Tuesday, September 23, 2014

Yuhuudda Oo Sheegatay Inay Dishay Rag ay Si Weyn U Baadigoobaysay

Jerusalem:Sep,23,2014(Himilo)-Ciidamda Yuhuudda ayaa sheegtay inay dileen saddex Nin oo u dhashay Falastiin oo si weyn muddo loo raadinnayey.

fogayMaamulka Yahuuddu waxa uu tilmaamay in ragga la dilay ay hore u laayeen Wiilal Dhallinyaro ah oo yuhuud ah, kuwaas oo dilkooda ay ka Bilaabantay colaaddii muddada Kontonka cisho ah socotay ee kumanaanka qof loo laayey.

Labada nin ee u dhashay Falastiin oo lagu kala magacaabo Marwan Qawasmeh iyo Camir Abu Aysha ayaa la sheegay inay xubno ka ahaayeen xisbiga Xamaas, kuwaasi oo kasoo jeeda magaalada Hebron ee daanta Galbeed ee wabiga Urdun.

Isra’iil ayaan soo bandhigin cadeynmaha ay u heyso in raggan ay ka danbeeyeen dilka sadex dhalinyaro Yuhuud ah oo la dilay badhtamihii sanadkan, falkaasi oo keenay duulaankii ay Isra’iil ku qaaday Gaza oo lagu dilay in ka badan laba kun oo qof oo Falastiiniyiin ah.

Isra’iil ayaa sheegtay in raggan xalay lagu dilay hawlgal ay fuliyeen ciidamadooda, isla markaana uu halkaasi ka dhacay iska horimaad. Yuhuuda ayaa hore u burburiyey guryihii degenaayeen ehelada raggan oo ku yaal magaalada Hebron.

Ma jiro war madax Bannaan oo dilka raggan xaqiijinaya, kaas oo kasoo baxay dhinaca falastiiniyiinta, waxase la sugayaa jawaabta ay Kooxda Xamaas ka bixiso Sheegashada Isra’il.

 

 

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment