Tuesday, September 30, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Heegan Qaranimadooda ay ku difaacaan ugu baaqay Shacabka Somaliland, Beesha Caalamka-na Garnaqsi u jeediyey

Madaxweynaha oo jawaab kulul ka bixiyey Hadal Dhiggiisa Somalia ka jeediyey Xarunta Qaramada Midoobay

“Waxay dawladda Somalia u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wada-hadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wada-hadallada si aynu u kala baxno”

Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay war-wareegayso isla markaana aanay ixtiraamayn wada-hadalladii u socday labada waddan iyo heshiiyadii ka soo baxay, waxaanu beesha Caalamka ugu baaqay inaanay horumarka iyo nabadda ka jirta Somaliland u xusul-duubin waddanka burbursan ee Soomaaliya.
Siilaanyo-777Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay jirin midnimo dambe oo shacabka Somaliland diyaar u yihiin, waxaanu dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay ku soo laabtaan miiska wada-xaajoodka oo uu ku timaamay waxa kaliya ee ay labada waddan ku kala-bixi karan.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisu daba-socday hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya oo xarunta Qaramada Midoobay oo uu shir kaga qayb-galay ka sheegay inuu muddo laba sanno gudahood ah uu ku hirgelinayo midnimada dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, in kasta oo aanu Somaliland soo hadal-qaadin, ayaa sheegay inay shacabka Somaliland iyo dawladdiisuba diyaar u yihiin difaacista qaranimadooda, balse aanay jirin midnimo dambe oo dhexmarta Soomaaliya.
Md Axmed Siilanyo oo shalay ka qayb-galay munaaisbad qalin-jabin ah oo loo qabtay dufcaddii 11aad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Hargeysa, waxa uu hadalka madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay Qaramada Midoobay ku tilmaamay riyo aan meel gaadhsiisnayn iyo war been ah oo uu gaadhsiiyey beesha Caalamka.
“Waxaan jecelahay in aan kelmad ka idhaahdo Madaxweynaha Somalia iyo dawladiisa oo weli ku-naaloonaya midnimo, dunidana u tebinayey war khaldan iyo riyo aan waxba ka jirin.
Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran madax-banaan, dadkiisuna way tashadeen waxaanay rabitaankooda ku dhisteen dawlad iyagoo codkooda 97% ku-meel-mariyey dastuurka JSL iyo jiritaankooda,” ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Siilaanyo.
Md Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Midnimadii Somalia waa tii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta, oo ku soo xadgudubta xuduudaha dalkan Somaliland dhulkiisa, badiisa iyo cirkiisa. Waxay dawladda Somalia u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wada-hadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wadahadalada si aynu u kala baxno.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu garnaqsi u diray beesha Caalamka oo ugu baaqay inay ka garaabaan horumarka iyo nabadda shacabka Somaliland kasbadeen, isaga oo soo dhaweeyey taageerada beesha caalamku ka geysato dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay garwaaqsadaan xaqiiqada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa inay caawiyaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana-qaaday dalkan, waa noo muhiim doorashooyinku waanan soo dhawaynaynaa doorka ay ka qaataan deeq-bixiyayaashu.”
Waxa uu madaxweynuhu Isku-duubni ugu baaqay shacabka Somaliland, “Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay is-ku-duubnaadaan, Dalka ilaashadaan meelna uga soo wada jeedaan cadawgooda,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey fadhigii 69aad ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxayso uu todobaadkan kaga qayb-galay xarunta guud ee Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada New York ee Maraykanka, waxa uu sheegay inuu muddo laba sanno gudahooda ah ku soo celinayo midnimadii Soomaaliya. “Waxaanu leenahay waddan immika ku socda inuu u midoobo Qaran ahaan, annaga oo hindisahayagu in sannadka 2016-ka la helo Soomaaliya oo midaysan,” sidaas ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay Xarunta Guud ee Golaha Ammaanka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment