrintii ka dhacday degmada Xaaji Saalax ee habeen hore lagu dilay taliyihii ciidanka bilayska degamada Xaaji. Saalax ee gobalka Daad Madheedh ayaa waxa uu yidhi:-
“arrinta halkaas ka dhacay waxay tahay arrin aad khatar u ah in badana soo noq noqotay isla markaana ay golaha Guurtidu gurmad ka gali doonto arrintaas oo ay sida ugu dhakhsaha badan uguna wanaagsan ay arrintaas u gali doonto iskuna dayi doonto inay soo afjarto madaama oo ay marar badan soo noqnoqotay”.
Guddoomiyaha Guurtida waxaanu uu saaray dhacdada dilka Xaaji Saalax 9 xubnood oo ka mid ah golaha Guurtida Somaliland isla markaana si dhakhso ah guddigaasi u bixi doona oo toos uga hawl gali doona sidii arrintaa loo soo afjari lahaa xubnahaasi oo kala ah.
:-
1 Xill.Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxamaan (Gudoomiye)
2 Cabdinaasir Cabdilahi Beegsi (Xogahaye)
3 Xill. Muuse Ibraahim Awnuur jiciir
4 Xill.Cabdilahi Ibarahim Xirsi
5 Xill. Axmed Muuse Obsiiye
6 Xill.Cabdilahi Maxamed Xaaji Huruso.
7 Xill.Xirsi Ciise Jamac.
8. Xill. Axmed Wabari Maydhan.
9 Xill.Diini Cabdilahi Hande.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment