War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyada ayaa lagu cadeeyay in madaxweyne Silaanyo soo saaray xeerka abuurida, aasaasida waaxda ilaalinta sahaminta soo saarista shidaalka ee ciidanka booliska, war-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani waxa uu u dhignaa sidatan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.
Madaxweynuhu
Markuu Arkay: Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;
Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka;
Markuu Arkay: Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011
Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.
Markuu Tixraacay: Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ilaalintiisa;
Markuu Garawsaday: Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;
Wuxuu Go’aamiyey
Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
ALLAA MAHAD LEH
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment