Tuesday, September 30, 2014

Haweenay Somaliyeed Oo Ku Biirtay Kooxda Islaamiga ah ee Daacish

Hargeysa:Sep,30,2014(Himilo)-Haweenay Somaliyad ah oo dhallinyaro ah oo ku noolayd Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inay ku Biirtay Kooxda Ka Dagaallanta Dalalka Ciraaq iyo Syria ee Daacish.

daaceGabadhan ayaa da’deeda Lagu sheegay 15-jir, waxana markii ugu horraysay Baahiyey Wargeyska Telegraph ee Kasoo Baxa Dalka Britain.

Dhanka kale kuxigeenka madax Police-ka xaafada Biristol,oo lagu magacaabo Louis Rolfe,ayaa sheegay in gabadhaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay udoonayaan in ay gacanta ugusoo dhigaan,isagoona rajo wanagsan ka mujiyay.

Ciidanka amaanka sidoo kale waxaa ay shegeen in gabadhaasi ardayada ah ee dalka somaliya udhalatay,ay safarkeeda ku wehelisay gabadh kale oo 17-jir ah uu magaalada Landan ku bar baartay.

In ka badan 500 British-ah ayaa loo maleynayaa in ay u safreen bariga dhexe si ay ugu biiraan kooxda Daacish,si ay ugu qeybqaataan dagaalka kooxdaasi ay wado,waxaana la sheegay in dadkaasi ay iskugu jiraan bulshooyinka jaaliyada ku ah ingiriiska oo somalida ay kamid tahay.

 

 

Himilo Media

Wakiillada Somaliland Oo Meelmariyey Qaraar Ka Dhan ah In Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtinimada La Kala Reebo

Hargeysa:Sep,30,2014(SDN/QJ)-Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta Ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Madaniga oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo usoo Gudbiyey.

maleeXeerkan maanta la Ansixiyey, ayaa in muddo ah Horyaallay Golaha Wakiillada, waxana doodiisu sabababtay in Axsaabta Mucaaridka si weyn saluug uga Muujiyaan xeerkaas, kaas oo markii dambe heshiis laga gaadhay keenay in Madaxweyne Siilaanyo qoddobo kamid ah Xeerkan uu Waxka-beddel kusoo sameeyo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Golaha hortooda ka Akhriyey Qoddobadii Waxka-beddelka iyo Kaabista lagu sameeyey ee Xeerkan ku jirey, waxana uu Mudanayaasha ka Codsaday inay Xeerkan Codkooda ka dhiibtaan, waxana Cod Aqlabiyad ah oo kor u dhaafaya Lixdan Cod ay ku Meelmariyeen Xeerkaas Diiwaangelinta.

 

Xeerkan maanta la Ansixiyey ayaa ah Mid dalka oo dhami Baahi u qabay waxana uu keenayaa inay si habsami leh u socoto Diiwaangelinta Madaniga ah ee Dhawaan dalka ka si rasmi ah uga Bilaabmi doonta.

 

Himilo Media

Toogasho Ka Dhacday Deegaanka Arabsiyo iyo Taliska Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay

Hargeysa:Sep,30,2014(SDN/QJ)-Taliyaha Guud ee Ciidabka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa Ka Hadlay Toogasho Maanta Askari Boolis ahi U Geystay Taliyihii Saldhigga Boliska Magaalada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil Cali (cabdicase).

faqToogashadan ayaa sida uu taliyuhu sheegay waxa geystay Askari ka tirsan ciidankii Taliyuhu Xukumi Jirey, kaas oo markii ay is afdhaafeen rasaas oodda kaga qaaday, waxana taliyaha gaadhay dhaawac culus.

Taliyaha la toogtay, ayaa dhaawaciisa la keenay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxana Taliye Fadal uu warbaahinta u xaqiijiyey inay gacanta ku hayaan askarigii toogashada geystay.

Taliya Toogashada loo geystay, ayaa waxa ay rasaastu ka Haleeshay saablayda sida uu taliyaha ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan sheegay, waxana uu Taliyuhu Sarkaankan u rajeeyey caafimaad degdeg ah.

Taliye Fadal waxa uu bulshada reer Somaliland u soo jeediyey inay ciidanku gacan bir ah u qaban doonaan cidkasta oo isku daydo inay fadqalalo geliso Hannaanka ay ciidanka Boolisku u gutaan Hawlmaalmeedkooda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed-kaar(xaglotoosiye), ayaa faahfaahiyey xaddiga dhaawaca gaadhay Sarkaanka Booliska Ka Tirsan, waxana uu tilmaamay inay rasaastu ka Haleeshay Uurku-jirta, isla-markaana ay sida ugu fiican xaalkiisa iskugu hawli doonaan.

 

Himilo Media

Mudanayaasha Wakiillada Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyad ah Ku meel Mariyey Xeerka Diiwaangelinta Madaniga

Hargeysa:Sep,30,2014(Himilo)-Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta Ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Madaniga oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo usoo Gudbiyey.

wakiiXeerkan maanta la Ansixiyey, ayaa in muddo ah Horyaallay Golaha Wakiillada, waxana doodiisu sabababtay in Axsaabta Mucaaridka si weyn saluug uga Muujiyaan xeerkaas, kaas oo markii dambe heshiis laga gaadhay keenay in Madaxweyne Siilaanyo qoddobo kamid ah Xeerkan uu Waxka-beddel kusoo sameeyo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Golaha hortooda ka Akhriyey Qoddobadii Waxka-beddelka iyo Kaabista lagu sameeyey ee Xeerkan ku jirey, waxana uu Mudanayaasha ka Codsaday inay Xeerkan Codkooda ka dhiibtaan, waxana Cod Aqlabiyad ah oo kor u dhaafaya Lixdan Cod ay ku Meelmariyeen Xeerkaas Diiwaangelinta.

 

Xeerkan maanta la Ansixiyey ayaa ah Mid dalka oo dhami Baahi u qabay waxana uu keenayaa inay si habsami leh u socoto Diiwaangelinta Madaniga ah ee Dhawaan dalka ka si rasmi ah uga Bilaabmi doonta.

 

Himilo Media

Madaxweyne Siilaanyo oo Heegan Qaranimadooda ay ku difaacaan ugu baaqay Shacabka Somaliland, Beesha Caalamka-na Garnaqsi u jeediyey

Madaxweynaha oo jawaab kulul ka bixiyey Hadal Dhiggiisa Somalia ka jeediyey Xarunta Qaramada Midoobay

“Waxay dawladda Somalia u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wada-hadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wada-hadallada si aynu u kala baxno”

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay war-wareegayso isla markaana aanay ixtiraamayn wada-hadalladii u socday labada waddan iyo heshiiyadii ka soo baxay, waxaanu beesha Caalamka ugu baaqay inaanay horumarka iyo nabadda ka jirta Somaliland u xusul-duubin waddanka burbursan ee Soomaaliya.
Siilaanyo-777Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay jirin midnimo dambe oo shacabka Somaliland diyaar u yihiin, waxaanu dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay ku soo laabtaan miiska wada-xaajoodka oo uu ku timaamay waxa kaliya ee ay labada waddan ku kala-bixi karan.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisu daba-socday hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya oo xarunta Qaramada Midoobay oo uu shir kaga qayb-galay ka sheegay inuu muddo laba sanno gudahood ah uu ku hirgelinayo midnimada dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, in kasta oo aanu Somaliland soo hadal-qaadin, ayaa sheegay inay shacabka Somaliland iyo dawladdiisuba diyaar u yihiin difaacista qaranimadooda, balse aanay jirin midnimo dambe oo dhexmarta Soomaaliya.
Md Axmed Siilanyo oo shalay ka qayb-galay munaaisbad qalin-jabin ah oo loo qabtay dufcaddii 11aad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Hargeysa, waxa uu hadalka madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay Qaramada Midoobay ku tilmaamay riyo aan meel gaadhsiisnayn iyo war been ah oo uu gaadhsiiyey beesha Caalamka.
“Waxaan jecelahay in aan kelmad ka idhaahdo Madaxweynaha Somalia iyo dawladiisa oo weli ku-naaloonaya midnimo, dunidana u tebinayey war khaldan iyo riyo aan waxba ka jirin.
Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran madax-banaan, dadkiisuna way tashadeen waxaanay rabitaankooda ku dhisteen dawlad iyagoo codkooda 97% ku-meel-mariyey dastuurka JSL iyo jiritaankooda,” ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Siilaanyo.
Md Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Midnimadii Somalia waa tii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta, oo ku soo xadgudubta xuduudaha dalkan Somaliland dhulkiisa, badiisa iyo cirkiisa. Waxay dawladda Somalia u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wada-hadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wadahadalada si aynu u kala baxno.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu garnaqsi u diray beesha Caalamka oo ugu baaqay inay ka garaabaan horumarka iyo nabadda shacabka Somaliland kasbadeen, isaga oo soo dhaweeyey taageerada beesha caalamku ka geysato dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay garwaaqsadaan xaqiiqada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa inay caawiyaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana-qaaday dalkan, waa noo muhiim doorashooyinku waanan soo dhawaynaynaa doorka ay ka qaataan deeq-bixiyayaashu.”
Waxa uu madaxweynuhu Isku-duubni ugu baaqay shacabka Somaliland, “Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay is-ku-duubnaadaan, Dalka ilaashadaan meelna uga soo wada jeedaan cadawgooda,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey fadhigii 69aad ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxayso uu todobaadkan kaga qayb-galay xarunta guud ee Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada New York ee Maraykanka, waxa uu sheegay inuu muddo laba sanno gudahooda ah ku soo celinayo midnimadii Soomaaliya. “Waxaanu leenahay waddan immika ku socda inuu u midoobo Qaran ahaan, annaga oo hindisahayagu in sannadka 2016-ka la helo Soomaaliya oo midaysan,” sidaas ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay Xarunta Guud ee Golaha Ammaanka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Guddiga doorashooyinka oo sheegay inay diyaariyeen jewiga qabashada diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Doorashooyinka

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee wakhtigoodu dhammaanayo 29-ka bisha dambe, Maxamed Axmed Xirsi Geelle, ayaa sheegay inay diyaariyeen jewi saxan iyo qorshe cad oo sahlaya qabashada diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka, isla markaana ay Beesha caalamku diyaarisay Dhaqaalihii lagu hirgelin lahaa.
geelleGuddoomiye Geelle waxa uu sheegay in waxa dhimani ku hadhsan yahay Somaliland, isla markaana ay muhiimadda qabsoomidda diiwaangelinta iyo doorashadu ku xidhan tahay in wixii shuruuc ahaan u dhiman la dhammaystiro, qorshaha hirgelintooduna yahay wax dhankooda ka diyaar ah haddii Komishan cusub lagu beddelo iyo haddii ay iyagu sii joogaan-ba. Waxaanu Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinku xusay inaanay labada diiwaangelinood ee Madaniga iyo ta Cod-bixiyeyaasha midna midda kale saamaynaynin ama aanay carqalad ku noqonaynin.
“Horta, intii aannu meesha joognay-ba doorasho buun ku jirnay illaa doorashadii Deegaanka marka laga yimaaddana doorashada dambe ayuun baan isu diyaarinaynay, waxa-se intaas oo dhan ka horraysa in diiwaangelinta Cod-bixiyaha la helo, immikana waxa socota diiwaangelintii Madaniga ahayd oo wuxuba way is-wada daba socdaan, kolkaa intan dambe waxaynu ka hadlaynay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha in la helo, markaynu diiwaangelin sax ah helno ayaynu doorasho sax ahna heli karnaa. Laakiin, tala-galkayagu waxa uu ahaa 2015-ka in doorashooyinku dhacaan, qorshihina waa yaallaa, nidaamka oo dhami wuu innoo yaallaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka oo shalay Hargeysa ugu warramay Warbaahinta qaarkeed.
Guddoomiya Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi Geelle, waxa uu intaas ku daray; “Markaa, ama Guddigan doorashada ha noqoto ama Komishan cusub oo lagu beddelo ha noqotee, qorshuhuna wuu yaallaa halkaas ayuun bay ka dhaqaajinayaan, Barnaamijkaasina aad buu diyaar nooga yahay iyo dheeraadba, wixii Kharash dhinacooda ku xidhnaa diyaar bay innoo yihiin, ee innaga ayuun bay wax innagu xidhan yihiin kolba sida aynu Shuruucdeenna, nidaamkeenna iyo diiwaangelinteenna aynu u hirgeshanno ee cid waliba diyaar bay innoo tahay.”
Geelle mar uu ka hadlayey inay isa saamaynayaan labada diiwaangelinood iyo in kale waxa uu yidhi; “Diiwaangelinta Madaniga ah iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha in badan baynu ka hadlaynay, mar waxaannu isku daynay in mar la wada qabto oo la isku daro, haddana markii la dersay caalamka farsamo ahaan iyo xagga wakhtiga markii laga eegey waxa la arkay in ay ka wanaagsan tahay in la kala qabto oo laba Barnaamij (diiwaangelinood) oo gooni u kala socda ay noqdaan. Midda kale, Maalgelintooda ayaa kala duwan, oo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha waxa innaga caawiya Bulshada caalamka iyagoo dimuquraadiyaddeenna kor u qaadaya.”
“Diiwaangelinta Madaniga ahina waa arrin Qaran oo waddani ah oo Muwaaddinnimadeennii bay caddaynaysaa, kolkaa taa Madaniga ah dawladda ayay gaar ku tahay oo Kharashkeedii gebi ahaantiisaba wada qaadday. Markaa, maaddaama oo ay sidaas u kala duwan yihiin baynu nidhi laba aynu ka kala dhigno.” ayuu yidhi Guddoomiye Geelle.
Waxa uu Guddoomiyuhu intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Laakiin, waa lagu heshiiyey inay laba Mashruuc oo is-barbar-socda noqdaan, halka ay iska soo galayaanna ay kolba ka wadahadlaan Wasaaradda Daakhiliga (arrimaha gudaha) iyo Guddiga doorashooyinka Qaranku, annagu fahamkii aannu markaa dhignay midna mid caqabad kuma noqonayaan, anigu in badan baan Warbaahinta ka sheegay oo aan idhi isma carqaladaynayaan oo labada diiwaangelinood midna mid caqabad kuma aha. Markaa, diiwaangelinta Madaniga ahi caqabad kuma ah diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Dahabshiil oo Afrika oo dhan keligeed lagaga casuumay Shir Waayo-aragnimada Ganacsiga caalamka la xidhiidha oo London lagu qabtay

London, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Shirkadda Dahabshiil Group ayaa Afrika oo dhan keligeed lagaga casuumay Shir lagaga hadlay kala-korodhsiga Khibradaha ama waayo-aragnimada Ganacsiga caalamka ee bilawgiisa uu aasaasay qof keliya ama qoys keligii ahi iska lahaa, isla markaana markii dambe ballaadhay oo u gudbay heer caalami sida Dahabshiil oo kale, kaasoo lagu qabtay magaalada London ee Waddanka Ingiriiska.
CABDIRASHIID DAHABSHIILMaamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa isagu ka qaybgalay Shirkaas caalamiga ah oo ay ku kulmeen Shirkado waaweyn oo markii hore ku bilaabmay ama lagu aasaasay habka lahaanshaha Ganacsiga qoys keliya, sida Google, Dahabshiil, Ururro iyo Shirkado waawayn oo heer caalami ah. Shirkaas oo ku saabsanaa Ganacsiga Shirkado waawayn oo markii hore ku bilaabmay Ganacsi kooban oo qosy keliyi leeyahay, balse markii dambe ballaadhay oo noqday Shirkado waawayn oo dunida ka shaqeeya.
Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa markii uu shirkaasi soo idlaaday Axaddii toddobaadkan waxa waraysi gaar ah la yeeshay Weriye Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, oo weydiiyey waxa shirkaasi ku saabsanaa ee lagaga hadlay; waxaanu ku jawaabay; “Runtii shirkani waxa uu ahaa Shir caalami ah oo London dhawr cisho ka socday, waa Shir ay Hay’ad Ingiriiska deggani ay samaysay (qabatay) waxa ka soo qayb-qaatay dad badan oo caalamka ka shaqeeya oo markii hore qof ama laba aasaasay Ganacsigoodam, ka dibna uu noqday heer caalami ah.”
Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group waxa uu intaas ku daray; “Tusaale ahaan waxa ka soo qaybgalay Shirkadda wayn ee Google oo sidaad ogtahay ay aasaaseen qof iyo laba, maantana la odhan karo adduunka oo dhan baa laga yaqaannaa, waxaa ka soo qaybgalay Shirkado badan oo u badnaa Shirkado ka yimi Ingiriiska iyo waddamada Yurub. Markaa, annagu Dahabshiil ahaan Sharkadda Afrikaanka ah ee lagu marti-qaaday shirkaas baannu ahayn. Waxaannu ka hadalnay sida Shirkadaha Dahabshiil uu Aabbahay u aasaasay afartan sano ka hor iyo heerka ay gaadhay, markaa aad bay ugu faraxsanaayeen inay maqlaan.”
Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo la weydiiyey ahmiyadda Shirkan uu ka qaybgalay laga lahaa ee ugu weyni waxa ay tahay, waxa uu yidhi; “Ahmiyadda runtii meesha laga lahaa waxay ahayd, tusaale ahaan sidaad la socoto Adduunka oo dhan Ganacsiga ama Baayac-mushtariga qof baa aasaasa, ka dibna Ganacsigu wuu ballaadhaa oo adduunka oo dhan buu qaarkii yimaaddaa. Markaa, Ganacsi ka bilaabmay Yurub, mid Maraykan ka bilaabmay, mid Afrika ka bilaabmay iyo mid waliba wuxu leeyahay Aqoon iyo waxa loo yaqaanno Waayo-aragnimo oo ay kala qaataan.”
“Sidaa darteed, dadkani waxay aad u xiisaynayaan in waayo-aragnimadaas Adduunka la kala korodhsado, laga yaabaa wax annagu aannu ka barannay dalkan, ama dal kale ama Afrika waayo-aragnimo aannu Dahabshiil ahaan ku aragnay inay naga korodhsadaan oo uu Google ama Shirkad kale wax u taro, ama arrin uu Google la kulmay oo kale ay annaga Dahabshiil ahaan na anfacdo oo wax noo tarto. Markaa, shirarka noocan oo kale ahi waa aqoon-korodhsi la doonayo in Ganacsiyada caalamku khibrad ku kala faa’iidaan.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid.
Sidoo kale, Maamulaha Dahabshiil oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey marka la eego Shirkadda Dahabshiil oo afartan sano ka hor Aabbihii Maxamed Siciid Ducaale aasaasay, isla markaana ku dhawaad soddon sano si muuqata uga shaqaynayey Soomaaliya oo burburtay, dawlad la’aan ku jirtay, dagaallo Sokeeye, kuwo qabaa’il iyo kuwo diimeed-ba ay ka socdeen, waxa ka duwan wixii Shirkadaha kale ee caalamku soo bandhigay ee ay Dahabshiil ahaan Shirkaa ku soo bandhigeen ee ay ka baran karaan shirkadahaasi, waxa uu yidhi; “Waa su’aal aad u muhiim ah, immika tusaale ahaan qoysaska Yurub oo kale waa Faamliyo kooban oo qof, laba ama saddex qof ka kooban, Qoysaska Soomaalidu waa kuwo aad u ballaadhan oo cid walba leh. Markaa, markaad ka hadashid ee aad tidhaahdo waddan baannu ka shaqaynaa fikradaha iyagu ka qabaan mararka qaar ay tahay fikir qalad ah.”
Cadirashiid oo jawaabta su’aashaas sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Laakiin, markaad u sheegtid ee aad tidhaahdo Ganacsi baa ka shaqeeyo, oo Ganacsigayagu wuxu ka shaqeeya dhulka Soomaalidu degto oo dhan Jigjiga illaa Kismaayo, Gaarisa illaa dhinac walba u tiri meel kasta oo Soomaaliyi ku nooshay Dahabshiil baad ka helaysaa Gees illaa Gees wuu ka shaqeeyaa, dad baannu la shaqaynaa cid walba leh oo aannu ku xulannay Aqoontooda oo Shirkadda la shaqeeyo, qabiil kasta oo ay tahay Shirkaddu way la shaqaysaa, iyaguna way nala shaqeeyaan.”
“Markaa, markaannu waxaas ka hadalnay ee muujinnay waddan sidaas u ballaadhan oo aadkaa u kala fog, marka loo eego waddamada ay ka shaqaynayaan Shirkadaha Reer Galbeedku, runtii aad bay u xiisaynayaan, maxaa-yeelay? Waxa laga yaabaa inay aad uga kooban yihiin Shirkadaha Reer Galbeedku meelahay ka shaqeeyaan, meelaha aannu ka shaqayno marka loo eego aad bay uga kooban yihiin meelohodu. Markaa, runtii aqoon-is-waydaarsiga noocaas ah ayay Dahabshiil u doonayeen inay maqlaan.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo si faahfaahsan u sharraxay jawaabta su’aasha kor lagu weydiiyey.
Shirkadda Dahabshiil, ayaa marar badan oo hore ka qaybgashay shirar kala duwan oo caalami ah oo ka dahcay dacallada dalalka kala duwan ee dunida, kuwaasoo intooda badan caalamku kaga hadlayay ama kaga tashanayey arrimo la xidhiidha horumarinta Ganacsiga, kala korodhsiga khibradda iyo waayo-aragnimada, dirista ama xawilaadda lacagaha iyo qodobbo la hal maala.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Guddiga Madaxweynuhu u xil-saaray ka soo talo-bixinta Tabashooyinka Madax-dhaqameedka Awdal oo ka hadlay halka wax u marayaan

“Waxa annaga noo darani waxa weeye wixii naloo igmaday oo hawl Qaran ah wixii aannu ka soo qaban karno inaannu ka soo qabanno, oo Ninkii noo dirtay oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ah u dhiibno u dhiibno..” Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Guddiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland horraantii bishan uu u xil-saaray ka soo talo-bixinta Tabashooyin is-biirsaday oo Madaxda Dhaqanka ee gobolka Awdal ay u soo gudbiyeen, ayaa markii u horreysay ka hadlay halka ay wax u marayaan wakhtigan, isla markaana sheegay in keliya cidda ay taladooda u gudbinayaan yhay Madaxweynaha.
CADAMI-WASIIRWasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Cali Cadami oo ka mid ah Guddiga Wasiirrada ah ee Madaxweynuhu u magacaabay ka soo talo-bixinta tabashooyinka Odayaasha dhaqanka Awdal soo gaadhsiiyeen bishii hore, ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxa uu ku sheegay inay meel fiican wax u marayaan Guddigooda oo uu xusay inay illaa toddoba jeer kulmeen, iyagoo darsaya heerka tabashooyinka iyo talada ay ka bixin lahaayeen.
“Aniga oo ku hadlaya magacii Guddiga loo xil-saaray ee Madaxweynuhu u igmaday tabashada ka timi Madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo isu dhan, qiimaynteeda iyo qaddarinteeda u baahan, wixii aannu markaa daraasad ka soo samaynaynay, shalay (dorraad) bay ahayd fadhigii toddobaad ee aannu qaadannay (Guddi ahaan), ciddii markaa iyadu faalisa...waxaan maqlayey Jaraa’id lagu qoray Guddigi weli fadhi may qaadan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Waxa uu Wasiirka Gaashaandhiggu sheegay in dadka naqdiyaya Guddigooda ay rabeen in ay wax mindi-roorteeyaan bilawgiiba, waxaanu yidhi; “Waxa la rabay maalintaannu isu nimid ee Bisinka qabsanaynayba inaannu nidhaahno halkanaannu marinaynaa, waxanaannu soo saarnay, markaa annagu faan iyo ismuujin midna annagu shaqo kuma lihin waan soo dhaafnay.”
Wasiir Cadami oo ka hadlaya waxa iyaga waajibaadkooda shaqo ee Madaxweynuhu u xil-saaray, waxa uu yidhi; “Waxa annaga noo darani waxa weeye wixii naloo igmaday oo hawl Qaran ah wixii aannu ka soo qaban karno inaannu ka soo qabanno, oo Ninkii noo dirtay oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ah u dhiibno u dhiibno, dabadeedna siduu ugu tasarrifayo isaga iyo bay ka dhaxaysaa Madax-dhaqmeedkii Tabashada u gudbistay, wax kale oo meesha jiraa ma jiraan, hadal kale iyo dood ka furanina ma jirto.”
Wasiir Cadami waxa uu sheegay inay hawshaasi meel fiican u marayso hadda, isla markaana talada marka ay Madaxweynaha u gudbiyaan taladooda go’aankeeda iyo sida uu ka yeelayaa ay u taallo Madaxweynaha, waxaanu yidhi; “Meel wanaagsan bay hawshaas annaga naloo xil-saaray noo maraysaa, waxaannu jecelnahay inay sidaas ku soo gebo-gabawdo dabadeedna ay noqoto in Madaxweynihii noo dirtay farta ka saarno oo aannu u geyno.”
“Dabadeedna sidaas is-afgarad iyo tanaasul Somaliland ku soo caano-maashay iyo is-qancintii isagay ayay markaa hawshaasi u taallaa iyo Madax-dhaqameedka (Awdal) oo aannu ku kalsoonnahay inay danaynayaan jiritaanka Somaliland oo dadkii wax ka soo dhisay ay yihiin oo ay u tudhayaan Somaliland, wixii macquul ahna iyagu ay isla gartaan, taas ayaannu annaga iyo ummadda Somaliland oo dhanba ku faataxaynaysaa, Xarfad kale iyo wax kale oo meesha laga sheeko oo laga dhex-saaraana ma yaallaan,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
Guddiga Madaxweyne Siilaanyo u xil-saaray ka soo talo-bixinta Tabashooyin is-biirsaday ee Madaxda Dhaqanka Awdal oo ka kooban lix xubnood oo Wasiir Cadami Guddoomiye u yahay, kuwaas oo kala ah Wasiirka Boosaha & Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir, Wasiirka Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Go’aamo laga soo saaray Shaqaaqadii Balliga Diiriye Guuleed iyo Beel ku gacansaydhay

Burco, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Guddi ka kooban xildhibaanno Golaha Guurtida ka tirsan loo xil-saaray xal u helista shaqaaqo deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ku dhex-martay laba beelood oo wada-dega, ayaa soo saaray go’aamo iyo xukunno lagu soo afjarayo shaqaaqadaa oo labada ardaa ku dhexmartay muran dhinaca dhulka ah.
ssssDeegaanka Balliga Diiriye Guuleed oo ku yaala Woqooyiga Magaalada Burco, ayaa shaqaaqo sababta dhimasho iyo dhaawac isla markaana waxyeello loogu geystay Askar ka tirsan ciidanka ammaanka, ayaa dhexmartay labada beelaha Reer Biniin (Habarjeclo) iyo Cabdalle Arab (Arab) oo deegaankaas wada-dega, kuwaas oo markii dambe guddi odayaal ah oo Guurtida ka tirsan loo xilsaaray, ka dib markii ay ku fashilmeen wasiirro xukuumadda ka tirsan oo deminta shaqaaqadaas loo xil-saaray.
Kulan shalay ku qabsoomay Xarunta Maamulka Togdheer ee magaalada Burco ay goob joog ka ahaayeen Maamulka gobolkaas Togdheer, Labada Beelood ee Muranku ka dhexeeyo iyo guddiga Guurtidu, ayaa lagu shaaciyay Go’aamo iyo xukuunno Guddigu soo saareen.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka tirsan Guddiga Guurtida oo loo xil-saaray deminta shaqaaqadaas, ayaa kulanka ka akhriyey go’aamada iyo qodobbada ay cuskadeen inay ku gaadhaan.
“Markaanu dhegaysanay Dacwada labada Beelood ee Cabdalle Arab iyo reer Biniin oo ku saabsanayd Tuulo dhul daaqsimeed,Beero iyo Faag laga sameeyay Balliga Diiriye Guuleed. Markaanu aragnay Balliga Diiriye Guuleed iyo Tuulooyinka ku hareeraysan. Markaanu aragnay Dhukumentiyadii ay ku doodayeen labada dhinac. Markaanu aragnay qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer kuna taariikhaysan 2002-dii,” ayuu yidhi Xildhibaanka oo sharraxayey qaabka ay u gudo-galeen baadhitaanno natiijooyinkii ka soo baxay lagu saleegayey go’aamada ay guddi ahaan gaadheen.
Isaga oo sii akhriyey baadhitaanno ay sameeyeen, waxa uu intaas ku daray, “Markaanu aragnay Qoraal ka soo baxay Maayarka Burco 2007-dii. markaanu aragnay Heshiiska labada dhinac ee Cabdalle Arab iyo reer Biniin ee ku taariikhaysan 2011, heshiiskaas Oo ka dhacay Nootaayo Sharci ah horteed, Markaanu aragnay heshiiska labada dhinac ee 2011-kii ka hor dhacay Xafiiska Badhasaabka Togdheer,Markaanu ku qanacnay guddida horteedana ku dhaarinay Gudoomiyaha Golaha degaanka ee hore Maxamuud Axmed Xasan oo uu ku dhaartay in warqada 2007-dii si sharci ah uga soo baxday xafiiskiisa, sidoo kale waxay guddidu waydiisay wixii Baliga diiriye Guuleed ka dhisnaa wakhtigaasi, oo ay sheegeen laba dergadood oo midi hoosta banaan tahay iyo laba barkadood oo mid qodisteedu dhamaatay,” ayuu yidhi Mudane Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan.
Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu halkaas ka akhriyey go’aamada ay guddiga guurtidu soo saartay oo ka kooban Afar Qodob, kuwaas oo u dhignaa sidan:-
- Waxaa sugnaatay Jiritaanka Tuulada Baliga Diiriye Guuleed iyo Haydh Tuulaheeda, waxase ka reeban in la kala sheegto degsiimada tuuladaas, hana wada degaan sida labada tuule ee kale u wada degaan labada reer.
- In dhulka u dhexeeya saddexda tuulo yihiin Xoolo daaqeen, lagana samayn Karin faag, Beero wixii hore looga qadayna waa in la baabiyo.
- In wixii waxyeellooyin ah ee hore u inay ku dhammaystaan si walaaltinimo iyo dhaqankeenna suubban iyo shareecada Islaamnimada waafaqsan.
- In wixii khasaare ka soo gaadhay Cabdalle Arab amarkii Wasiiradu bixiyeen Xukumaddu bixiso magdhawgooda oo ah saddex barkadood iyo labada dergadood.”
Dhinaca kale, waxa go’aamadaas ay Guddiga Guurtidu soo saartay ku gacan-saydhay Beesha Reer Biniin oo ka dib markii ay guddigu shaaciyeen go’aamada shir-jaraa’id oo madax-dhaqameed iyo Odayaasha beeshaasi ku qabteen magaalada Burco ku sheegay inaanay u hoggaansamayn go’aamadaas oo ay ku tilmaameen qaar lagu afduubay isla markaana lagu buriyey go’aamo ay hore u soo saareen guddoomiyeyaal isaga dambeeyey maamulka gobolka Togdheer.
In kasta oo Madax-dhaqameedka beeshani aanay ka hadal madasha go’aamada lagu shaaciyey, waxa ay sheegeen in aanay u hoggaansamayn go’aamadaas oo ku tiriyeen in loogu xagal-daaciyey beesha kale (Cabdalle Arab).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Xildhibaan Sharraxaad ka bixiyey Caqabado ku gedaaman Ansixinta Xeerka Bangiyada oo Golaha Wakiillada horyaalla

Waxa uu sharraxay Doorka ay ka qaadan karaan Dhaqaalaha dalka

“Waa in shaqo loo abuuraa Ardayda Jaamacadaha ka baxaysa iyo kuwan badda isku-daadinaya iyo kuwan immika la leeyahay waa loo taag-waayey (rabshadaha dhalinyarada), haddii aan shaqo loo samaynin inay meeshu qaraxdaa dhow”

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Xildhiban Xuusen Ismaciil Yuusuf oo ka tirsan mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sababaha horseedka u ah maceeshad-bararka dalka ka taagan u sibir-saaray iyada oo aanay dalka ka jirin Bangiyo caalami ah oo ganacsatada iyo dhaqaalaha dalka u fududeeya xidhiidhka dibadda.
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa xukuumadda iyo shacabkaba ugu baaqay in la dhiirri-geliyo sidii dalka looga hirgelin lahaa bangiyo caalami ah, kuwaas oo xeerkoodu in muddo ah horyaallay Golaha Wakiillada balse goluhu aanu wali ansixin dareen-celin dhinaca bulshada iyo culimada dalka kaga timi awgeed, ka dib markii, sida uu xildhibaanku sheegay, masaajiddada dalka qaarkood lagaga qayliyey in xeerka Bangiyada ee golaha horyaallaa uu yahay mid dhiirrigelinaya Bangiyada dul-saarka ribada ah ku shaqeeya.
hh (1)Md Xuseenn Ismaaciil oo ugu horeyn ka hadlayey faa’iidada bangiyada caalamiga ah oo dalka ka hawl-galaa u leeyihiin dhinacyada horumarka iyo shaqo-abuurka dhalinyarada iyo doorka ay ka geysan karaan sicir-bararka maceeshadda, waxa uu yidhi, “Baanku waa ka waddankeenna ku xidhaya waddamada kale. Waxa ala waxa aynu hayno oo dhan baanbaa dhoofinaya, wixii aynu soo dejinayna baanbaa soo dejinaya. Sidaynu immika ku sugannahay waxa weeyi inuu nin waliba intuu markab adhi ah rarto inuu keeno Markab Dacas ah iyo mid bariis ah, waxa laga soo iibsanayaa Imaaraadka, halkii laga soo iibsan lahaa ninka soo saara Bariiska, ayaynu bariis toban cashuurood ku dhacday oo toban macaash saaran tahay, ayaa waddanka la keenayaa. Markaa, markaynu Ictimaadkeenna (ganacsi liisan haysta) wax ku dhoofinno, ayaynu ictimaadna ku keeni karnaa oo halka aynu Carabta waxa ka soo iibsanno aynu innaguna ka soo iibsanno halkay Imaaraadku ka soo iibsadaan.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Halka uu dhaqaaluhu ka kordho mar walba waxa weeyi Private Sector-ka (Ganacsiga gaarka loo leeyahay), waa inay siyaasadda dawladda noqotaa in halkaas la xoojiyo, waa in dadku isu-tagaan oo shirkado samaystaan, waa in shaqo loo abuuraa Ardayda Jaamacadaha ka baxaysa iyo kuwan badda isku-daadinaya iyo kuwan immika la leeyahay waa loo taag-waayey (rabshadaha dhalinyarada), haddii aan shaqo loo samaynin inay meeshu (dalku) qaraxbaa dhow. Waxaana shaqo-abuurkaa lagu samayn karaa marka baanankaasi yimaaddaan ee ruqsadda la siiyo, immikana way jiraan baanan badan oo Somaliland danaynaya, marka baanankaasi yimaaddaan raasamaal weyn bay leeyihiin, waxa la doonayaa inay maalgeliyaan dalka sida warshadaha oo shirkadahan immika shidaalka ka baadhaya dalka baanan bay dabada ku hayaan, diyaaradahan hawada marayaa baanan bay dabada ku hayaan, maraakiibta badaha gooshaysaa baananbay dabada ku hayaan, dhaqaale aan Bangi ku xidhnayni ma jiro.”
Xildhibaanka oo la weydiiyey sababaha hortaagan Xeerka Baananka Ganacsiga ee horyaalla Golaha Wakiillada, waxa uu yidhi, “Xeerka Baananka ganacsiga, ayaa na horyaalla, markii laga dooday, si ay u dhacdayba, waxa masaajiddadii galay warka ah inaanu ka doodayno, dabadeena masaajiddadiibaa si weyn looga kacay, waxa dadkii lagu yidhi Xeerkaa baarlamaanku doodayaa waa xaaraan oo baanan ribo ahbaa la keenayaa, taasina waa xaq oo maaha inuu dalka yimaaddo Baanan ribo ahi. Laakiin waxaan leeyahay saddex iyo labaatanka dawladood ee Carbeed ee aynu ka midka nahay, kuwa ribada ku shaqeeya iyo kuwa Islaamiga ahiba way ka shaqeeyaan, waxaanay xoog batay oo dadku inta badan la shaqaystaan baananka Islaamiga ah oo ka badiyey baananka Ribada ah, oo labadooduba waxay ka furan yihiin Magaalada Makka. Markaa maxaa inoo diidaya inay labaduba dalkeenna ka furnaadaan maadaama waddamada Carabta ee aynu ka mid nahayba ay ka jiraan? Haddaynu helayno baanan Islaami ah oo baahideenna daboola, aadbay u fiican tahay. Illaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu keeno keeno baanan Islaami ah oo baahideenna daboola,” sidaas ayuu sheegay xildhibaan Xuseen Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Wakiillada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Madaxweynaha oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 793 Arday oo ah Dufcaddii 11-aad ee ka Qalin-jebisa Jaamacadda Hargeysa

“Dalka Kaalin mug leh ayay (Ardaydu) ugu jirtaa, Shaqo la’aan baahsan ayaana ka jirta, taasna waxa la doonayaa in laga baxo, waxaanan Xukuumadda leeyahay waa waajib in shaqo loo abuur...” Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay Shahaadooyin guddoonsiiyey 793 Arday oo ah Dufcaddii 11-aad ee ka qalin-jebisa Jaamacadda Hargeysa oo ku taalla Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo wax ka bartay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddaas.
DSC_0365DSC_0162IMG_0814Munaasibad si heer-sare ah loo soo agaasimay oo loogu talo-galay Ardayda tirada badan ee ka Qalin-jebisay Jaamacadda Hargeysa, ayaa shalay lagu qabtay Hoolka wayn ee Jaamacadda, taasoo ka sokow Ardayda iyo Madaxweynaha ay ka qaybgaleen Masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda, Wasiirro iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno ka socday Golayaasha Baarlamanka, Golaha Deegaanka Caasimadda, Maamulka Caasimadda, Maamulka gobolka Maroodi-jeex, Waalidiin, Aqoonyahaniin iyo Profeser-ro laga Casuumay Jaamacada dalka qaarkood iyo Marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof: Cabdi Gaas, ayaa oo furitaankii Xafladdaas qalin-jebinta ka warramay Marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacadda Hargeysa soo martay; waxaanu yidhi; “Ardaydan Qalin-Jebinaysa ayaa waxa ay dhamaantood Barteen Culuumta kala geddisan ee lagu dhigto Jaamacadda, waxaanay maanta gaadheen Guul wayn oo lataaban karo haddii ay Juhdi iyo dedaal dheer u soo galeen in ay dhammeeyaan Aqoonta ay doonayaan, intii aan Jaamacadda joogay waxaan kusoo kordhiyay inaannu dhisno qaybo ka mid ah Fasallada sida Hoolkan aynu Maanta fadhino.”
“Waxaannu Xukuumadda u sheegaynaa in ay gacan wayn ka geysato sidii ay kor ugu qaadi lahayd Jaamacadda Hargeysa, Kharashka yar ee aannu ka qaadno Ardayda Jaamacadda kuma filanna inaannu isku kafayno. Jaamacaddani waa Jaamacadda ugu qaalisan marka la eegayo Afrika oo dhan, waxa ay Khuboro badani noo shegeen inaannu aqoontii kor u qaadnay, taasoo Jaamacadda Hargeysa loo Aqoonsaday Jaamacadaha ugu wanaagsan Afrika, Waxaanan Maanta Ardayda leeyahay dalkiinna Dhista.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa University Prof: Cabdi Gaas.
Waxa uu Guddoomiyahu ka warramay inta sannadkan qalin-jebisay inta ay tiradoodu dhan tahay iyo hablaha ku jira oo aad u yar kuwaas oo ku dhiiri galiyay in ay sanadada danbe kor isku soo qaadaan waxaana uu yidhi; “Sannadkan waxa Jaamacadda ka qalin-jebiyay 793 oo Arday, waxaana la doonayaa in kor loo qaado tayada Haweenka, Jaamacadda Hargeysina hurmuud ayay ka tahay waxaana la doonayaa in kaalin buuxda lasiiyo. Waxaan maanta Ardayda leeyahay dalkiinna dhista.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Sare ee Jaamacadda Hargeysa [Board of Directors] ahna Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna madasha ka hadlay, ayaa Qaranka ugu baaqay in loo hawlgalo sidii shaqo-abuur loogu samayn lahaa Ardayda qalin-jebisay, waxaanu yidhi; “Maanta (shalay) halkan waxa iigu muuqda Ardaydii lagu soo tabcay oo qalin-jebinaysa, waxaanan Xukuumadda leeyahay waa waajib in shaqo loo abuur.”
“Dalka Kaalin mug leh ayay (Ardaydu) ugu jirtaa, Shaqo la’aan baahsan Ayaana dalka ka jirta, taasna waxa la doonayaa in laga baxo, Ardaydana shaqooyin loo abuur. Waxaanan Anigu idin leeyahay Ardayeey Waxbarashu albaab lago galo ayay leedahay, laakiin male albaab laga baxo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa iyaguna Munaasibaddaa hadallo ka soo jeediyey, waxaanay hambalyo iyo bogaadin u direen Ardayda Qalin-jebisay, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda Hargeysa.
Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Aadan iyo Xubno kale oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa hambalyo u diray Ardayda qalin-jebisay iyaga oo ku boorriyey inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan.
Xubno ka tirsan Ardayda Qalin-jebisay oo Afka Dufcadda 11-aad ee Jaamacadda Hargeysa ka baxday ku hadlayey, ayaa Xafladdoodaas ka hadlay, isla markaana waxay hambalyo, bogaadin iyo ammaanba u jeediyey Maamulka iyo Macallimiinta heerkan soo gaadhsiisay iyo Waalidoontooda kula soo dedaalay waxbarashada oo ay xuseen inaanay la’aantood halkan ama heerkan soo gaadheen.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna madasha ka hadashay, ayaa si faahfaahsan uga warrantay xaaladda Waxbarasho ee dalku haatan ku jiro iyo horumarka aqoonneed ee Jaamacadaha Somaliland oo ay Hoggaaminaysaa gaadheen muddooyinkii u dembeeyey.
Wasiir Samsam waxa dhinaca kale ay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ka guddoontay Lacag qaddarkeedu dhan yahay $5000 (Shan Kun) oo Doollar oo ay Jaamacaddu ugu talo-gashay inay kaga qayb-qaataan dhismaha waddada Ceerigaabo. Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Waxbarashadu waxa ay khudbaddeeda ka dib cod-baahiyaha ku soo dhawaysay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo halkaasi Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey.
Madaxweyne-Siilaanyo, khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay horumarka ay dawladdiisu gaadhsiisay Waxbarashada muddadii uu xilka hayay, isaga oo sheegay in Xukuumadda KULMIYE ay diyaar u tahay kobcinta iyo dhiirrigelinta Waxbarashada. Waxaanu Madaxweynuhu intaas ku daray inuu sannadkan oo keliya ka qaybgalay Munaasibado ay Jaamacadaha kala duwan ee dalku u qabteen Arday ka qalin-jebisay oo tiradooda guud Afar Kun oo Arday ka ban tahay.
“Waxaan halkan Hambalyo uga soo jeedinayaa Guusha ay gaadheen Macalimiintii Kusoo tabacay Ardaydan Maanta inna hor-joogta, Waxbarashadu waa Furaha Nolosha, Waa Halbowlaha Horumarka, Waana Hagaha Mustaqbalka, waxaana ay u kala horreeyaan sida ay aqoon iyo Farsmo kal badan yihiin. Sannadkan waxaan Qalin-jebintooda ka qaybgalay in ka badan Afar Kun oo Arday (4000), taasi waxay Markhaati u tahay kobaca qudheed iyo kor-u-kaca ay bulshada ku dhex leeyihiin dhalinyaradu.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland intaas ka dib, waxa uu Shahaadooyinka guddoonsiiyey Ardayda ka qalin-jebisay Jaamacadda Hargeysa oo ahayd Dufcaddii 11-aad ee Jaamacaddaas ka baxda, gaar ahaan 20-ka Arday ee Kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda oo bartay Culuumta kala duwan ee Jaamacaddu bixiso.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Maamulka Madaarka Hargeysa muxuu ka yidhi inay ka horjoogsadeen Qolka Nashasada?

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Maamulaha Guud ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, ayaa iska fogeeyey eeddayn loogu jeediyey inay Axsaabta Mucaaridka ka horjoogsadeen Qolka Nasashada VIP-da ee garoonka oo ay doonayeen inay kusoo dhaweeyaan Masuuliyiin ka tirsan oo ay soo dhaweynayeen.
SONY DSCMaamulaha Madaarka Cigaal Internional Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo shalay Warbaahinta Kula Hadlay Xafiiskiisa oo Madaarka Hargeysa Ku dhexyaalla, waxa uu deedafeeyey inay Axsaabta Mucaaridka gaar ahaan Xisbiga Waddani iska hor taageen Qolka Nashada wakhti ay doonayeen inay madaarka ku soo dhaweeyaan Masuul Sare oo Xisbiga ka tirsan oo ka yimi dalka Australia.
Maxamed Yuusuf waxa uu meesha ka saaray inuu jiro codsi xisbiga Waddani ku dalbaday in loo furo qolka Nashada oo uu sheegay in horeba fasax ugu haysteen inay maamulka madaarka ka dalbadaan marka ay u baahan yihiin
“Ujeeddada aan u hadlayaa waxa ay daarran tahay anigoo arkayey xubno kamid ah xisbiyada mucaaridka ah sida UCID iyo Waddani oo wasaaradda Duulista iyo Maammulka Madaarkaba ku dhaleecaynayey in laga horjoogsaday qolka VIP-da, taas oo sida la wada ogsoonyahay nidaamka iyo habka lagu galaa uu yahay mid cad iyaga laftooduna ay hore u maamuusi jireen, waxaananu doonaynaa inaanu caddayno in warkaasi aanu jirin, cid u soo martay oo aanu horjoogsanayna jirin,” sidaa ayuu yidhi Maamulaha madaarka Hargeysa.
Waxa uu Maamuluhu soo bandhigay Waraaqo codsi ah oo ay mucaaridku hore ugu soo gubin jireen Maamulka Madaarka marka ay u baahdaan inay isticmaalaan qolka Nasashada ee Madaarka, waxaanu ku dooday hannaanka codsiyada loogu soo qorto Qollka VIP-du uu yahay mid ay kala siman yihiin Madaarrada Caalamiga, isla-markaana aanay arrintaas iyagu kali ku ahayn.
“Waxan doonayaa inaan sheego inay Sisbiyada mucaaridku u badheedheen inay Fadqalale ka dhex abuureen Madaarka iyo Shacabka, anigoo u sheegaya inaanu Madaarku ahayn madal siyaasadeed, balse uu yahay Goob shacabka loogu adeego, Haddii aanay Mucaaridku Yidiilo ka Qabin shacabkana u malayn maayo inay Taageero ku helayaan Waa Nala Cabudhiyey iyo waa Nala Cadaadiyey,” ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf.
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Xayn-daab lagu wareejiyey Madaarka oo sababay muranno iyo dhaliilo loo jeediyey Wasaaradda Duulista Hawada. waxana uu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan wax ka idhaahdo dhaleecayn mucaaridka ka timi oo ahayd in lacagtii Xayndaabka madaarka la lumiyey oo la Kala Xidhay, waxanuse jecelahay oo is lahayn waa waajib cidkasta saaran in la idinku Hambalyeeyo Xadayntaas Madaarka, waxase ay mucaaridku garan waayeen Wixii ay Garteen Dadkii aanu dhulkooda ka qaadaynay ee Dhulkooda ku wareejiyey Danta Guud, anigoo dadkaas si weyn ugu mahad naqayaa, wixii ay xaq nagu lahaayeenna waanu ku maqanahay,” ayuu Hadalkiisa kusoo Koobay Maamulaha Guud ee Madaarka Cigaal International Airport.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe/Sare oo la shaaciyey iyo Isbeddel ballaadhan oo sannadkan ka dhex muuqda

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay Natiijada imtixaanaadka Shahaadiga ah Fasalada 8-aad ee Dugsiyada Dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiyada sare ee Sanad-dugsiyeedkii hore oo ay u fadhiisteen 21,065 arday guud ahaan.
eceShir-jaraa’id oo shaacinta Natiijada Imtixaaanaadka loogu Qabtay Xafiiska Imtixaanaadka Guud, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hoggaanka Sare ee Guddida Tacliinta Sare, Maamulayaasha Dugsiyada Kala Duwan ee Magaalada Hargeysa, waxana Halkaas lagaga dhawaaqay Natiijada ay imtixaanaadkaas ka heleen ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee dalka oo isugu jira dugsiyada Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad-dusiyeedkii hore waxa dugsiyada Dhexe u fadhiistay 13,266 Ardayoo Fasallada Siddeed ah, halka ay fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare ay u fadhiisteen 7,799 Arday.
Waxa Halkaas lagaga Dhawaaqay Tobanka Arday ee ugu sarreeya fasallada Siddeedaad ee Dugsiyada dhexe iyo tobanka Arday ee ugu sarreeyey fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare, waxaana sannadkan Fasallada Siddeedaad kaalinta Koowaad ka galay Dugsiga Ileys oo magaalada Hargeysa, halka fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare Kaalinta Koowaad uu ka galay arday ka tirsan Dugsiga Dayaxa ee ee Magaalada Burco, iyada oo sannadkan halbeegga tacliinta ee gobollada Togdheer iyo Sanaag laga dareemay kor-u-kac ballaadhan oo ka soo baxday natiijada la shaaciyey.
Qaabka loo shaaciyey natiijada Imtixaannaadka Dugsiyada dalka, ayaa sannadkan ka duwan sannaddadii hore iyada oo la kala saarey natiijada imtixaannaadka dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah oo sannadihii hore aan kala soocnaan jirin.
Dugsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa tobankii ugu sarreeyey fasalladooda siddeedaad si gaar ah loo soo dhejiyey, iyada oo kuwa dawliga ahna si tobanka arday ee ugu sarreeyey dugsiyada Dhexe/Sare si gaar loo shaaciyey.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa oo natiijooyinka imtixaanka shaaciyey, ayaa u mahadceliyey Guud ahaan Maamullada dugsiyada iyo Ardayda Natiijada imtixaankooda la shaaciyey, isaga oo u soo jeediyey inay dedaalkooda sii xoojiyaan.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Ardaydu helaan Natiijadooda oo ay muddo sugayeen.
Hoos ka akhriso natiijooyinka
Fasalka 8aad: Tobanka Arday ee U sarreeya guud ahaan dalka
Maxamuud Xuseen Warsame Yuusuf Ileys (New Hargeysa Maroodijeex 587
Axmed Ibraahim Maxamed Muuse Sh. Bashiir Maroodijeex 580
Rooda Xasan Shaqalle Cismaan Al-Irshaad Branch One Maroodijeex 579
Nasra Cali Maxamed Cabdiraxmaan Daalo Maroodijeex 577
Sukhra Cabdilaahi Nuur Ismaacil Ilays (New Hargeysa) Maroodijeex 577
Xamse CAbdihakiim Maxamuud Xuseen Al Kheyr Maroodijeex 576
Yaasiin Saleebaan Yuusuf Duuriye Dholayare Sanaag 575
Cumar Maxamuud Nuur Dhidar Cigaal Gabiley 574
Salma Maxamed Axmed X. Cabdilaahi Imamu Shaafici Maroodijeex 573
Cabdisamad Cumar Muxumed Xuseen Cige Bile (Dila) Awdal 573

Faysalka 8aad. Tobanka Hablood ee ugu sarreeya dalka oo dhan
Rooda Xasan Shaqale Cismaan Al-Irshaad Branch One M/Jeex 579
Sukhra Cabdilaahi Nuur Ismaacil Ilays (New Hargeysa) Maroodijeex 577
Salma Maxamed Axmed X. Cabdilaahi Imamu Shaafici Maroodijeex 573
Amal Maxamed Axmed Cali ELM M/Jeex 572
Hoodo Maxamed Abiib Kaahin Imaamu Shaafici M/Jeex 572
Muna Maxamed Yuusuf Cali Imaamu Shaafici M/Jeex 570
Faadumo Cabdi Ibraahim Galeydh Ileys – New Hargeysa M/Jeex 570
Xamda Cabdi Ibraahim Cajab Somaliland Modern M/Jeex 570
Muhiim Xasan Aadan Cabdilaahi Laanta Hawada M/Jeex 569
Xaliimo Xasan Muxumed Cumar Xuseen Miigane Awdal 566
FORM 4. Tobanka Arday ee ugu sarreeya Dugsiyada Gaarka loo leeyahay
Maxamed Cali Jaamac Xasan Dayaxa Togdheer 720
Maxamuud Maxamed Nuur Maxamed SOS HG Saaxil 717
Riwanaan Cabdi Daahir Suldaan Nuuradiin - Boys School M/Jeex 715
Yaxye Maxamuud Axmed Nuur Future M/Jeex 714
Salma Aadan Cabdi Ciise Future M/Jeex 711
C/shakuur Khadar Digaale Abu Hureyra M/Jeex 711
C/salaan Cusmaan Xuseen Faahiya SOS HG Saaxil 708

FORM 4. Tobanka Hablood ee ugu sarreeya Dugsiyada Gaarka loo leeyahay
Salma Aadan Cabdi Ciise Future M/Jeex 711
Samiira Maxamed Ismaaciil Muxumed Nuuradiin – Girls School M/Jeex 702
Nafiisa Cabdihamud Maxamed Cali Nuuradin – Girls School M/Jeex 699
Xamda Baashe Cabdi Ismaaciil Nuuradiin - Girls School M/Jeex 681
Nimco Xuseen Maxamuud Ducaale SMART Togdheer 681
Caasha Salaaxadiin Axmed Caalin Al-Nuur Awdal 678
Warda Cabdilaahi Cali Muuse Nuuradin – Girls School M/Jeex 669
Faadumo Cismaan Sh. Cabdi Sh. Mux’ed Al-Aqsa Awdal 665
Sahra Axmed Xaashi Maxamed Aayatiin International Awdal 662
Bilan Cumar Axmed Jaamac Al-Aqsa Awdal 661
FORM 4. Tobanka Arday ee ugu sareeya Dugsiyga Dawliga ah ee Dalka oo dhan
Maxamed Cismaan Aadan Cilmi Sh. Ibraahi Togdheer 708
Cabdiqani Axmed Abokor Cumar Sh. Bashiir Togdheer 689
Maxamuud Maxamed Cusmaan Cawad Sh. Ibraahim Togdheer 680
Mukhtaar C/raxmaan Maxamuud Samatar Maxamuud A. Cali M/Jeex 680
Saalax Axmed Aadan Axmed Xaaji Aadan Sanaag 678
Maxamed Axmed Ismaacil Sh. Ibraahim Sh. Bashiir Togdheer 671
Mustafe Hayaan Xuseen Ibraahim 26 June M/Jeex 668
Maxamed Yuusuf Salaan Ismaaciil 26 June M/Jeex 666
Maxamed Faarax Samatar Cawaale Sh. Ibraahim Togdheer 665
Cabdirashiid Saleebaan Dirir Max’ed Sh. Ibraahim Togdheer 664
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Shirkadda Ku Guulaysatay Qandaraaska Tababarka Ciidanka Illaalada Sahaminta Iyo Soo-saarista Shidaalka oo la shaaciyey

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey shirkadda ku guulaysatay Qandaraaska tabobarka Ciidanka Ilaalada Shirkadaha Shidaalka (OPU) oo tartan loo galay, ka dib markii madaxweyne madaxweyne Siilaanyo todobaadkan digreeto uu soo saaray ku buuray Waaxdan oo ka tirsanaan doonta Ciidanka Booliska.
Guddoomiyaha Guddida Qandraasyada qaranka Somaliland Md Aadan Cabdilaahi  Nugaal oo shalay shir-jaraa’id oo lagu shaaciyey qandaaska ku qabtay xafiiskiisa, ayaa faahfaahin ka bixiyey heerar kala duwan oo tartanka qandaraaskani soo maray iyo tirada shirkadaha ka qayb-qaatay iyo qaabkii ay u kala sarreeyeen qiimo ahaan.
Guddoomiyaha Nugaal oo uu weheliyo iyo wasiir ku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Md Cismaan Garaad Maxamuud Garaad Soofe, waxa uu sheegay in qiimayn ay sameeyeen ka dib qandaaska ay ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo Salahdiin oo qandaaska ku soo gudbisay lacag dhan $6,000,000 (Lix Milyan oo Dollar).
“Marxalado badan ayuu soo maray tartanku qandaraaska shirkado ayaa tartamay, garina laba nin kama wada qosliso, hadii la baratamo ama la garramo mid uunbaa gartu raacdaa, qandaraaska waxa loo sameeyay booliska tababarkiisa iyo wixii la xidhiidha. Ciidanka farsamo ayuu u baahan yahay sida macalin iskuulku u diyaariyo casharrada uu ardeyda u dhigayo, maxaa loo dhigayaa askariga ayaa ku jira. Shirkad ayaa qandaraas lagu siiyay farsamadii lagu dhisi lahaa ciidanka si loo waafajiyo nidaamka dowliga ee caalamka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo sharraxayey heerarkii qandaraaska, waxaanu intaas ku sii ladhay, hadalkiisa, “Lix shirkadood ayaa qandaraaskaa ka soo qayb galay dabcan oo kala jaad-jaad midiba waxbay ka soo shaqeysay midiba mwaxbay takhasus gaara u lahayd guud ahaana waa shirkado amaanka ka shaqeeya waxaan lagu kala saarayaa qodobo ay ka mid yihiin 1. Aqoonta 2. Lacagta ay soo qorteen 3. In shirkadu tahay mid jirta oo shaqeysa khibrad ma leedahay 4. Qiimayn lagu sameynayo profileka shirkada. Laba shirkadood oo midi Somaliland ay ka shaqeyn jirtay Olive oo imka mid kale ay isku darsadeen oo layidhaahdo Olive New Port Africa iyo shirkada Salahdiin ku soo baxay qiimayntii dambe.”
Guddoomiye Nugaal waxa faafaahiyey qiimayaasha ay shirkaduhu soo gudbiyeen, “Labadii shirkadood qiimayn ka dib waxaa la isla qaatay shirkada Salahdiin ayaa qandaraaskii la siiyay kuwaasaana helay, gorgortan ayaanu galanay waxay soo qorteeb $6,838,000 qolada kakena waxay soo aqorotay $ 8,000,000. Gorgortan ka dib waxaa lagu siiyay $6,000,000”, ayuu yidhi.
Guddoomiyaha guddida qandraasyada qaranka Md Aadan Axmed Nugaal, waxa kale oo uu sheegay in aan wali la saxeexin qandaraaska oo uu sheegay inuu ku xidhan yahay asixinta xeerka abuuritaanka Ciidankan oo madaxweynuhu dorraad digreeto ku soo saaray iyo shirar dambe dhexmari doona shirkadda iyo hubinta qandaraaska.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Monday, September 29, 2014

Xuska iyo Xasuusta Macalin Feysal Cumar Mushteeg-W/Q Boobe Yuusuf Ducaale

Feysal Cumar Mushteeg
(1940kii-2012ka)
“Dhulyahow adna waan ku dhaarinayaa,
Ilaahii ku dhammeeyay ee ku dhisee,
Kuu kala dhigay dhoobo iyo ciid,
Dhexdaada ku beeray dhadhaabaha,
Jacaylka dhexdayada dhaqaaleeyoo,
Wixii na dhibaaya naga dhowr.”

Beyd ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-cankaabo@hotmail.com-www.dharaaro.com
Waa Qormo aan laba sannadood ka hor qoray oo aan dib u nakhtiimay si aynu u maamuusno sannad-guurada 2aad ee ka soo wareegtay geeridii naxdinta lahayd ee Macallin Feysal Cumar Mushteeg.
Waa halkii Gaarriye e’: Alleylehe qod baa dhacay, Alleylehe qar baa dumay,” Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye isagana aan u soo wada ducayno. Ha samaato oo ha la helo. Aammiin.
Magac kama miskiin ahayn. Waa Feysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa foolaadka fanka Soomaaliyeed, kuna soo dhex jiray tan iyo lixdannadii qarnigii tegay. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, xabaashana ha u nuuro.
20kii Bishii Sebtember 2012kii, ayaanu booqasho ku tagnay qolalka danbe ee yar yar ee cisbitaalka guud ee Hargeysa. Waxaanu u dan lahayn qolka 6aad oo safka hore ah oo uu deggenaa ama ku jirayba fannaankii caan-baxay ee Feysal Cumar Mushteeg. Afar ayaanu ahayn: Mustafe Kiiko, Baashe, wiilkayga Aw Yuusuf iyo aniga. Aw Yuusuf oo qolkiisa yaqaannay ayaa noogu hor degay. Soo-noqodkii uu soo socday waxaanu ka garannay, in Feysal laga saaray qolkii. Intii aanu aw Yuusufba na soo gaadhin, waxa qolkii bidix ka xigay ka soo baxay Cawil (Bulbul) oo macallin reer Hargeysa ah. Wuxu noo sheegay in la qaaday shalay oo ay u yimaaddeen rag ay ka mid ahaayeen Muuse Cali Faruur iyo Basbaas oo ka qayb-gelayay Bandhig-faneedka sannad walba bisha Oktoobar lagu qabto magaalada London. La-ye bas ayay ku sii qaadeen, ka dibna Berbera ayuu ku sakaraaday oo waa la soo celinayay. Tilifoonkii Muuse Cali Faruur ayaan garaacay, waxaana iga qabatay inantiisii oo ii sheegtay in ay maalintaa subaxnimadeedii dhoofayeen.
In uu Feysal Cumar Mushteeg dhakhtarka Hargeysa ku jiro waxaan ku ogaaday aniga oo magaalada Jubba ee Koonfurta Soodaan jooga badhtamihii bishii Ogos 2012kii. Maa daama ay Iiddii soo dhaweyd, Feysalna aan xarragadiisa ogaa weliba macawis-jacaylkiisii, yarkayga Aw Yuusuf ayaan u sheegay in uu macawis iyo cumaamad cusbayd oo guriga yaallay u geeyo shaadhna u sii iibiyo. Isaga ayaa ii sheegay in uu xanuunsanayo oo ay cisbitaalka isugu iman jireen fannaaniin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Aadan Dacar, iyo Basbaas.
Aw yuusuf isagana aqoon ayaa u korodhay oo wuxu goob-joog u noqday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Feysal Cumar Mushteeg oo marinaya qaar ka mid ah sheekooyinkiisii malabku ka hibitiqaayay ee qof dhegaystaa aanu afka isku dari jirin, dhegtana xoqan jirin.
Feysal Cumar Mushteeg ayuu magaciisu ahaa. Qaybo badan oo nolosha ummadda Soomaaliyeed ka mid ah ayuu aad iyo aad uga muuqday. Si aynu u garanno shakhsiyadda Feysal Cumar Mushteeg aynu u noqonno halkii uu ka beermay iyo gurigii uu ka soo baxay ama ku soo barbaarayba. Laba aan kala liidan oo magac iyo milgaba ku lahaa Hargeysa ayaa dhalay. Aabbihii wuxu ahaa Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa dadkii ra’yal- caamka Hargeysa samayn jiray ama qarqoori jirayba. Dhanka kale wuxu ka mid ahaa xertii Qaraamka. Waxaan ka mid ahay inta nasiibka u heshay in ay aragto Cumar Mushteeg oo suuqyada Hargeysa taxaashaya. Beryahaa Hudheelladan badani ma jirin ee waxa ugu mudnaa Oriental Huteelka oo saraakiisha iyo foolaadka magaaladuba fadhiisan jireen. In badan ayaan u soo lignaa Cumar Mushteeg oo sii gelaya ama ka soo baxaya, oo macawis iyo koofiyad xidhan, shaadhka gacmaha laabtay oo suxullada dushooda ku duubay, cumaamadi degta u saran tahay ulna sita. In uu carrab-jalaqo yar lahaa ayaan u malaynayaa.
Daba-ka-eri oo ahaa nin gabayaa ah oo caan-baxay ayaa maanso u soo dhiibay Tuke, taas oo uu ku sifaynayay gabadh uu duunka hoose ka jeclaa. Dadka uu ku soo hal-qabsaday waxa ka mid ahaa: Cumar Mushteeg iyo nin uu ku sheegay Cabdi Ina Wadaad oo uu uga gol lahaa Cabdi-dhuudhi oo qudhiisu ka mid ahaa odayaashii foolaadka u ahaa magaalada Hargeysa. Maansadaa Tukaha ee Aadan Jaamac Guuleed (Daba-ka-eri) ka soo diray magaalada Seylac oo uu askari ka ahaa, waxa ka mid ahaa:
“Cabdi Ina Wadaad iyo haddaad, Cumar Mushteeg gaadho,
Codka aan ku faro iiga gee, waan cadhaysnahaye,
Inantaad cadceed soo baxdiyo, canabka moodaysay,
Inantii ragguba caashaqee, ceelka Herer joogtay,
Dhulku idinla ciiryaye siday, Cadar idiin dhaaftay,”

Waxay sheekadu leedahay in uu Daba-ka-eri markii danbe guursaday gabadhaas oo la odhan jiray Canbaro Nuur Yeey oo u dhashay Faadumo iyo Maxamed.

Feysal, hooyadii waxay ahayd Aamina Maxamed Bulxan. Dumarkii muddakarka ahaa ee Hargeysa ayay ka mid ahayd. Waxay saaxiibbo ahaan jireen Habar-yartay faadumo Cabdi Ibraahin oo ‘Dararamle’ hooyadii ahayd. Dhammaantood Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Awowgii Maxamed Bulxanna (Cawar) wuxu ahaa gabayaa degellada Soomaaliyeed aad looga yaqaanno oo af-tahan ahaa. Gabayadiisa hal-ku-dhegga noqday waxa ka mid ah “Dal-dhammeeye”, oo uu ku bilaabay:
“Burhaan gabay Bullaalow beryaha, beeg is-ma lahayne,
Waa taan ka baaliday sidii, beeyo roob helaye,
Aan beyaamiyo waa taan tixaa, buuni ku ahaaye,”

Waxaana dhex-taal u ahaa beydka ah: “Dadka nimaan baguugaha mar noqon, buugga laga waaye.” Waxaan si fiican u xusuustaa habeen nin Jaamicadda Boosaaso macallin ka ahaa BBC-da ama VOA-da laga wareysanayay oo uu marinayay gabaygaa caan-baxay ee Maxamed Bulxan.

Feysal Cumar Mushteeg, aabbihii iyo hooyadiiba kama ay xumeyn in uu fannaan noqdo, balse waa ay ku majeeran jireen. Waalidkii beryahaa joogay iyo qaar badan oo immika joogaa se la mid ma aha. Feysal Cumar Mushteeg dareenkan wanaagsan ee waalidkiisu dhiirri-gelin ayuu u ahaa.
Saaxiibbadiisii fanka ay ku wada jireen lama ay qabin dhiirri-gelintaas iyo dareenkaa wanaagsan. In badan oo la mid ahayd deyro iyo duflaal waalan ayaa la qoray, taas oo saamaynteeda taban ku yeelatay noloshoodii faneed rag ha ahaadeen ama dumarba ha ahaadeen e’.
Sidii uu sheegay Axmed Saleebaan Bidde, Feysal Cumar Mushteeg wuxu ku dhashay kuna barbaaray magaaladan Hargeysa oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay. Cabdillaahi Fidaar oo Feysal mar la wada qoray dugsiga ayaan ka wareystay dhalashadii Feysal Cumar Mushteeg, waxaanu ii caddeeyay in ay labadooduba dhasheen 1940kii.
(La soco Qormada 2aad)
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Diiwaangalinta madaniga ah waa dhamaystirka geedi socodka Somaliland-W/Q Xasan Suudi Xirsi

Dalku wuxuu soo maray marxalado badan oo kala gedisan wuxuuna u soo gudbay marxalad somaliiland ay u suurto gashay inay samaysao astaan muujnaysa qaranimada Somaliland, taasoo muwaadiniinta Somaliland siinaysa fursad ay ku cadeeyaan oo ayku sugaan muwaadinnimadooda.
Waxay diiwaan galintu markhaati ka tahay dal la yidhaahdo Somaliland iyo dadkiisa waxaanay meesha ka saaraysaa shuubihaat (waxaan u jeednaa waxay dawladaha dariskaa iyo dawladaha caalamka nahay u cadaynaysaa muwaadinnimda sugan ee soomaliland).
Diiwaangalintu waa dhamaystirka rukumada aasaasiga ah ee muujinaaya gooni isu taagii somalialnd 18 may 1991, markaa waxa xil ka saaran yahay qof kasta oo muwaadin ah inuu ka ilaaliyo saddexda fiiqan hirgalinta diiwaan galinta saddexdaasoo kala ah ( isha, farta iyo carabka) taa macnaheedu waxay tahay diiwaan galinta cid gaari ma laha waa hanti ka dhexaysa Somaliland oo dhan waa xaq loo siman yahay min madaxwayne ilaa muwaadinka caadiga ah sidaasoo kale wuxuu xil muqadasi ka saaran yahay xisbiyada qaranka mucaarid iyo muxaafidba iyo waliba dhamaan bulshada rayidka ah, madaxdhaqameedka, dhaamaan wasaaraadaha xukuumada iyo dhamaan ururada mihnadaha ah, si kale haddii aynu u nidhaahno waa waajib qaran oo saaran fulintiisa cidkasta.
Diiwaan galintu wuxuu xil ka saaran yahay qof kasta oo gaadha xiliga uu xaqa u leeyahay inuu qaato waxa kale oo uu xil ka saaran yahay waalidiinta inay xaqiijiyaan in la qaatay kaadhka aqoonsiga, waxa kale oo laga sugayaa dhamaan maamulada gobol ilaa degmo oo ay tahay gobolkastaaba inuu xaqiijiyo inuu dadkiisu qaatay, waxa kale oo meesha soo gali karta tartanka la isku abaal mariyo min tuulo ilaa qaran taasoo tirada dadka aqoonsiga qaadatay ay wax wayn ka tarayso saami qaybsiga mashaariicda horumarinta iyo kuraasta golayaasha qaranka, taas macnaheedu waxa weeyi ninkii seexdaa ayaa siciisu dibi dhali doonaa.
Diiwaan galinta waxa xil ka saaran yahay dhamaan qorayaasha sida warbaahinta iyo website yada. Tv-yada inay fuliyaan barnaamijka ay soo diyaarin doonto wasaarada arrimaha gudaha iyo wasaarada warfaafinta.
Waxaan ku talinayaa in wargaysyada laga siiyo bog ololaha wacyigalinta diiwaan galinta tv-yaduna ay siiyaan ugu yaraan 15 daqiiqo oo u khaas ah wacyi galinta diiwaangalinta, taasoo wax wayn ka tari doonta wacyigalinta, website-yadu ay ku soo qaataan bogag gaar ah si talaabo wada jira loo qaado.
Ugu danbayntii waxa hambalyo leh iyo bogaadin tixgalinta wayn ee ay siisay xukuumadu hirgalinta diiwaan galinta gaar ahaan madaxwaynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wasiirada xukuumadiisa gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancad ee inoo diyaariyay dhamaan kaabayashii diiwaan galinta iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo fudeeyay kaalina ka qaatay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha la hordhigaayey hir galinta diwaan galinta, waxaana bogaadin mudan saddexda xisbi qaran oo ugu danbayntii isla meel dhigay xaqnimada saxda ah ee diwaangalinta.
Siyaasi madaxbanaan
Xasan Suudi Xirsi
Bashkail30@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Midnimadu Kuma Xidhna Dhaqanka Iyo Luuqada-W/Q Cabdicasiis Maxamed

Ereyga midnimo -naxe ahaan- waa magac ka kooban laba erey oo la lammaaneeyay kuwaas oo kala ah: mid+nimo oo macnohooda wadajira uu yahay mid ahaansho. Haddaba ereyga midnimo macnihiisu waxa uu ku rumoobayaa wax kasta oo loo siman yahay, Sida: heshiis loo dhan yahay, diin, qaran, fikir, urur,iwm. Haddaba midnimadu ma aha wax ku xidhan diin, dhaqan ama af (luqad). Sidaa daraadeed madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waa uu ku qaldan yahay marka uu leeyahay waxa aan mideynayaa Soomaaliya iyo Somaliland isaga oo xujo ka dhiganaya in ay isku af, isku dhaqan iyo isku diin yihiin, xaqiiqdii taasi waa uu ku qaldan yahay boqolkiiba boqol. Waayo, waxa adduunka ka jira dowlado iyo qaramo badan oo isku dhaqan isku luuqad iyo isku diin ah haddana aan mideysnayn marka laga eego qaran ahaan iyo dowlad ahaan sida qaramo badan oo ka jira Yurubta, Carabaha, reer Galbeedka iyo weliba Aasiya. Sidaa darteed haddii ay midnimadu ku xidhan tahay luuqad am dhaqan ama diin kuwaas ayaa midoobi lahaa. Taasi waa mid. Tan kale waxa ay tahay in dowladda taagta daran ee Soomaaliya ay u quudhi la'dahay horummarka ay ku tallaabsatay Somaliland, horaa loo yidhi (kullu nicmatin lahaa xaasid) oo macneheedu yahay nicmo walba wax ay leedahay cadow iyo xaasid jecel inay suusho, Sidaa darteed waxa aan leenahay (Nacuudu biLLAAHI misharri kulli xaasid) oo macneheedu yahay ILLAAH baannu ka magan galeynaa xaasid kasta. Haddaba shacabka Reer Somaliland waxa aan ugu baaqayaa in ay nabadgelyada ay ku naalloonayaan ay ilaashadaan iyo inay is diwaan geliyaan, waxa aan Salaan sharaf leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuryadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Saddexda xisbi qaran iyo hoggaamiyayaashooda, oo waxaan leeyahay khilaafka ka fogaada oo is waafaqa cadow badan baad leedihiine.

Qalinkii cabdicasiis Maxamed
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo oo la ciiday Boqolaal Arday oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta ka qaybgalay Munaasibad Qalinjebin ah oo loo qaybta Ardayda Sanadkan ka baxday Jaamacada Hargeysa University.

Munaasibadda uu madaxweynuhu saaka kala qayb-galay jaamacada Hargeysa, ayaa noqonaysa Jaamacadii Shanaad ee uu sanadkan la qaybsado farxada Qalinjebinta Ardayda iyo Waalidiintaba.

DSC_0377Jawiga Saaka ayaa ahaa mid ka duwan sidii hore ee madaxweynuhu uga qaybgeli jiray xafladaha noocan oo kale ah ka dib markii ay gaadhiga Khaaska ah ee Madaxweynaha soo wada raaceen Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo iyaguna maanta goobjoog ka wada ahaa xafladan, hadalana ka soo jeediyey ka dib wada hadalo beryahanba u socday Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaradka oo la xidhiidha Diwaangelinta iyo Xaalada Dalkaba sidii meel looga soo wada jeedi lahaa.

HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/09/khud.mp3"][/audio]

DAAWO SAWIRRADA

[gallery columns="4" ids="9015,9014,9013,9012,9011,9010,9009,9008,9007,9006,9005,9004,9003,9002,9001,9000,8999,8998,8997,8996,8995,8994,8993,8992,8991,8990,8989,8988,8987,8986,8985,8984,8983,8982,8981,8980,8979,8978,8977,8976,8975,8974,8973,8972,8971,8970,8969,8968,8967,8966,8965,8964,8963,8962,8961,8960,8959,8958,8957,8956,8955,8954"]

“Markaynu diiwaangelin sax ah helno ayeynu doorasho sax ah helaynaa, laakiin talo-galkayagu waxa uu ahaa inay…..” Guddoomiye Geele

Hargeysa:Sep,29, 2014(Himilo)-Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka           Qaranka Somaliland          Maxamed Axmed Xirsi(Geele), ayaa Ka Hadlay diiwaangelinta Madaniga ah ee Dalka laga Bilaabay iyo sida ay muhiim ugu tahay qaranka Somaliland.

geelleGuddoomiye Geelle oo maanta u warramayey Warbaahinta, ayaa sheegay in diiwaangelin sax ah oo la helaa ay dalka u horseedi doonto Doorasho xor ah, waxana uu tilmaamay in deeq-bixiyayaashu ay Wax la qabashadeena diyaar u yihiin,

“markaynu diiwaangelin sax ah helno ayeynu doorasho sax ah helaynaa, laakiin talo-galkayagu waxa uu ahaa inay doorashooyinku 2015-ka Dhacaan, qorshihiina waa yaalla Deeqbixyayaashuna aad bay diyaar ugu yihiin, innaguunbayna inagu xidhan tahay kolba sidaynu shuruucdeena u hirgashano.” Ayuu yidhi Maxamed Axmed Xirsi Geelle.

 

Mudane Geele waxa uu ku adkaystay inaanay labada Diiwaangelinood aanay is dabraynin, waxana uu intaas raaciyey inay Diiwaangelinta Madaniga ahi tahay mid Kharashaadkeedu dusha ka saaran yahay Xukuumadda,

“maalgelinta labada diiwaangelinood ayaa kala duwan oo tan codbixyayaasha waxa inaga caawiya bulshada caalamka, tan madaniga ahna waa arrin qaran oo waddani ah, kharashkeeda oo dhamina dawladda ayaa wada qaaday, waana lagu heshiiyey inay labada mashruuc oo is barbar socdaan, halka ay iska soo gelayaan ay ka wada Hadlaan kolba Wasaaradda Daakhiliga iyo Komishanka qaranku wax isdabrayana ma aha.” Ayuu Yidhi Maxmed Axmed Xirsi.

Komishanka Xilliga ee Somaliland, ayaa muddo-xileedkoodu gabaabsi tahay, waxana uu hore madaweyne Siilaanyo ugu wargeliyey cidda ay magacaabistoodu khusaysaa inay soo magacawdaan ciddii ay ku beddelan lahaayeen xubnahan xilligoodu dhamaaday.

Wasiir Cadami Oo Sheegay In Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u Saaray Tabashada Reer Awdal ay Yeesheen Kulamo Aan Wali Natiijo Soo Saarin

Hargeysa:Sep,29,2014(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaashi Cali Cadami oo kamid ahaa Guddidii dhawaan uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Kasoo Talo-bixinta Tabashadii Reer Awdal, ayaa ka warramay Kulamo dhawr ah oo ay Guddidaasi Yeelatay.

wasiir cadamiWasiir Cadami oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta somalilnad, ayaa tilmaamay inay Hawlihii madaxweyne Siilaanyo u Igmaday Guddidoodu ay Meel Fiican marayaan, isla-markaana kulamadooda kadib ay soo saari doonaan Natiijada.

“Maanta anigoo ku hadlaya Magacii guddida Madaxweynuhu u saaray tabashadii Madaxdhaqameedka oo isku dhan oo ah arin qiimaynteeda iyo qaddarinteeda mudan, waxaan jecelahay inaan halkan ka caddeeyo in wixii daraasad aanu ka soo samaynaynay fadhigii 7-aad shalay ahaa.” Ayuu yidhi Mr Caddami

Wasiir Axmed Xaaji Cali Caddami, waxa uu sheegay inay markii horeba seegtay inay warbaahinta u soo bandhigaan Kulamadoodii u horeeyay si meesha uu uga baxo warka ah inaanay wali talaabo qaadin

“Waxaan Warbaahinta ku arkay qaar leh Guddidii wali fadhi may qaadan,waxay ahayd maalintaanu Shirka qabsanaynay ba inaanu Warbaahinta ka nidhaahno wataas caddayntii oo waxan baanu qabanaynaa laakiin anaga faan iyo Ismuujin nagamay ahayn.waxa anaga noo danta ahi waxay tahay Cabashada Madaxweynuhu noo dirtay inaanu wixii daraasad ah ka soo samayno oo Madaxweynaha u gudbino ka dibna wixii ay is odhanayaan Madaxdhaqameedka iyo madaxweynuhu kawada xaalaan” ayuu yidhi Mr Caddami

 

Wasiir Caddami waxa uu rajo ka muujiyay is afgarad dhex mara Madaxweynaha iyo madaxdhaqameedka Awdal “Anaga meel fiican bay hawshii noo maraysaa,waxaanuna jecelahay inay sidaas ku dhamaato oo ay Sodmaliland ku soo caano maashay, Markaa Madaxweynaha iyo Madaxdhaqameedka ayay Isqancintii u taala, iyagana waanu ku kalsoonahay” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa xusid mudan inuu Maanta wasiir Axmed Xaashi Cadami uu shirkiisa Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo sababunta tahay inay xukuumaddu doonayso inay Shacabka Reer Awdal u muujiso dedaal ay kaga jirto Turxaan Bixinta Deegaanada Awdal.

 

Himilo Media

 

Afghanistan Oo 13-Sano Kadib Loo Dhaariyey Madaxweyne Doorasho Ku Yimi

Kabul:Sep,29,2014(Himilo)-Caasimadda Dalk Afghanistan ee Kabul, ayaa Maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Cusub ee Dalka Afghanistan Ashrif Ghani oo dhawaan doorasho kusoo baxay.

ashgAsharaf Ghani ayaa loo dhaariyey xilka Madaxweynaha Afghanistaan, halka murashaxii la tartamayey Cabdullah Cabdullah loo dhaariyey Madaxa Fulinta ee xukuumada (chief executive), waxaa sidoo kale xilka loo dhaariyey laba Madaxweyne kuxigeen.

Hogaamiyayaashan ayaa laga sugayaa inay soo dhisaan dowlad Midnimo Qaran, wallow aan la aqoon sida ay u wada shaqeyn doonaan labadan hogaamiye oo sadexdii bilood ee lasoo dhaafay si weyn isugu heystay natiijadii doorashooyinka.

Madaxweynaha Xilka ka degay Xamiid Karsaay oo khudbadii xil wareejinta kasoo jeediyey munaasabada ayaa sheegay in 13 sano uu xilka soo hayey isla markaana ay ka horyimaadeen caqabado badan balse uu xooga saaray Midnimada Wadanka Afghanistan.

Kooxda Talibanka oo dagaalka kula jirta dowlada Afghanistan ayaa qaadacday xukuumada cusub iyagoo dar dar siigeliyey duulaanka ay wadaan, waxaana maanta qarax xoogan ka dhacay nawaaxiga Airporka Kabul intii ay socotay xaflada lagu dhaarinayey madaxda cusub.

Marka laga yimaado dhibaatada dhanka amaanka ee ka jirta Afghanistan waxaa sidoo kale u dheer dhaqaale xumo baaxadleh iyadoo ay dalka isaga baxeen shirkado badan oo ka cabsi qaba in amaanka uu faraha ka baxo, Ciidamada NATO ee Maraykanka hogaamiyo ayaa lagu wadaa in dalkaasi isaga baxaan dhamaadka sanadkan.

Dowlada Afghanistan ayaa codsatay in ka badan $500 milyan oo dollar oo dib loogu kiciyo dhaqaalaha iyo ganacsiga wadanaasi.

 

Himilo Media

 

Natiijada Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Fasallada Afraad ee Dugsiyada Dhexe iyo Falladda Afraad ee Dugsiyada Sare Oo La Shaaciyey

Hargeysa:Sep,29,2014(Himilo)-Waxa ay Maanta Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku si rasmi ah u shaaciyeen Natiijadii imtixaanaadka Fasaladda Afraad ee Dugsiyada Dhexe iyo Afraad ee Dugsiyada Sare.

eceMunaasibadda Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah lagu shaacinayey oo ka Dhacday Xarunta Guddiga Imtixaanaakda ee Magaalada Hargeysa, ayaa Lagu shaaciyey Natiijada Imtixaanaadkaas oo ay Ardaydu si weyn usugaysay, waxana, xarunta kasoo xaadiray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Maamulayaasha Dugsiyada kala duwan ee Hargeysa ku Yaalla iyo Waliba Masuliyiinta Xafiiska Imtixaanaadka Magaalada Hargyesa.

Masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay inay sanadkan Falada siddeedaad ee Dugisyada Siddeedaad imtixaanka u fadhiisteen 13266-Arday, kuwaas oo ay intooda Badani Gudbeen, Halka ay fasallada Afraad ee Dugsiyada sarena u fadhiisteen 7799-Arday oo Maanta natiijadii ay keenaan la shaaciyey.

Waxa Halkaas lagaga Dhawaaqay Tobanka Arday ee ugu sarreeya Dugsiyada Siddeedaad ee Dugsiyada dhexe iyo Waliba Tobanka Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada Afraad ee Dugsiyada Sare, waxana Sanadkan Fasallada Siddeedaad kaalinta Koowaad ka galay Dugsiga Dugsiga Ilays oo ku yaala Magaalada Hargeysa.

Fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare waxa Kaalinta Koowaad ka Galay Dugsiga Dayaxa ee Magaalada ee Magaalada Burco.

Waxa xusid mudan in sanadkan uu xafiiska imtixaanaadku nidaamkii uu Natiijada u soo dhejin jirey kusoo kordhiyey inuu Dugsiyada Gaarka loo leeyahay Gaarkooda kala sarrayntooda u soo saaray, Halka uu kuwa Dawliga ahna kala sarrayntooda si gaar ah usoo saaray.

Masuuliyiinta Xafiiska imtixaanaadka oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Daa’uud Axmed Farax, ayaa Halkaas uga Mahadceliyey Guud ahaanba Maamulka Dugsiyada iyo Ardayda Maanta Natiijadoodii helay, waxana uu usoo jeediyey inay Dedaalkooda Halkaas kasii wadaan.

Wasiiru-dawlaha wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye oo isaguna Halkaas ka Hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Ardaydu helaan Natiijadooda oo ay muddo Sugayeen.

 

Himilo Media

Sunday, September 28, 2014

Somali Remittances: UK Government strives to support safer remittance flows to Somalia – By Andrea Leadsom

In recent months, the UK government has worked closely with the Somali community on the issue of remittances. I understand the levels of anxiety in the community, as a result of changes to banking arrangements for key Somali MSBs and the fragility of many peoples’ situation in Somalia. Since coming into my new Ministerial role earlier this year, I have made sure that the government is doing what it can to ensure remittances continue to flow through accessible, secure channels from the UK to all regions in the world, including Somalia. At a number of community meetings over the last month, government officials have listened to your concerns and given you more information about the work we are doing. The issue is complex and international. Across the world, banks have been nervous about their business with money transmitters. This is because when they move money around the world, the banks need to have systems in place to understand where the money is from, where it is going, and why. This helps them prevent criminals from using their services to launder money, and individuals from providing funding to terrorists. Money transmitters have the same obligations. But the issues are if anything more difficult because they tend to pull together a large number of individual payments and process them in one group through their bank account. The UK government understands that it is important that UK citizens have access to a competitive, efficient and transparent remittance sector. We have set up an Action Group on Cross Border Remittances. This group brings together the community, money remitters, banks, regulators, law enforcement and government officials so that we can work together to find a solution. The Department for International Development and the World Bank are also working with UK-Somali money remitters, banks and the community both in the UK and Somalia to build a Safer Corridor. The pilot is designed to improve the transparency of the systems that are already in place. This will enable money remitters to provide banks with evidence about who the money has gone to and that it actually arrived. I have contacted the leaders of the banks myself, to encourage them to engage with this vital work and to support the money remitters serving your community. And we will continue to consult community representatives to make sure that the proposals for the Safer Corridor are designed in a way that works for you and your family members and friends who you send money to in Somalia. I hope everyone in the community will get involved, to ensure that these developments work for you and your families. Community representatives, government and money remitters have prepared a fact sheet, to ensure that, as the market adapts, those remitting funds to Somalia have clear information about how they can do so. The hard work and community spirit of the Somali diaspora has helped to support those in the Horn of Africa for whom remittances provide a vital lifeline. I am committed to the continued close partnership between the UK government and the Somali community in the coming months to secure the future of remittance giving to Somalia. Together we can make a difference. Andrea Leadsom is the Member of Parliament for South Northamptonshire and the Economic Secretary to the Treasury. You can follow her on Twitter @andrealeadsom
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Kooxda Xiddigaha Geeska iyo Casriyaynta Fanka-W/Q Sakariye Saxardiid Axmed “Awaare”

Fanku guud ahaan ujeeddooyinka uu gudbiyo mar kasta waxa xukuma waayaha bulshada uu la nool yahay iyo ka-dabqaadashada dhacdooyinka hadba ku cusub nolosha. Sideedaba fanku waa jidka ugu toosan ee ummad suugaaneed wax loogu sheegi karo, iyada oo dhinaca kalena abwaannadu ay ku gudbiyaan farriimo gaar ah oo ka curta dareenkooda shakhsiga ah ama dareenka sheeko qof kale ku dhacday oo uu hal-buurku la wadaago, hibadiisana dhaqaajisay.
Fanka cusub ee soomaalida oo soo taxnaa in ka badan “nus-qarni” ilaa iyo haatanna socda, soconna doona, muddadaas uu jiray waxa uu marayay heerar kala duwan, iyada oo qof kasta oo hibo faneed lehi uu kaalin kaga jiray. Laakiin haddana mar walba cid baa majaraha u haysay.

Maxaa cusub imika?
Waxa aynnu naqaannaa “Xiddigaha Geeska”; magacan waxa ku kulma koox dhallinyaro ah iyo hibooyin dabiici ah oo kala jaad jaad ah: abwaan, fannaan, miyuusishan, soo saare, farsamo yaqaan, sawir qaade, iyo in kale oo laga yaabo in aan ka tegay. Xiddigaha Geesku waxa ay noqdeen lafdhabarta fankan casriga ah; marka loo eego heesaha ay soo saaraan oo ah kuwo in badan ka turjumaya dareennada bulshada, haddii ay tahay waddaniyadda, jacaylka ama hadba dhacdooyinka jira.
Dhinaca kale fanka inta aynnu ognahay maanta ma jirto cid sidan oo kale u abaabulan dalka gudihiisa iyo dibadda toonna. Waxa muuqata kaalin mug leh oo la tabayay in ay buuxiyeen. In dadku jeclaadaan ama ay yeeshaan shacbiyad faro badan oo soomaali ah, marka laga yimaaddo tayada fankooda isu dheelli tiran, qodobka ugu mudan ee sababay waa midnnimadooda, nidaamkooda iyo isku xidhnaanta ka dhexaysa xiddigaha.
Magacan hanaqaadka noqday ee “Xiddigaha Geeska” waxa bixiyay guddoomiyaha kooxdan abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax.
Falanqaynta fanka Xiddigaha iyo fannaaniinta ku caan baxday luuqda hallaasiga ah ee wiilal iyo gabadho ba leh kagama geyoon karno qormo iyo laba toonna. Bal se aan in yar ku nasto guddoomiyaha.

