Tuesday, September 30, 2014

Guddiga Madaxweynuhu u xil-saaray ka soo talo-bixinta Tabashooyinka Madax-dhaqameedka Awdal oo ka hadlay halka wax u marayaan

“Waxa annaga noo darani waxa weeye wixii naloo igmaday oo hawl Qaran ah wixii aannu ka soo qaban karno inaannu ka soo qabanno, oo Ninkii noo dirtay oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ah u dhiibno u dhiibno..” Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Guddiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland horraantii bishan uu u xil-saaray ka soo talo-bixinta Tabashooyin is-biirsaday oo Madaxda Dhaqanka ee gobolka Awdal ay u soo gudbiyeen, ayaa markii u horreysay ka hadlay halka ay wax u marayaan wakhtigan, isla markaana sheegay in keliya cidda ay taladooda u gudbinayaan yhay Madaxweynaha.
CADAMI-WASIIRWasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Cali Cadami oo ka mid ah Guddiga Wasiirrada ah ee Madaxweynuhu u magacaabay ka soo talo-bixinta tabashooyinka Odayaasha dhaqanka Awdal soo gaadhsiiyeen bishii hore, ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxa uu ku sheegay inay meel fiican wax u marayaan Guddigooda oo uu xusay inay illaa toddoba jeer kulmeen, iyagoo darsaya heerka tabashooyinka iyo talada ay ka bixin lahaayeen.
“Aniga oo ku hadlaya magacii Guddiga loo xil-saaray ee Madaxweynuhu u igmaday tabashada ka timi Madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo isu dhan, qiimaynteeda iyo qaddarinteeda u baahan, wixii aannu markaa daraasad ka soo samaynaynay, shalay (dorraad) bay ahayd fadhigii toddobaad ee aannu qaadannay (Guddi ahaan), ciddii markaa iyadu faalisa...waxaan maqlayey Jaraa’id lagu qoray Guddigi weli fadhi may qaadan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Waxa uu Wasiirka Gaashaandhiggu sheegay in dadka naqdiyaya Guddigooda ay rabeen in ay wax mindi-roorteeyaan bilawgiiba, waxaanu yidhi; “Waxa la rabay maalintaannu isu nimid ee Bisinka qabsanaynayba inaannu nidhaahno halkanaannu marinaynaa, waxanaannu soo saarnay, markaa annagu faan iyo ismuujin midna annagu shaqo kuma lihin waan soo dhaafnay.”
Wasiir Cadami oo ka hadlaya waxa iyaga waajibaadkooda shaqo ee Madaxweynuhu u xil-saaray, waxa uu yidhi; “Waxa annaga noo darani waxa weeye wixii naloo igmaday oo hawl Qaran ah wixii aannu ka soo qaban karno inaannu ka soo qabanno, oo Ninkii noo dirtay oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ah u dhiibno u dhiibno, dabadeedna siduu ugu tasarrifayo isaga iyo bay ka dhaxaysaa Madax-dhaqmeedkii Tabashada u gudbistay, wax kale oo meesha jiraa ma jiraan, hadal kale iyo dood ka furanina ma jirto.”
Wasiir Cadami waxa uu sheegay inay hawshaasi meel fiican u marayso hadda, isla markaana talada marka ay Madaxweynaha u gudbiyaan taladooda go’aankeeda iyo sida uu ka yeelayaa ay u taallo Madaxweynaha, waxaanu yidhi; “Meel wanaagsan bay hawshaas annaga naloo xil-saaray noo maraysaa, waxaannu jecelnahay inay sidaas ku soo gebo-gabawdo dabadeedna ay noqoto in Madaxweynihii noo dirtay farta ka saarno oo aannu u geyno.”
“Dabadeedna sidaas is-afgarad iyo tanaasul Somaliland ku soo caano-maashay iyo is-qancintii isagay ayay markaa hawshaasi u taallaa iyo Madax-dhaqameedka (Awdal) oo aannu ku kalsoonnahay inay danaynayaan jiritaanka Somaliland oo dadkii wax ka soo dhisay ay yihiin oo ay u tudhayaan Somaliland, wixii macquul ahna iyagu ay isla gartaan, taas ayaannu annaga iyo ummadda Somaliland oo dhanba ku faataxaynaysaa, Xarfad kale iyo wax kale oo meesha laga sheeko oo laga dhex-saaraana ma yaallaan,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
Guddiga Madaxweyne Siilaanyo u xil-saaray ka soo talo-bixinta Tabashooyin is-biirsaday ee Madaxda Dhaqanka Awdal oo ka kooban lix xubnood oo Wasiir Cadami Guddoomiye u yahay, kuwaas oo kala ah Wasiirka Boosaha & Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir, Wasiirka Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment