Hargeysa (Himilo) – Tartanka kooxaha heerka koowaad ee kubada Kolayga Somaliland ayaa ka bilaabmaya Garoonka Kubadda kolayga ee Tima-Cade Studium maalinta Khamiista ee 20 February oo ku beegan xuska maalinta Dhalinyarada Somaliland.
Sida uu noo cadeeyay Xoghayaha Xidhiidhka Kubad Kolayga Mahdi Cabdi Yuusuf, waxaa tartankan kasoo qayb galaya lix kooxood oo kamid ah kooxaha heerka koowaad.
Mahdi waxaa uu noo xaqiijiyay in wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubada Kolayga ay tartankan ka taageerayaan ururka Dhalinyarada heer qaran ee SONYO iyo Wasarada Waxbarashada.
Kooxahan ayaa 5 kamid ahi waxay ka dhisanyihiin Caasimada halka kooxda lixaadna ay tahay koox ka socota xarunta Gobolka Gabiley.
Magacyada kooxahani waxay kala yihiin:
1: Kooxda Gaashan ee Ciidanka Qaranka JSL
2: Kooxda Ciidanka Asluubta JSL
3: kooxda IFTIN ee Wasarada Waxbarashada
4: Kooxda Dawladda Hoose ee Gabiley
5: Kooxda Wasaarada Macdanta iyo Tamarta
6: Kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa.
No comments:
Post a Comment