Waa kuma Xasan Dhuxul Laabsaalax?
Waa abwaan saamayn weyn ku leh fankaas aynnu ka soo sheekaynay. Waxa uu halabuuray sida aan qiyaasayo ku dhowaad 80 heesood oo taabbogal ah. Heesahaasi in ay hanaqaad yihiin waxa ka markhaati ah dhegaha dadka iyo taariikhda. Midhaha farshaxanka ah ee uu soohaana waa kuwo had iyo goor soo jeediya dhegaha sii jeeda oo ka dhex hadla dareenka gudaha quluubta dadka.
Geesta kale waxa uu ku caan yahay laxanka ama naaxiyadda oo ah waxa heesta hees ka dhiga. Abwaan Laabsaalax waxa uu leeyahay gabayo iyo maansooyin bad kasta leh oo aad farshaxannimadooda yaabayso. Marka laga tago fannaaniinta ka tirsan Xiddigaha Geeska, waxa kale oo heesihiisa qaada fannaaniinta kale ee soomaalida ee aad wada taqaanniin inta ugu badan.
Laabsaalax waa abwaan da’yar oo aan ku tilmaami karo in uu jeexay waddo iyo majiire xilligan loo baahnaa. Waxa aan leeyahay waa T. S. Eliot-ka soomaalida ee qarnigan 21aad (abwaanka casriyeeyay fankan casriyaysan).
Haddaan heesaha faraha badan ee kala duwan mid ka mid ah soo qaato waxaan doorbidi lahaa heesta “intaan u shub dhiig lahaa” oo ujeeddo ahaan calaacal ah. Iyada oo heestu u muuqata mid garnaqsi ah ayay tuducyada xagga danbe ee heestuna muujinayaan go’aan qaadasho qanaacad daris la ah.
Haddaan kugu dhaadan jiray,
Xiisuhu ka dhamaa qalbiga!
Waxa qaadda mid ka mid ah hablaha ugu codka macaan fanka Soomaaliyeed ee casrigan. Haa. Waxa la odhan karaa waa xiddigta Xiddigaha Geeska. Waa Yurub Maxamed Cabdi “Geenyo”.
“Intaan u shub dhiig lahaa
Dhansii dacar maad lahayd
Intaan ku dhawow lahaa
Miyaad ka dhaqaaq lahayd
Intaan la dhammee lahaa
Miyaad u dhammee lahayd
Intaan dhiso aqal lahaa
Miyaad dhabar jabi lahayd
Muddaan is lahaa ha dhayo
Niyadda waad dhaawacdee
Haddaan kugu dhaadan jiray
Xiisuhu ka dhamaa qalbiga!”
Heesaha kale ee aan jacaylka ahayn ee uu abwaanku ku cabiray dareenka waddaniyaddu hagayso iyo xeeldheerida farshaxannimo waxa aan soo qaadan karaa heesta “Goonni-isu taag” oo miisaanka godkeedu uu yahay dhaanto ama heello.
“Markaan calan gaar ah guudka sudhnee
Goonnida isu taagnayeen go’nay baan
Talada garannoo hantinnay guushee
Dadyahow gebigiin gacmaha is qabsada
Haddaan loo go’in godkana loo galin
Haddaan kuman geesi u mudan geerida
Haddaan gobannimo guntiga loo xidhan
Miyaan guranlayn midhaha soo go’ay!
Horay god madow gondaha dhigatoo
Talada gurracani gunaad ka tagtee
Hadduu galabtaba xor yahay geyigii
Wallee ma gabee Guulloow mahaddaa
Allow ku gargaar gayiga nabad oo
Dadkana garansii lib iyo gobannimo!”
Silsiladda Fanka iyo Xilliyada:
Dad baa isla doonta qaraamigii iyo heesahan cusub, iyaga oo isku dhererinaya erayo heesihii hore ku jira iyo erayo heesaha cusub ku jira ama hees hore iyo hees danbe, isla mar ahaantaana u soo jeediya heesaha cusub dhalliil aan macno lahayn. Dadkaas waxa aan leeyahay: Noloshu way socotaa wax kasta oo ka mid ahina way soconayaan, fankuna waxa uu ka mid yahay noloshan soconaysa. Sidaa awgeed fanku ha laafyoodee ka daaya docadocaynta.
Heesihii hore, kuwii dhexe iyo kuwan cusub waxaba innaga ayaa leh. Waxa jira eray xilligiisii iyo waayihiisii la jiray iyo eray xilligan iyo waayahan la jooga. Mid waliba in goorta uu habboon yahay la adeegsado ayuu ku qurux badan yahay.
Kollayba aniga way igu adag tahay inaan is hor taago qayb ka mid ah nolol faro badan oo soconaysa; taas macnaheedu waa fanka marka aan qaybtii hore oo keliya ku dhegsanaado qaybtan danbena aan bilaa macne u arko, miyaanan kala jarayn fankii majiiraha haystay ee nolosha la tallaabsanayay. Sida lafaha geriga la iskuma jabiyo waxaan is diiddanayn oo is oggol oo wada noolaan kara!.

Sakariye Saxardiid Axmed “Awaare”
Email: qaraami1987@hotmail.com
Burco, Somaliland
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Hambalyo Meher

Bahda Himilo Media Group oo kala ah Guddoomiye Madar Cabdi Axmed, Madaxa Maamulka iyo xidhiidhka bulshada Cabdilaahi Maxamed Axmed, Tifatiraha guud Khadar Iid Kaariye, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Maxamuud Cali Axmed (Walaaleeye), Caydaruus Sh Cumar Geedi, Axmed Cumar Axmed, Cismaan Axmed, Cismaan Axmed Cismaan.
Waxay dhamaantood hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka
Cali Cabdillaahi Shaqalle
Iyo
Rooda Cabdirisaaq Faarax.
Oo meherkoodu ku qabsoomay 27,09,2014 caasimada hargeysa, gaar ahaan Maansoor hotel, guud ahaan bahda Himilo Media Group waxay qoyskan cusub ugu ducaynayaan in illaahay ka dhigo qoys khayr leh oo aqalgalkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo.
Aamiin…………Aamiin…………….Aamiin.
Hambalyo Meher
Dr. Fred Wesonga, George Okumo, Abdirahman Ismail, Dr. Ibrahim Osman
Suliam (Xanaano), Dr. Mohamed Sheikh Ilmi, Dr. Mohamed Nour Jama, Dr.
Abdideeq Mohamed Yusuf, Dr. Mustafe Mohamed Saleban, Mr. Mohamed Adan
Ahmed (Guun), Abdiqaadir Fartaag, Iyo Dhamaan Shaqaalaha Dugsi
Goboleedka ISTVS/TN Waxay Hambalyo u dirayaan meherka
Ali Abdilaahi Shaqalle
Iyo
Rooda Abdirisak Farah Qabile
Oo meherkoodu 27sep2014. Ku qabsoomay Magaalada Hargeysa, waxaanu leenahay ilaahay haka dhigo kuwii isku waara ee ubad khayr leh kala hela Aamiin……..Aamiin……Aamiin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Milicsiga Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii. Q...4aad. -W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dhimashadii iyo Dhaawicii Dagaalkii 1977-kii

ccFebruary 1978 huwanta Itoobiya iyo Kuuba oo Ruushku dabada ka soo riixayo, waxay dagaal 2 maalmood socday dib ugula soo noqdeen Jigjiga. Sida la sheegay 3,000 ayaa halkaa kaga dhintay Soomaalida.
Toddoba maalmood gudahood waxa Somaalida laga furtay intii badnayd dhulkii ay qabsadeen. March 9, 1978, Madaxweynahii Somaaliya Maxamed Siyaad Barre waxa uu ciidamadiisa ku amray in ay dib ugu soo laabtaan fadhiisamahii ay ku lahaayeen gudaha Somaaliya. Baaqu waxa uu soo baxay mar ay le’deen 30% ciidanka, lana burburiyay 80% hubkii, isla markaana, ciidanka cirku ay goobtaa kaga soo tegeen 50% dayuuradihii.
Dagaalka 1977 waxa la isu adeegsaday hub casri ah, waxaana laga dhaxlay burbur aan laga soo waaqsan karayn. Sida ku kaydsan xogaha la hayo, dagaalku waxa uu galaaftay ama ku qudh-baxay dad gaadhaya ilaa 37,000 (Somaali 15,000, Jabhadda WSLF 2000, Itoobiya 15,000 iyo Cuba 5,000). Tiradani way ka duwan tahay tii aynu hore u soo sheegnay, oo taariikhaha qaar ayaa sidan sheegaya.
Si kastaba ha ahaatee, guul-darradii 1977 waxa ay soo afjartay riyadii shanta Somaaliyeed (Somaali- Weyn). Dhinaca kale, hankii Somaali weyn waxa gabaabsi ka sii dhigay markii dadweynaha reer Djibouti 95% u codeeyeen in ay madax-bannaani buuxda iyo gooni-isu-taag. Aftidii laga qaaday waxa ay “MAYA” ka yidhaahdeen in ay ku biiraan midnimada Somaaliya.
Sidaa awgeed, sannadkii 1981 Madaxweynahii Somaaliya waxa uu booqasho ku tegay dalka Kenya halkaas oo uu ka sheegay in ay gabaabsi tahay riyadii Somaali-weyn. Bishii December 1984 Somaaliya iyo Kenya waxay kala saxeexdeen heshiis xabbad joojin iyo in la xurmeeyo soohdimaha labada dal. Balse inkastoo ay joogsatay colaaddi ka aloosnayd xuduudaha haddana waxa muddo dheer sii socotay weerarro ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah taasoo ay wadeen xoogagga loo yaqaanay “Shuftada”.
1. Sababihii Ruushka iyo Kuuba u Raaceen Itoobiya
Dabayaaqadii sannadkii 1976-kii ayuu Mingistu heshiis la galay Midawgii Soofiyeet. Heshiiskaasi wuxuu ahaa mid dhinaca millateriga iyo iskaashi ah, kadib dawladdii Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka soo horjeedo heshiiskaas, sababtoo ah wuxuu ka horimaanayey heshiiskii ay dawladda Soomaaliya hore ula gashay Midawga Soofiyeet.
Arrintan waxay keentay khilaaf weyn oo soo kala dhexgalay dawladdii Soomaaliya iyo Midawgii Sooftiyeed, Madaxweynihii waqtigaas ka talinaayey Midawga Soofiyeet ayaa booqasho ku yimi Soomaaliya si uu ugu qanciyo dawladda Soomaaliya in heshiisku yahay iskaashi iyo waliba in khilaaf dhulka ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya lagu dhammeeyo wada hadal, balse dawladda Soomaaliya ayaa ku gacan-saydhay dalabkaas, waxaanay ka dalbatay Midawga Soofiyeet inuu joojiyo hubaynta Itoobiya, maadaama ay caqabad ku tahay heshiiskii Midawga Soofiyeed iyo Soomaaliya dhex maray sannadkii 1974-kii.
Madaxweynihii Midawga Soofiyeet sidii kumuu qancin, balse mar kale ayuu Soomaaliya ka codsaday inay joojiso dhaqdhaqaaqa ay ka wado gudaha Itoobiya, lana sameeyo iskaashi goboleed oo laga baaqsado xurguf dagaal oo aakhirka dhex marta Itoobiya iyo Soomaaliya, arrintaasi waxa mar labaad diiday dawladda Soomaaliya.
Madaxweynihii Midawga Soofiyeet wuxuu ka dhoofay dalka, isagoo wax guul ah aan ka gaadhin arrintu u socday, muddo yar kadibna Gen, Maxamed Cali Samatar ayaa booqasho ku tegay Midawga Soofiyeet xaruntiisa, kadib wadahadalo dhexmaray madaxdii Midawga Soofiyeet waxay u caddeeyeen inay doonayaan in heshiis is afgarad dhexmaro Soomaaliya iyo Itoobiya oo laga baaqsado dagaal, taas beddelkeeda uu Midawga Soofiyeed siiyo Soomaaliya hub iyo dhaqaale xoogan, waxyaabaha uu u ballanqaaday Midawga Soofiyeet waxa ka mid ahaaa;
1. Inuu la wareego miisaaniyadda ciidanka xooga dalka Soomaaliya.
2. Inuu dhiso warshad taayirada samaysa.
3. Inuu dhiso warshad samaysa baytariyada baabuurta, iyo
4. Inuu guryo u dhiso ciidammada soomaaliya.
Ballanqaadkaasi kumay qancin dawladda Soomaaliya, waxaanay sii wateen fikirkoodii inay Itoobiya weeraraan, kana xoorreeyaan dhulka Soomaalidu degto, isla arrintaasi awgeed ayuu dalka booqasho ugu yimid Madaxweynihii Kuuba Fidal Castro si uu dhex-dhexaadintii u sii ambo qaado, waxaannu soo jeediyey in shir qarsoodi ah lagu qabto dalka Yementa Koofureed. Madaxweyne Siyaad Barre wuu aqbalay soo jeedintaas, kadib waxa la tegay dalka Yemen, waxaana ajendaha shirka soo diyaariyey Madaxweyne Fidal Castro.
Qodobada ugu waaweyna shirka waxa ka mid ahaa; in la isu soo dhawaado oo Itoobiya iyo Soomaaliya isku soo dhawadaan iyo in dalalka Soomaaliya isku soo dhawaadaan iyo in dalka Soomaaliya, Itoobiya, Eratariya iyo Yemen samaystaan dawlad iskaashaday ah (Co-federal), Maxamed Siyaas Barre wuu ogolaaday halka Mingistu ku gacan-saydhay.
Mingistu wuxuu sheegay inaannu waxba la qaybsanayn Eratariya, halka Maxamed Siyaad Barre ku xidhay shuruud ah in laga hadlo xorriyad siinta dadka Soomaalida ee Itoobiya iyo waliba aayo ka tashigooda.Shirkaasi muu noqon mid midho dhala, markii shuruudo ay ku xidheen madaxdii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qallinkii
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Colaadihii Geeska………… Cali Cabdi Coomay
La soco………………………..

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Wiil ay Walaalo Yihiin Orodyahan Mo Faarax Oo Lagasoo Mustaafurin Doono Dalka Britain

London:Sep,28,2014(Himilo)-Walaalka Hoos uga Yar Orodyahanka caanka ah ee u dhashay Somaliland, balse haysta Dhalashada dalka Britain, ayaa laga warwarsan yahay in laga mustaafuriyo dalka ingiriiska kadib markii lagu helay dambi ah inuu ka qaybqaatay rabshado loo adeegsaday mindiyo.

mooWiilkan oo magaciisa lagu sheegay Axmed Faarax, ayaa ka qaybqaatay weerar mindiyo loo adeegsaday oo sanadkii 2010-kii dhacay xaafadda Sothal ee Magaalada London.

Ahmed Farah ayaa waxa xabsi uu ku jiray mudo Afar Sano iyo Bar,waxaana uu ku xidhnaa xarun layidhaahdo Dugavel Detention Centre ee kutaala magaalladda Lanarkshire,iyadoona la sugayo in dalka Somaliya loo Masaafuriyo Goor dhow sida Qareeno ay shegeen.

Kiiskan ayaa kusoo aaday sida wargeyska Daily Mail laga soo xigtay hal toddobaad kadib, markii wiil kale oo walaalo la Mo Farah , laguna magacaabo Omar Farah oo 21—jir ah la xidhay, kadib, markii lagu soo eedeeyey inuu ku hawlanaa sidii uu u jabsan lahaa guri ay lahaayeen Lammaanayaal ,sida uu qoray wargeyska Daily Maile ee dal weynaha Ingland kasoo baxa.

Mo Farax,walalkii ayaanay suurta gal u ahayn in uu noqdo muwaadin ingiriiska,sida ay saadaaliyeen qaar kamid ah wargeysyada dalkaasi, iyadoona Wakiilka Orodyahanka uu diiday inuu ka hadlo sida uu u arko falka lagu masaafurinayo Mo Farah walaalkiisa.

 

Himilo Media

Shirkadda Dahabshiil Daryeelka Bulshada Cidi Kagama Horreyso!-W/Q Cabdi casiis Bashiir Nuur

Shirkadda caanka ku ah, adeega bulshadda ee dahabshiil ayaa si mutadawacnimo ah u samaysay shacabka reer soomaaliya iyo Somaliland.caawimooyin is-daba joog ah, shirkaddu waxa ay noqotay mid u heellan dadka ay metesho ee somaliya waxaanay bixisaa adeeg aanay bulshaddu ka helin, shirakadaha kale.“Shirkadda Dahabshhil waxay buuxisay door dhan oo bulshada hore uga maqnaa oo ah in ganacsatadu damiir ummadnimo yeelato oo horumarka bulshada ay u adeegto qayb laxaad leh ka qaadato. Samafalku horumarka ayuu ka mid yahay, waxaana aan marag ka ahay mashaariic badan oo Dahabshiil qabatay oo aan meel kasta ku arko ama ku maqlaba. Hadaba aan ka hadalno faa”iidooyinka ay shirkadda dahabshiil, ay -geliso bulshadda waxaana ka mid ah wax yaabaha ay sidaa siman ugu tallo gashay xiliyadda farxadda ay bulshadda u baahan tahay sidaa ciidaha oo kale.
Waxa kale oo ay Shirkadaha Dahabshiil Group ugu talo galeen in 500 oo neef oo adhi ah loo kala qaybiyo bukaan-jiifka cusbataallo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeisa Berbera Borama, Gabiley, Laas Caanood, Ceerigaabo, Burco, Bossasso, Beledweyn, Mogadishu, Marka, Jowhar, Garowe, Gaalkacayo, Galmudug, Baydhabo-Bay, Xuddur-Bakool, Kismaayo, Buu’aale iyo Garbahaarrey.
Kuwaasoo dhamaantood ah mid ay bulshaddu ku raaxaystay, ayna u mahad celiyeen shirakadda wadaniga ah ee dahabshiil. Shirkaddu, iyada oo ka duuleysa, fulinaysana istaraatejiyadeeda ah koritaan joogto ah, waxa ay heshiisyo iskaashi la gashay shirkado kale oo la-adeeg ah, oo ku kala yaalla Yurub, Waqooyiga Maraykanka, Aasiya iyo Afrika. Ujeedadu waxa weeye in adeegga Dahabshiil laga helo oo uu gaadho magaalo kasta iyo tuulo walba oo adduunka looga baahan yahay.
Qalinkii
Cabdi casiis Bashiir Nuur
Tel:4144434
info@xogreebnews.com
Hargeisa/Somaliland

Himilomedia.com

Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Beeniyey Inay Madaxweyne Siilaanyo Yeesheen Isu-Soo Dhawaansho Dhinaca Siyaasadda ah

Hargeysa:Sep,28,2014(Himilo)Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka Mid ah Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Somaliland, ayaa maanta ka Hadlay warar hore looga Baahiyey oo sheegayey in heshiis dhaw oo dhinaca siyaasadda ahi dhex maray Isaga iyo Madaxweynaha Somaliland.

ina inaMujaahidka oo maanta saxaafadda kula Hadlay, ayaa meesha ka saaray inay isu soo dhawaan dhinaca siyaasadda ahi dhex martay Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku kala fogaadeen dhanka siyaasadda.

Waxa uu sheegay inuu jiro heshiis dhex maray labada qoys ee Mujaahidka iyo madaxweynaha, kaas oo salka ku haya in labada Qoys ay iska illaabaan colaadii iyo xurguftii dhawaan kala irdhaysay,

“family-gayga iyo family-ga iyo ka siilaanyo muddo badan baanu is niqiinay oo lixdan sano iyo in kabadan baanu is niqiinay dad aad iyo aad iskugu dhaw baanu ahayn o haddii cidi walaalo noqon karto walaalo ah baanu ahayn oo intii aanay axmed iyo aamina is guursan labada midba goni baanu ila saaxiib ahayn, Markii dambe ee guurkoodu dhacayna haddii aanu reer Cabdiqaadir nahay gacan weyn baanu ku lahayn.” Ayuu yidhi mujaahid cabdiraxmaan cabdiqaadir.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Mujaahidku waxa uu sheegay in colaadda Muddada soo taxnayd ee labada qoys dhextaalay ay jireen dad badan oo isku hawlay daminteeda, balse haatan ka hor uu isagu ahaa shakhsiga kasoo horjeeday in la isu soo dhawaado, waxana uu yidhi,

“Colaad xun baa na dhex martay muddona way socotay labadayada qolaba dadbaa aad iskugu hawlay inay na dhexgalaan oo colaadaas la damiyo, laakiin ma ay dhicin oo inta badan anigaa ka gaws adaygayey oo ay igu adkayd. Anigua markii dambe waan fikiray oo waxanu isla garanay inaanu colaadii jojino.”

Mujaahid cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu si cad u sheegay inaanu marnaba ku biiri doonin xukuumadda Kulmiye, isla-maraana aanu jirin wax mansab ah oo usoo bandhigeen inay siiyaan, waxana uu yidhi “Anigu kulmiye Noqon maayo dawladda Geli maayo, Kursi anna ma doonan iyana ima siinin oo ninkaa siyaasiga ah ee madaxa Bannaan ee Ra’yigiisa cabirnayaa Baan ahay.”

Mujaahidku waxa uu sheegay in colaadda Muddada soo taxnayd ee labada qoys dhextaalay ay jireen dad badan oo isku hawlay daminteeda, balse haatan ka hor uu isagu ahaa shakhsiga kasoo horjeeday in la isu soo dhawaado, waxana uu yidhi,

“Colaad xun baa na dhex martay muddona way socotay labadayada qolaba dadbaa aad iskugu hawlay inay na dhexgalaan oo colaadaas la damiyo, laakiin ma ay dhicin oo inta badan anigaa ka gaws adaygayey oo ay igu adkayd. Anigua markii dambe waan fikiray oo waxanu isla garanay inaanu colaadii jojino.”

Mujaahid cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu si cad u sheegay inaanu marnaba ku biiri doonin xukuumadda Kulmiye, isla-maraana aanu jirin wax mansab ah oo usoo bandhigeen inay siiyaan, waxana uu yidhi “Anigu kulmiye Noqon maayo dawladda Geli maayo, Kursi anna ma doonan iyana ima siinin oo ninkaa siyaasiga ah ee madaxa Bannaan ee Ra’yigiisa cabirnayaa Baan ahay.”

 

Himilo Media

 

Halkuu ku dambeeyey heshiiskii Raysal-wasaare-nimo ee Cadami iyo KULMIYE dhex-maray 2008-dii, muxuuse Cadami kaga jawaabay tuhunno ku xeernaa guushii Rayaale?

Xilligaad Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ahayd go’aankii 80-ka cod Xisbigii UDUB aad ku sheegteen inuu kaga guulaystay KULMIYE ma la odhan karaa sababo jiray awgeed waad ku khasbanaydeen..?

- Halkuu marayaa baadhitaanka dilkii Saraakiishii Ciidanka Qaranka, maxaase natiijo la hayaa?
- Qaab nooce ah ayey beelaha darafyada Barigu ku hanan karaan kursiga madaxtinimada?
“sidii odhaah ahayd “Luqmaanoow-ha faadhfaadhin waxii tegay” haatan waxaan ku leeyahay Maxamuud Walaaleeyoow, wixii tegay sidiisa u daa…..Beelaha Darafyaduna..Waxa loo baahan yahay in Sharciga dalka wax laga beddelo...” Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadaim: Waraysi Gaar AH:

Hargeysa, 28 September, 2014 (Himilo)- Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in loo baahan yahay ku dhiirrashada wax ka beddel lagu sameeyo Sharciga dalka si loogu helo farsamo lagu meeleeyo Beelaha darafyada qaarkood oo ay tahay inay fursad u helaan hanashada Madaxtinnimada iyo hoggaaminta dalka
CadamiWasiirka Gaashaandhiggu waxa uu si farshannimo leh uga jawaabay su’aalo kala duwan oo Weriye Maxamuud Walaaleeye oo Wargeyska Himilo ka tirsani ka weydiiyey baadhista dilkii labada Sarkaal ee Ciidanka Qaranka ka tirsanaa ee toddobaadkii hore ka dhacay Qoru-lugud, tuhunno wakhtigii uu Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ahaa ku xeernaa ku dhawaaqista Natiijadii uu Mudane Daahir Rayaale kaga guulaystay Madaxweynaha hadda talada haya Mudane Axmed-Siilaanyo, heshiis ku saabsanaa inuu Raysal-wasaare noqdo haddii KULMIYE guulaysto oo uu Xisbigu la galay markuu mucaaradka ahaa halka uu ku dambeeyey iyo qodobbo kale oo xiiso badan.
Wasiir Cadami oo ka jawaabayey wareysi Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani la yeeshay shalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddadii hadal Odeyaasha Guurtidu hore u sheegeen xilli ay ku dhawaaqeen natiijo doorasho, waxaanu u dhacay waraysigaasi sidan:-
S: Wasiir halkuu marayaa baadhitaanka dilkii Saraakiishii Ciidanka Qaranka iyo natiijada illaa wakhtigan la hayaa?
J: Meel fiican ayey maraysaa habeennimadii dilka foosha-xumi dhacay Hargeysa ayaannu ka dirnay afar Sarkaal oo baadhitaanka dilkaa bilaabay, illaa wakhtigan aaggii ayey ku maqan yihiin, illaa Madaxweynahana arrinkaa tallaabo tallaabo ayaa loogu gudbiyaa halkuu marayo, illaa shan Askari ayaa tuhunka kiiskaa u xidhan oo baadhitaanno ku socdaan.
Baadi-doon Cir iyo Dhul ah ayaan ku wadnaa arrinkaas (dilka). Markaan ku leeyahay Cir iyo Dhul, dabcan diyaarado ma lihin innagu, laakiin, haddaad magaalo kale u dhoofto adigoo baadhitaan ah waad kartaa. Haatan xogaha aannu hayno, anigoo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaynin waa inuu aagga Buuhoodle joogo gacan-ku-dhiiglihii falkaa foosha-xun geystay, lagana hadhi mayo raacdadiisa illaa gacanta lagu soo dhigayo Insha ALLAAH.
S: Habka is-xambaarka loo yaqaan ee Xildhibaannada Wakiillada qaarkood kaga soo baxeen gobollada Bariga dalka waxa hindisaheeda lahaa adiga, Prof Gees iyo ALLAAH ha u naxariitee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qeybe), ma la odhan karaa idinkaa isu-lisay? Mase filaysaa inay doorashada soo socota habka codadka ku soo baxaan Xildhibaanadii hore is-xambaarka ugu jiray golaha Wakiiladda?
J: Waxaan qabaa ereygaa idinkaa isku-lisay inaanu ku habboonayn, balse waxaan leeyahay dalka ayaannu u lisnay. Intii mugdi lagu jiri lahaa, oo in badan oo calooshooda aanay ka soo go’in Somaliland-nimadu marmarsiinyo ka dhigan lahaayeen doorashadii ayaa nalaga reebay, oo codkiibaa naloo diiday inaan xalkaa keenno. Runtii nin khabiir ah oo dhulal dunida ah oo waxa loo yaqaan aqlabiyadda iyo iqliimiyada ka jirto ka soo shaqeeyey ayaa fikirkii sharciga ku dabakhay.
S: Xilligaad Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ahayd go’aankii 80-ka cod Xisbigii UDUB aad ku sheegteen inuu kaga guulaystay KULMIYE ma la odhan karaa sababo jiray awgeed waad ku khasbanaydeen (ajburnaydeen) ku dhawaaqistiisa?
J: Wax nalagu ajburay (khasbay) ma jirin, mar walba Komishanka (Guddiga doorashadu) wuu madax-bannaan yahay, kii hore iyo ka immika la dhisi doonaa-ba looma dhiso inuu dawlad u adeego. Marka Koomiishanku fadhiyo ee go’aankii natiijada u kala sheegayo Madaxdii tartantay waa calaamadaha madax-bannaanida iyo dimoqraadiyadda. Cid ogeyd tirooyinka la kala horreeyey ma jirin, dadku wax badan oon jirin ayey iska aamminaan oo fikirkooda iyo hadalkooda iyagaa u madax-bannaan, balse waxaan kuu sheegayaa inaanu jirin xidhiidh wada-shaqeyneed dhaw oo noo dhexeeyey Maamulkii xilligaa ee Madaxweyne Daahir Riyaale hoggaaminayey. Haddaad u jeeddo hoostaa wax-laysaga dhiibay Alxamdulillaah (Allaah mahaddii), dadkii aan aqaannay ee Komiishanka ahaa, kulayl lacageed ma qabin, mushaharkoodaa ku filnaa!.
S: Miyaan la odhan karin tuhunnada shacabka way ku saxsanaayeen, sidii xilli dambeba xubin ka mid ahayd Koomiishanku u caddeysay in sifahii uu Xisbiga UCID ku soo baxay khaldanayd, maxaad taas ka odhan lahayd?
J: Horta, saacaddii wax taagnaayeen ayey ahayd inuu wax sheego ninka wax hayaa, balse xilli natiijadii lagu dhawaaqay, oo lagu kala hagaagay wadwadkeeda iyo wax kasheegeeda Komishan iyo cid kale-toona waa ku xaaraan. Arrinkaana waxaannu markaa ka bixinnay raalli-gelin.
S: Ku-dhawaaqistii natiijadii doorashada ka dib, waxa jiray hadal Odeyadii Guurtidu ku sheegeen 'Siilanyo, haddii Saleebaan kula tartamo waan kaaga hiilin lahayn, balse Rayaale waannu kaaga qaadnay!” Sideed dareentay maqalkii Odhaahdaa, miyaanu noqon ereyo sii bayaamiyey tuhunno hore looga qabay Guddiga doorashooyinka iyo natiijadii aad ku dhawaaqdeen?
S: Kkkkkkkkkkk! Wax aan dareemay ma jirin, Odeyaasha intii dhimatay Illaahay ha u naxariisto, inta noolna, Odeygaa Xaaji Cabdikariin (Xaaji Cabdi-Waraabe) waa hoggaamiye nabadeed, taariikh ayuu ku leeyahay dalka. Way ka aragti fogaayeen dadka, sababtii ay hadalkaa u yidhaahdeen ee eedda dusha ugu ridanayeen waxay ahayd si dadku u qanco oo natiijadii soo baxday loo aqbalo. Markii ay noo yimaaddeen talooyinkoodii mid keliya ayaanmu diidnay oo ahayd, sheega natiijada habeennimada ama arooryada hore, balse waxaan u sheegnay inaan ku soconno jadwal wakhti aannu raacaynay oo hawl walba xilligeeda ku suntanayd. Markaa, in maanta la yidhaahdo hadalkii Odeyaasha iyo natiijadii Komishanka xidhiidh buu lahaa waa malahii dadka een sheegay, waxba-se kama jiraan.
S: Qoraallo taxane ah oo Prof Maxamed Siciid Gees qoro, waxa uu ku sheegay in la joogo wakhtigii beelaha darafyada qaarkood xilka madaxtinnimada shooggooda loo dhiibi lahaa, inkastoo aanu qeexin waddadii loo mari lahaa, sideed u aragtaa adigu Cadami ahaan dariiqa loo mari karo?
J: Waxa uu sheegay waxaan qabaa inay tahay wax Somaliland tebayso, balse runtii wax walba wixii ka horreeyey ayaa maqan. Sharciga inna haga ee aynu haysano ee Goleyaasha sharci iyo distoorka ayaa innoo dhexeeya, filashadu way fiican tahay in qofku mustaqbalka sii saadaaliyo, balse bisaylka arrinkaasi waxay u baahan tahay in sharciga lagu dhiirrado oo wax laga beddelo sharciga.
S: Adigu Axmed Xaaji Cali Cadami xilli (2008) hore waxaad Xisbiga KULMIYE heshiis kula gashay in jagada Raysal-wasaare la sameeyo, xagguu ku dambeeyey fikirkaasi, sharciga aad leedahay wax hallaga beddelo-se maxaad ula jeeddaa Wasiir?
J: Immika inkasta oo aynu marxaladdiii Xisbiyada u gudubnay, oo marxaladda adag oo Beeleedyo hore ayeynu uga nimi, haddana wixii la rabo farsamo looma waayo samaynteeda. Laakiin, waa inaanu ka baxsanaan sharciga iyo dastuurkeena sharcidejintu samayso ee dalkeenna. Arrinka heshiiskii Raysal-wasaarennimada iyo Xisbiga KULMIYE waxaan kaga jawaabayaa sidii odhaah hore nin aannu saaxiibbo ahayn oo reer Cademeed ahaa Maxamed-Uurdoox ugu jawaabay niman hadalka hoos ugu dhigay oo ahayd; “Luqmaanoow-ha faadhfaadhin waxii tegay!” Haatan waxaan ku leeyahay Maxamuud Walaaleeyoow, wixii tegay sidiisa u daa!.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland