Thursday, February 20, 2014

Wasiirro Kormeer ku sameeyey Dhismaha Waddada Togwajaale oo wejigeedii 2aad gebo-gebo ku dhowyahay

Gabiley, 18 Feb, 2014 (Himilo)- Wefti uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi CalI Xaaji Xasan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Maareeyaha Waddooyinka Somaliland (RDA) Prof Xasan Cali Cismaan, ayaa shalay kormeer ku tagay wejiga labaad ee dhismaha waddada isku-xidha Wajaale iyo Kala-baydh ee wakhtigan gebo-gabo ku dhow.
Masuuliyiinta Xukuumadda waxa kormeerkooda ku wehelinayey Xildhibaano ka mid ah mudaneyaasha gobolka Gabiley laga soo doortay ee Golaha Wakiilada Gudoomiyaha Gobolka Yuusuf Ibraahin Geedi (Yamaarug), Maayarka Degmada Gabiley Md Shucayb Maxamed Muuse, Xildhibaano ka mida Golaha deegaanka Gabiley iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor.
Weftiga wasiirka Madaxtooyadu waxa ay kormeerkooda ku gaadheen dhismaha wejiga labaad ee jidkaas oo la dhammaystiray 2KM oo ka mid ah halka 4 KM oo kalena loo diyaariyey in la shubo, iyada oo waddada la gaadhsiiyey Duleedka Wajaale isla markaana lagu ballaamay in dhammaadka bishan lagu dhamaystiro.
Markii ay weftigu gaadheen goobta dhismaha waddadu ka socoto, waxa halkaasi ka hadlay xubna uu Wasiirka madaxtooyadu horkacayey iyo qaar ka mid ah ganacsatada Tog-wajaale oo muujiyey dareenkooda sida uu sheegay Mustafe Sheekh oo ka mid dadweynaha deegaanka ku ah degmada Wajaale ee isaga goosha Gobolada Saaxil, Maroodijeex iyo Gabiley.
Wasiirka madaxtooyada iyo Maareeyaha waddooyinka ayaa dhankooda mahadnaq balaadhan ugu jeediyey shaqaalihii ka hawl-galayey dhismaha waddadaas oo qaarkood la sheegay inay wakhtigan dhaawacyo ka soo gaadhay hawshaas darteed ay cusbitaallaada u jiifaan.
Wasiirka Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagun halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay muhiimadda ay dhismayaasha waddooyinku ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ku dedaashay hirgelinta ballan-qaadyadii ay umadda u sheegtay.

No comments:

Post a Comment