Muqdisho (Himilomedia.com) Banaan-bax lagu taageerayo adkaynta nabadda dalka somaliya ayaa loogu soo baxay muqdisho, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo bulshada, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qaybgalay banaan-bax lagu taageerayo nabadda, loogana soo horjeedo falalka kooxaha argagixisadda ah ay ku carqaladaynayaan nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

“Waxaad muujiseen geesinimo iyo sida aad diyaar ugu tihiin inaad iska difaacdaan argagaxisada bahalka ah ee doonaya inay damiyaan iftiinka nabadda. Kooxdan lunsan waxa ay dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ku beegsanayaan masaajidda. Xukuumaddu waa idin garab istaagaysaa xilligan aynu ku jirno ee halganka aynu dib ugu xaqiijinayno dowladnimadeena” sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiwali u sheegay banana-baxayaasha oo xamaasad iyo wadaninimo ka muuqatay. Waxaana uu hadalkiisa raaciyey
“ Haweenka Soomaaliyeed waxa ay weligood ahaayeen horseed, waxaanu rabnaa inaad maantana horseed ka noqotaan is-bedelka iyo halgankani, banaan-baxan waxa uu astaan iyo bilow u yahay is-bedelka caasimadda iyo Dalka”
Wasiirka Haweenka iyo Xuuqda Aadamaha marwo Khadiijo Maxamed Diiriyey ayaa ku baaqday in hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabad-diidka ah.
“ Haweenka Soomaaliyeed wax cabsi ah kama qabaan dhimsahada, nafta ayey u hurayaan dalkooda si loo helo nabadd buuxda, loona soo celiyo karaamadii ummmadda Soomaaliyeed”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment