Thursday, February 20, 2014

Qodobbada Lagu Soo Afjaray Khilaafka Wakiillada, Aragtida Shir-guddoonku Ka Bixiyeen iyo Boogaha aan weli La Taaban

“Shacabka Somaliland-na waxaan u sheegayaa haddii aad khilaafka werwer ka qabteen, Golahani waa Gole walaalo ah, siddeed sano ayuu is-dhinac fadhiyey, waanan ka raalli-gelinaynaa....” Md. Baashe Maxamed Faarax
Hargeysa, 20 Feb, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiillada Somaliland oo kala hoggaaminayey labada Garab ee Golahaas khilaafka iyaga dhexdooda ka curtay u kala qaybiyey, ayaa sheegay inay aqbaleen go’aammada ay Ergada Golaha Guurtidu ku soo afjareen khilaafka ka dhexeeyey labada Garab ee Wakiillada ee ay Shir-guddoon ahaan kala hoggaaminayeen.
Ergada Golaha Guurtida Somaliland oo ay hormuud u ahaayeen Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuufuf (X. Cabdi-Waraabe) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali oo salaasadii kulan degdeg ah ugu baaqay inay Golaha Wakiilladu isugu yimaaddaan Arbacadii shalay, ayaa fadhiga ay Wakiilladu isugu yimaaddeen oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayay soo hordhigeen go’aannada ay gaadheen oo ka koobnaa saddex qobob.
Xaaji Cabdi-Waraabe oo intaan go’aannada lagu dhawaaqin fadhigaa ka hadlay, ayaa dhinacyada Khilaafku u dhexeeyey ee Golaha Wakiillada u soo jeediyey talo iyo tusaalooyin sama-talisnimo oo looga baahan yahay inay ku dhaqmaan, isaga oo sheegay inaanay Gari laba nin oo is-haya ka wada-qoslin, hase-yeeshee, ninka guulaystay uu yahay ka gar-qaata ee aqbala go’aanka Xeer-beegtida labada dhinac ee is-haya dhexdhexaadisay.
Intaa ka dib Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golahaas Siciid Jaamac Cali, ayaa Mudanayaasha Wakiillada ka hor akhriyey qodobbada go’aanka ay gaadheen ee ay u arkeen in lagu soo afjaro Khilaafka Golaha Wakiillada oo uu ka codsaday inay aqbalaan qodobbada ay Ergo ahaan soo go’aamiyeen. Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenka Guurtidu halkaa ka akhriyey qodobbada go’aankooda oo u dhignaa sidan:-
1.In Saddexda (Guddoomiyaha iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen) ee Golaha Wakiillada oo Shir-guddoon ah la isugu keeno 42 Cod.
2. In iyaga oo shaqadooda gaba-maahee aanay meesha iman wax mooshin ah oo lagu ridaayo saddexdooda midna inta ka hadhsan muddada ay xilka hayaan.
3. In Goluhu fasax ahaado inta ka dhiman fasixii ay ku jireen ee la isla qaatay.
Markaa, ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo fadhiga guddoominayey, ayaa hadlay, isla markaana sheegay inay gole ahaan go’aankaas Guurtida aqbaleen, isaguna uu aqbalay, Goluhuna sidaa fasax ku galay. Waxaana ku raacay Xildhibaannada Wakiillada ee fadhiga shalay ka soo xaadiray.
Hase-yeeshee, markii Hoolka fadhigu ka socday dibedda looga soo baxay ayay Weriyeyaashu su’aalo go’aanka Ergada Guurtida la xidhiidha waxay weydiiyeen Guddoomiyaha iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee Wakiillada. “Arrintii Golaha khusaynaysay ee ay kalsoonida ku siiyeen Golaha Guurtida, Golaha Guurtidu waxay keeneen go’aankoodii, Goluhuna sidii ay ku keeneen ayuu ku aqbalay, shacbigu sidaa haku ogaado wuu aqbalay Goluhu, dhammaantayana waannu aqbalnay,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo ka jawaabayey su’aal Saxaafaddu ka weydiisay go’aankaas.
Waxaanu Cabdiraxmaan-Cirro oo ka sii jawaabaya su’aalaha la weydiiyey uu intaa ku daray oo yidhi, “Laba iyo afartanka iyo laba iyo kontonkaba Golahaa samaysan kara, markii wixii go’aan ah ee aannu qaadannay hadda waannu qaadanaynaa…Guddoomiyaha iyo Cid kasta oo xil haysa waa la ridi karaa haddii dariiq sharci ah loo soo maro, markaa waxaan leeyahay kani wuxuu ku dhammaaday kalsooni iyo go’aan la isku wada waafaqay. Wixii kale ee xil-ka-qaadis ku saabsan waxaan qabaa haddii dariiq sharci ah loo maro waa la fulin karaa, waanan aqbalayaa anigu, go’aankanna waan aqbalay, go’aan kasta oo sharci ahna waan aqbalayaa.”
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Md. Baashe Maxamed Faarax oo isaga iyo Ku-xigeenka labaad ee Wakiilladu hoggaaminayeen Garab ka mid ah labada Garab ee Goluhu u qaybsamay, khilaafkuna ka curtay Shir-guddoonka dhexdiisa, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Guurtida oo uu sheegay inay sidiisa u qaateen oo ay ku aqbaleen.
Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlaya Go’aanka Guurtida waxa uu yidhi, “Go’aanka Guurtidu soo saartay sidiisaannu u qaadannay,Somaliland waxay ku caano-maashay waxa weeye waxa u baxa dad, ama hakaa farxiyo ama hakaa nixiyo ee go’aanka la soo saaray waa inaad sidiisa u qaadataa, annaguna sidiisaannu u qaadannay. Shacabka Somaliland-na waxaan u sheegayaa haddii aad khilaafka werwer ka qabteen, Golahani waa Gole walaalo ah, siddeed sano ayuu is-dhinac fadhiyey oo wada joogay, khilaafkuna mid gudihiisa ah ayuu ahaa maantaa la soo afjaray. Aad iyo aad waxaannu u raalli-gelinayaa shacabka Somaliland ee u qaatay inay meesha dhibaato ka soo socoto iyo xasillooni-darro.”
Md Baashe oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Illaahay baa og intaannu joogayno, laakiiin dadku waa is-qabtaa, dhibaato kalena ma dhicin, xoolana maannaan kala dhicin, siyaasadda waa la isku qabtaa, waana laga heshiiyaa. Markaa, waxaannu bilaabi doonnaa haddaannu shir-guddoon nahay in kalsoonidayadi dib u soo noqoto oo aannu wada-shaqayno, Qaranka Somaliland-na u shaqayno.”
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somalialnd Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa isaguna ka hadlay sida uu u arko go’aanka Guurtidu ku xalliyeen khilaafka u dhexeeyey Golohooda ee ay hoggaamiyeyaasha ka ahaayeen Shirguddoon ahaan. “Maanta waa maalin wayn oo Taariikhda Somalialnd ku biiraysa, annagu haddaannu nahay Xildhibaannada sidaa ay u arkayeen dadweynuhu ee ay wadnaha farta ugu hayeen umaannaan arkayn, waxani waxa weeyaan wax caadi ah, Goluhu waa kala figrad, haddana waa la isu yimaaddaa oo xagga loo bato ayuun baa la isku raaci jiray,” ayuu yidhi Cali Yuusuf.
Waxaanu Cali Yuusuf Axmed intaa ku sii ladhay oo uu yidhi, “Maanta laakiin-se, Guurtida oo taariikh weyn ku leh dhex-galka Khilaafaadka waddankeenna ka dhaca ayaa soo gurmatay, waanan ku faraxsannahay, iyagana aad iyo aad baannu ugu hambalyeynaynaa guusha ay ka gaadheen, Goluhuna sidiisii hore ayuu ku soo noqonayaa, dadkuna wax werwer ah yey ka qabin.”
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Wakiillada Cali Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in khilaafkan oo kale xal u heliddiisu bilo iyo sannado ku qaato dalka Soomaaliya oo uu xusay in caalamka oo dhami u soo gurmadaan, waxaanu yidhi, “Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya hadday tan oo kale dhacdo adduunkoo dhan baa looga soo gurmadaa, bilo iyo sannado ayey qaadataa, innagana maalmo kooban ayey innagu qaadatay, waa Illaahay mahaddii iyo guul weyn oo aynu gaadhnay baan leeyahay.”
Go’aannada Ergada Golaha Guurtida Somaliland ay shalay shaaciyeen, ayaa u muuqda kuwo xal u noqday, isla markaana soo afjaray inta muuqata khilaaf muddo bilo ah kala qaybiyey Golaha Wakiillada oo u kala fadhiyey laba Garab oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha oo dhinac ahaa iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen oo dhinac ahaa. Inkasta oo aan go’aammada Guurtida lagu caddaynin qodobbada lumiyey Awoodda labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Wakiillada oo sal u ahaa laba-kaclaynta khilaafka labada dhinac, kuwaasoo ku jiray wax-ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Wakiillada oo ay Mudanayaashu aqlabiyad ku ansixiyeen, labada Ku-xigeen iyo Xildhibaannada taageeraana ay si weyn uga cadhoodeen.

No comments:

Post a Comment