Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland wuxuu magacaabay Guddida Turxan-bixinta Xisbiga Kulmiye oo ka kooban 10xubnood oo dhamantood ah Golaha Xukuumadda Iyadoo khilaafka Xisbiga Kulmiye u dhaxeeyey koox wasiiro ah oo uu hormood u yahay Madaxweyne Ku xigeenku Iyo Guddoomiyaha Xisbiga. Haddaba bal aynu si kooban isku dul taagno dastuurka Xisbiga Kulmiye Muxuu ka leeyahay Xallinta Xurgufaha,
Qodobka 55aad Ee Xallinta Xurgufaha Dastuurka Xisibiga Kulmiye wuxuu sheegayaa, Haddii xubnaha dacwadda soo oogey tiradoodu gaadho 10 xubnood ama dulucda dacwaddu ahmiyad weyn leedahay, fududaysigeeduna xisbiga u leeyahay halis , Guddoomiyaha ay dacwaddu la taallaa wuxuu siiyaa dacwadaas qaddarin waxaanu u magacaabaa guddi baadhiseed. Iyadoo guddigaas la siinayo awoodaha iyo habka uu ku shaqaynayo.
Fiiro Gaar ah: Inagoo maanka ku hayna Qodobka 55aad ee sare ku xusan, Gudida Loogu magaca daray turxaan-bixintu ma sharcibaa mise Maaha? Madaxweynaha Qaranku isagoo awoodii guud ee wadanka gacanta ku haya, tixgalinta iyo dhawrida shuruucda waddanka iyo xisbiyadu waa mid ku waajib ah, Xisbiga kulmiye Dastuurkiisa Marka loo noqdo Guddidan Turxaan-bixintu Waa Guddi Qayral Sharci ah oo aan meelna ka soo galin Dasturka xisbiga Kulmiye, xisbiguna wuxuu leeyahay nidaam loo maro xalinta khilaafaadka, muranka iyo xurgufaha iyadoo la marayo heerar kala duwan.
Haddaba Kooxdan Madaxweyne-ku-xigeenku hormoodka u yahay ee wasiirada u badani Cabashadooda miyay u gudbiyeen xisbiga intaanay madaxwaynaha qasriga ugu tagin, Jawaabtu waa Maya, Kooxdan u samaysan khaakhul galinta habsami u socodka xisbiga kulmiye oo shacabku u arkaan inay weerar ku yihiin jiritaanka xisbiga kulmiye, waxay daaqada ka xooreen dastuurkii lagu heshiiyay ee xisbiga kulmiye, iyagoo nidaamkii ay dacwadoodu mari lahayd aan marin, cabashana u gudbiyeen madaxweynaha, waxa iskaga qaldantay madaxweynuhu inuu yahay madaxweynihii qaranka, xisbiguna uu leeyahay Guddoomiye iyo maamul iyo sharci dhamaystiran oo u baahan qadarin iyo tixgalinba in lasiiyo.
Falanqaynta Qoddobada Laaxinka U badan+Sharciga Xisbiga Kulmiye
Q3aad: Haddii loo baahdo wax ka badalka dastuurka xisbiga waxa awooda wax ka badalka yeelanaya guddida fulinta waxaana soo jeedinaya guddida qaban qaabada oo u gudbinaysa shirweynaha
Iyadoo aanay Muuqan baahi loo qabo wax ka badal lagu sameeyo dastuurka xisbiga wakhtigan la joogo, waxa marag ma-doon ah inay kooxahan wasiirada ah ee isugu jira kuwa cabanaya iyo kuwo dhex dhexaadinta sheeganayaa inay wataan qorshayaal dahsoon oo lagu mijaxaabinayo jiritaanka xisbiga, Maxaa yeelay guddidan turxaan bixinta lagu sheegay waxay si cadaan ah u baal mareen oo ay jabiyeen qoddobadii dastuurka xisibga kulmiye, Akhriste bal uu fiirso,
Qodobka 60aad : Ee wax-ka-beddelka Dastuurka Xisibga kulmiye Wuxuu Qeexayaa:
1- Dastuurka waxa wax ka beddeli kara shirweyne xisbi
2- Wax ka beddelka ama kaabida dastuurka waxa soo jeedin kara:
- ½(kala badh) golayaasha xisbiga ee gobollada
- 1/3(saddex meelood meel) tirada xubnaha golaha dhexe.
3- Soo-jeedinta wax-ka-beddelka ama kaabidda Dastuurku waxay ku ansaxaysaa aqlabiyada ah 2/3 (sadex meelood laba) tirada Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga.
Qodobkani wuxuu xaqiraad cad ku samaynayaa ama faraglin dhinaca awoodaha ah Golaha dhexe ee xisbiga oo iyagu awood sharciyan ah u leh, Soo Diyaarinta Wax-Ka-beddelka iyo kaabidda Dastuurka si looga ansixiyo Shirwaynaha Xisbiga.
Sidoo kale qodobkani wuxuu Awoodo khal khal galin ah siinayaa gudidada qaban qaabada oo awoodihii golaha dhexe la siiyay, halka sidoo kalena guddida fulinta la siiyay awoodihii Shirwaynaha xisbiga
Ugu danbayntii qodobkani wuxuu meesha ka saaray, Golihii dhexe ee xisbiga iyo Shirweynihiiba taasoo ka dhigaysa qodobkaasi mid wax-kama jiraan ah sharciyan ujeedadiisuna ay tahay in xisibga murug la sii galiyo iyo is qab qabsi, xaalada xisbiguna ay noqon doonto ’Kud ka guur oo qanjo u guur’
Q5aad: In cabdi casiis Maxamed Samale uu ka mid noqdo guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye
Haddaad u fiirsto, qodobka 2aad, qodobka 3aad, qodobka 8aad, Waxay sheegayaan inay tixraacayaan Dastuurka xisbiga, bal u fiirso Ku soo darista Wasiir Samale Guddida fulintu halkee loo cuskaday iyadoo ansixinta 4 xubnood oo gudoomiyhu magacabay laga ansixinayo Golaha fulinta.
Qodobka32aad: Ee Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye wuxuu si faah faahsan u tibaaxayaa.
1- Guddidada Fulinta Waxa si toos ah ugu biiraya xubin kasta oo hore loogu doortay Guddoomiyaha Xisbiga, isagoo ah xubin buuxda
2- Xubnaha Guddida Fulinta Waxa laga soo magacaabaa Golaha dhexe,
Haddaba Akhriste, Guddi ku-sheegtan Turxaan-bixintu Ma Golihii Dhexe ee xisbigaa iyagoo sidaynu hore u soo aragnay farogalin toos ah ku sameeyay Golaha dhexe iyo Shirweynaha Iyo awoodihii xisbiga oo dhan, Mida labaad Samaale ma hore ayuu u soo noqday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye taas oo uu dastuurku sheegayo inuu xubin golaha fulinta ah noqon karo.
Q6aad: Guddida Fulinta ee cusub waxa soo magaacabaya hogaanka xisbiga oo wada jir ah, waxaanay kala tashanayaan madaxweynaha
Fiiro Gaar ah: Dastuurka Xisbiga Kulmiye si fiican ayuu u qeexayaa awoodaha Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenada , Dastuurka xisbiga meelna kagama jirto kalmada hogaanka xisbiga, Waar farsamo lagu majaro habaabinayo Nidamkii Xisbigu.
Sida uu sharaxayo dastuurka xisbiga kulmiye,Qodobka 24aad Ee Awoodaha Guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiyaha xisbigu waa madaxa iyo hoggaanka guud ee xisbiga, wuxuuna xisbiga ku leeyahay awoodaha soo socda:
- Waa guddoomiyaha guddida fulinta ee xisbiga
- Wuxuu magacaabaa xoghayayaasha guddiga fulinta, lacagahayaha iyo xisaabiyaha xisbiga
- Wuxuu xisbiga kaga wakiil yahay heshiisyada xisbigu la gelayo dhinacyo kale
- Isagoo ka tilmaan qaadanaya go’aammmada shirweynaha, kuwa golaha dhexe iyo kuwa guddida fulinta wuxuu jiheeyaa dhammaan hawlaha xisbiga iyo siyaasadda guud ee xisbiga
Qodobka 25aad Ee Xilka Gudoomiye-Ku-Xigeennada Xisbiga:
- Guddoomiye-Ku-Xigeennada Xisbigu Waxay ka kaaliyaan Guddoomiyaha Hawlaha Xisbiga.
- Guddoomiye-Ku-Xigeennadu Waxay fuliyaan wixii hawlo ah ee Guddoomiyuhu u igmado.
Q7aad: Saddexda Urur ee kala ah Dalsan, Damal Iyo Ummada, waa in la siiyaa liisaska xubnaha golayaashooda dhexe si ay uga qaybgalaan shirwaynaha xisbiga ee soo socda
Qodobkan ka hadlaya ururadii ku hadhay doorashadii golaha deegaan ee ku biiray xisbiga kulmiye, waxay ummaddu markhaati ka ahayd oo goob joog loo wada ahaa, inay heshiis la galeen xisbiga kulmiye, si rasmi ahna ugu biireen, xisbiguna gacmo furan ku soo dhaweeyay, lagana aqbalay liisaskii xubnaha u matalaya shirwaynaha xisbiga kulmiye ee golaha dhexe iyo gudida fulintaba U galaya. Qodobkan oo aanu wax is afgarasho ahi aanu jirin, waxa loogu soo daray khal khal galinta xisbiga iyo kala fogaynta Guddoomiyaha xisbiga iyo ururada ku soo biiray
Lasoco.. Qabta Danbe Ee falanqaynta Qodobada ay soo sareen Gudida Turxan Bixintu
W/Q : Mohamed Abdikarim Omer
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment