Wednesday, September 24, 2014

Haweenaydii Cuntada Ka Dhadhamin Jirtay Hogaamiyihii Jarmalka Ee Hitlar Oo Loo Aqoonsaday Qofkii Ugu Shaqada Halista Badnaa Dunida

Haweenay da' ah oo lagu magacaabo Margot ayaa waxay noqotay haweenayda ugu shaqo khatar badan dunida iyada oo ay weheliyaan 15 haween ah oo kale, kadib markii ay naftooda u biimeeyeen in ka badan laba sano markii lagu qasbay inay dhadhamiyaan qaybo ka mida cuntadii uu cuni jiray hogaamiyihii nazi-ga germany ee Hitlar kaasoo wakhtigaasi ku jiray xarun dayr ah oo dhulka hoostiisa ah halkaas oo uu ku qaatay labo sano oo ka mid ah noloshiisa wakhtigii lagu jiray dagaalkii labaad ee dunnida.
Margot ayaa waxay halis badan nafteeda u galisay si ay cuntada uga dhadhamiso hogaamiyihi hore ee dalka jarmalka Hitlar oo muddadii uu ku jiray dagaalkii labaad ee dunida diiday inuu cuntada cuno ilaa inta laga dhadhaminayo waxaanay ka mid noqotay haweenka arrintaasi loo xilsaaray, waxaana hitlar wakhtigaasi uu amar ku bixiyay in la keeno dad ay haweenaydan ka mid ahayd si ay cuntada uga dhadhamiyaan, kadib marka ay dhadhamiyaan haweenkaasi uu cuni jiray cuntadii ay dhadhamiyeen ugu yaraan hal saac kadib.
markii hitlar uu kasoo baxay goobtii uu ka bixin jiray amarada oo ku taala meel dhulka hoostiisa ah oo lagu magacaabi jiray Wolves Lear oo uu ku jiray muddo 800 maalmood ah bishii November sanadii 1944 waxa mid ka mida gacan yaraayaashii hitlar uu ka caawiyay haweenaydan inay u baxsato magaalada berlin ee wadanka jarmalka iyada oo halkaas ku noolayd ilaa intii ka danbeysay wakhtigaas oo ilaa xilligana ay ku nooshahay, waxaana la aaminsan yahay in haweenkii kale ee cuntada ka dhadhamin jiray Hitlar ay dileen ciidamadii midawgii Soviet-ka.
margot oo hada da' ah ayaa waxay dhawaan ka warantay dhibkii ka soo maray nolosheeda wakhtigii ay ka ag dhawayd hogaamiyihii jarmalka ee hitlar iyada oo sheegtay inay u ahayd marxaladihii ugu xumaa ee nolosheeda soo mara.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment